Shir loga arinsanaayo sidii xal logu heli lahaay fatahaadaha oo lagu qabtay kenya

Date:

Kullankan shaqo oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin ka socotay dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaburo farsamo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib isla markaana  dowladda kala shaqeenaya la tacaalidda arrimaha fataahadaha iyo abaraaha ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee xarrunta dalka Kenya.

Seddexa maalin ee uu kullanka socdo ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saari doonaa si amba qaadida howlo shaqo oo horay u soo socday, kuwaasi oo ay kamid tahay sidii xal loogu heli lahaa waxyaabaha soo laalaabtay sida fataahadaha, abaraaha Iyo burburka ay sameeyeen labadaan arrin oo dhaqaalaha iyo nolosha ka mid yihiin.

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta C/qaadir Aadan Maxamed ayaa warbixin ka bixiyay muhiimadda shirka.

“waxaan halkan mudada sadaxda cisho soo socda sidii aan u amba qaadi lahayn shaqo hori u socodtay ay ka mid sidii wax looga qaban lahaa arrimaha fataahadaha iyo baaraha.waxaana xoogna la saarayaa arrimaha xoolaha wax soo saarka dalka, si bur burka ay gaystay artin ay faatadaha iyo baaraha oo nolasha dadka saameynta ku reebtay,waxaan rajeynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan taloobyin ku aadan mahsaarciidii wax looga qaban lahaa arintaasi in la qaado”.

Maxamed Macallin xoghayaha joogtada wasaaradda gargaarka waxa uu sheegay in dadka saameynta ay ku yeesheen fataahada ka dhacay qaar kamid ah magaalooyinka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado.

“Sidaan  ula socotaan waxaa ka dhacay qeybo ka mid ah maaulada jubbland iyo Horshabeele fataahada siidiba magaalada baledweyne oo saameyn badan u gaystay shacabkii deganaa magaalaadasi,waxaan rajeynaa in dadkaasi si deg deg ah gurmad loo gaarsiin doona iyadoo garoonkii loo marin lahaa gar gaara in uu xir yahay,marka magaalada guriceel ayaa gar gaarka laga daabuli doonaa,hada kumanaan shacab ah ayuu fataahada saameyn ku yeeshay”.

Ugu damebyn 3 da cisho kaddib waxaa la rajeynayaa in kullanka ay ka soo baxaan tallaabooyin waaweyn oo ay kamid yihiin qorshihii guud ee dib u kabashada u adkeysiga abaaraha iyo fataahahada haatan ka dhacay qaar kamid ah gobollada dalkeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...