Home Blog Page 1334

Madaxweyne Farmaajo oo Baladweyn booqdey

0

Madaxweynaha Jamhuuriaydda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne oo xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha dalka ee Baladweyne ayaa ah in uu u kuurgalo xaaladda ay ku sugan tahay magaalada iyo dadka ka barakacay ee duleedka magaalada ku sugan kaddib markii ay guryahooda qaadeen daadad xoog leh oo ka dhashay Roobabka iyo Fatahaadda Webiga Shabeelle.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday Kaamam ay ku jiraan dad dan yar ah oo Fatahaadda ka soo barakacay, waxa uu ballan qaaday in si deg deg ah ay dowladda uga jawaabeyso xaaladda ay ku jiraan, gurmadna la soo gaarsiinayo dhowaan oo ay imaan doonaan guddigii ay Xukuumadda u xil saartay gurmadka arrintaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulammo la qaatay madaxweynaha Hir-shabeelle iyo saraakiisha ciidammada Xoogga iyo kuwa AMISOM, una sheegay in si deg deg ay uga qeyb-qaataan gurmadka una fududeeyaan hey’adaha gargaarka iyo guddiga ku howlan gurmadka.

 

Berri oo la fasaxay shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah

0

War ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay shaqaalaha Dowladda iyo shaqaalaha gaarka ah intaba in maalinta berito oo ku beegan Tallaado 1-da bisha May iney tahay maalin fasax ah.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa waxay ugu  hambalyeyneysaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalinta shaqaalaha weynaha aduunka oo maalinta berito ah ku beegan 1-da bisha May ee sanadka 2018-ka.

1da May sanad walba waxaa Caalamka laga xusaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha adduunka oo ah lafdhabarka wax soo saarka iyo horumarinta koboca dhaqaalaha.

Lifaaqa hoose ka akhriso warqadda Fasaxa

Fasaxa 1 May

Afar musharax oo wareegga labaad u gudubtay

0

Waxaa la soo gabagabeeyay tirinta cododka wareega koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaan ilaa iyo 10-musharax,waxaana hadda loo gudbayaa wareega labaad ee doorashada.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Guddooomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey oo ku dhawaaqay sida loo kala helay cododka ayaa sheegay in wareega Labaadee doorashada ay isugu hareen afar  musharax.

Afarta musharax ee isugu soo haray wareega Labaad ayaa waxay kala yihiin Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo helay 83-cod,Ibraahim Isaaq Yarow oo isagan helay 69-cod,C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54-cod iyo Xildhibaan Shariif Maxamed Abdalla oo helay 19-cod.

Halkaan Hoose ka Akhriso sida ay Musharaxiinta u kala heleen cododka.

1- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye 5-cod

2- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar 3-cod

3- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan 83-cod

4- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla 19-cod

5- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye 7-cod

6-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur. 3-cod

7- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow 69-cod

8- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur 16-Cod

9- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54-cod

10- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow 17-cod

Madaxweyne Farmaajo oo qadka teleefanka kula hadlay ciyaartooyda 17 jirada

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa teleefoonka Magaalada Gitega ee Dalka Burundi kula hadlay Macalimiinta iyo Ciyaartoyda Xulka da’yarta Soomaaliya ee Galabta qeybta ka ah ciyaarta kulanka ka dambeysta ee Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika.Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horreyn la hadlay Macalinka hoggaaminaya Xulka 17 jirada Soomaaliya Macalin Salaad Faarax Xasan, waxa uuna ugu hambalyeeyay dadaalka uu ku bixiyay in xulkeenna uu heerkaan soo gaaro, waxaana uu sidoo kale kula dardaarmay in dadaalka uu meeshiisa kasii wado.

“Waxaan ilaaheey idinkaga rajeynayaa guul in aad Koobka soo qaadaan oo aad dalkiina usoo hoysaan magac wanaagsan, dhallinyarada waa ku dhiirigallineynaa in ay si wanaagsan u cayaaraan maxaa yeelan magacii iyo astaanta dalka ayay hayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ciyaartoyda iyo Macalimiinta oo maqlay farriinta Madaxweynaha ayaa qaaday heesta astaanta qaranka ee Soomaaliyeey toosoo, Macalin Salaad oo ku hadlayay Magaca Xulka qaranka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay dhiirigallinta iyo garab istaaga uu u muujiyay waxa uuna intaas raaciyay in waqtigii ciyaarta uu dhawyahay oo ay garoonka sii aadayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambayn kusoo gabagabeeyay hadalkiisa duco iyo niyad dhis uu u muujiyay xulka da’doodu ka yartahay 17 sano.

Wafdi ka socda dowlada federalka soomaliya oo gaaray magallada Juba

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Xariirka Caalamiga ah Mudane Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa gaaray Magaalada Jubba ee Caasimada wadanka Koonfur Sudan, Halkaasi uu uga qeyb galaayo shirka wasiiradda arimaha dibada.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa Magaalada Jubba uga qeyb gali doono Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibada IGAD kaasi oo looga hadlayo xal u raadinta Wadamada Colaadu ka jirto.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibada Koonfur Sudan iyo Diblumaasiyiinta Safaarada Soomaaliya ee magalaada Jubba ee koonfurta suudaan.

Maalintii labaad ayuu ka socdaa Magaalada Nairobi kulanka looga hadlayo Arrimaha Fataahadaha

0

Qodobada maanta xooga la saaray waxaa ka mid ah sidii deg deg wax looga qaban lahaa dadkii saameynta u gaysatay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Waxaana ay isku raaceen Madaxda Dowladda Soomaaliya ee Shirka ka qeybgalayo, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Baanka Aduunka in si deg deg ah in gurmad loogu fidayo dadka ka barakacay Magaalooyinka fatahaada uu Wabigu ka  gaystay.

Dhinaca kale waxaa diirada la saaray amba qaadka wajiga labaad ee qorshaha dib u kabashada u adkeysiga Abaaraha iyadoo layla gartay der dergalinta Mashaariicda dib u kabashada,waxaana la noolaynayaa ilaha kala ah Waxsoorka sida kaluumeysiga Beeraha, Xoolaha,Biyaha, Tamarta iyo qodab kale kuwaas oo ku baxayo dhaqaaale fara-badan.

Kulanka ayaa la rajeynayaa in ugu dambeyn laysku raaco qodob la-fulin karo Shanta Sano ee socda si Soomaaliya ay u sameeyso dib u kabasho ballaaran.

wasiir Beyle oo ka warbixiyay waxqabadka wasaradda Maaliyada

0

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo xafiiskiisa kula hadlayay warabaahinta ayaa ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda, wuxuuna shirkiisa jaraa’id uu diiradda ku saaray,qorshaha deyn cafinta,daabicista lacag cusub oo Shillin Soomaali ah,mideynta canshuuraha,isagoo sharaxay waxyaabihi ka soo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Washington ee Mareykanka,Wasiirka ayaana sheegay in shirkaasi uu guul ku soo dhamaaday,islamarkaana dhamaan wafuudii ay la kulmeen ay u riyaaqeen warbixinadii laga siiyay halka ay marayso Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan si dhaqsi ah loo soo daabacayo lacagta Shinllin Soomaaliga, taasi oo qeyb ka ah waxyaabaha lagu heshiiyay.

“Waxaa kaloo aan ka wada hadalnay in na loo daabaco lacagta Shillin Soomaaliga,talaabooyinka wixii nalooga baahnaa daabacada lacagtaasina waan buuxinay,waxaa kaloo la isla gartay lacagta daabacadeeda ayaa qarash badan ku baxaya,waxaa ku baxaya lacag dhan 41 Milyen oo dollar,anaga mahaynee ee halkii laga keeni lahaa ayaan dadaalkeedi kujirna”.

Magaalada Nairoobi ee xarunta Dalka Kenya ayuu sheegay in dhawaan ay kula shiri doonaan hay’adda lacagta addunka,si loo dhameystiro dadaalada ku aadan in Soomaaliya deynta laga cafiyo,taasi oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay.

“Bisha may ee soo socota todobadeeda waxaan isugu tagaynaa Nairoobi,waxaan ka wada hadlaynaa in aan so xirno wejigii hore ee tijaabooyinka ama imtixaanada deymaha nalooga cafinaayo,waxaana kamid ah horumarinta hanaanka maamul Maaliyadeed,waxaa kale oo qeyb ka ah in la mideeyo canshuuraha Dalka,maadaama aanu nahay hal dal,waxaanu rajaynaynaa in sanadka dambe ay soo dhamaadaan dadaalada deymaha nalooga cafinaayo”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyntii wuxuu soo hadal qaaday tirikoobka shaqalaaha dowladda iyo guud ahaan ciidamada marka laga eego xagga bixinta mushaharaadka,wuxuuna ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay horumarinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Waare ”150.000 oo Qof ayaa ka barakacday Fatahaadda Webiga Shabeelle

0

Baladweyne-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku baaqay in Dadka ku dhibaataysan daafaha Magaalada Baladweyen loo sameeyo gurmad ballaaran.

Mudane; Waare oo isaga oo ku sugan Magaalada Baladweyne Waraysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay Magaalada ka barakaceen Dad gaaraya 150,000 Oo Qof, kuwaasoo ay dhibaatooyin kala geddisan ku haystaan halka ay u qaxeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dadka ka barakacaya fatahaada Webigu ay kor u sii kacaysa tiradoodu marba marka ka dambaysa.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn Dowladda dhexe, hay’adaha samafalka, Ganacsatada, Bulshada qaybaheeda wax haysata iyo qurba joogtaba ugu baaqay inay Gacan weyn ka geystaan samata bixinta Dadka ku tabaalaysan daafaha Magaalada B/weyne.

Madaxweynaha Dalka oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray Qoyskii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi oo ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Marxuumka in allaah uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa, waxaana uu guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi.

Sidoo kale Siihayaha Guddoomiyaha, Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Duurey oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada K/Galbeed ayaa dhawaanahaan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana xalay uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdish

Olole nadaafadeed oo ka billoowday qaybo ka mid ah Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV) Waxaa qaybo ka mid ah Gobolka Banaadir xalay ka billoowday Olole nadaafadeed oo lagaga hor tagayo wasaqda ka dhalataa xilli Roobaadyada.

Ololahan nadaafadeed ayaa laga sameeyey Laamiga Suuqa Degmada Karaan Gobolka Banaadir, iyadoo lala tacaalayay sidii loo hagaajin lahaa Carada ay soo ragaan Biyaha Roobka oo xilligan oo kale xira Waddooyinka waaweyn ee Caasimadda.

Guddoomiye ku xigenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Basma Caamir Shikeeti, maamulka Degmada karaan, howl-wadeenada Dowladda hoose iyo qaar ka mid ah shacabka degmadaas ayaa hormuud ka ahaa ololahaan.

Guddoomiye ku xigeen amniga iyo siyaasadda ahna kusimaha guddomiyaha Degmada Kaaraan , Saalax Maxamed ayaa sheegey ololahan nadafadeed ee ka billowday Degmada Karaan inay qorsheyeen inuu socon doono Sedex Maalmood.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir, Basma Caamir Axmed ayaa shacabka iyo maamulka Degmada karaan ku amaantay isxilqaanka iyo shaqada wanaagsan ee ay qabanayaan, waxeyna intaa ku dartay inuu maamulka Gobolka Banaadir wado qorshe cusub oo bilicda Caasimada lagu soo nooleynayo.

Intii uu socday ololahan nadafadeed ayaa godoomiyaha arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir waxey   xog waraysi ku aaddan sida ay suurto galka u tahay soo celinta bilicda Degmada Kaaraan la qaadataya Dadka ganacsiyada kala duwan ku leh hareeraha waddooyinka shaqada laga hayay.