Home Blog Page 1334

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SONNA), Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal, ayaa maanta la kulmay Wafdi  uu hoggaaminayey Ergeyga Midowga Yurub u jooga Soomaaliya,  iyaggoo kawada hadlay dar dar gelinta dagaalka Nabad diidka lagula dagaalamay, dhismaha iyo qalabeynta  Ciidanka Xoogga dalka.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone, ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’antahay taageerada Dowladda Soomaaliya dhinacyada amaanka iyo dib u dhiska ee ay siiyaan Soomaaliya, islamarkaana ay Muhiimad gaar ah siin doonaan dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo warbaahinta Qaranka la hadlay,  ayaa Midowga Yurub ku ammaanay garab istaagga dowladda Soomaaliya ee joogtada ah,  waxaana uu ugu baaqay in ay halkooda ka sii wadaan dadaalka ay ugu  jiraan in Soomaaliya mar kale cagaheeda ay ku istaagto.

 

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Dowladda Jarmalka uga mahad celiyey taageerada ay siiyaan Soomaaliya “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane  C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch, isagoo kala hadlay qodobo badan oo  ay kamid yihiin in fursado shaqo abuur ah  loosameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed , tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland iyo arrimo kale.

Madaxweyne  Gaas, ayaa ugu horayn xaqiijiyey in  Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka Jarmalka iyo Soomaaliya, isagoo uga mahad celiyey taageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo ka qeyb qaadasha dib udhiska dalka.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya,  ayaa isla meel dhigay sidii dhalinyarada  loogu sameyn lahaa shaqo abuur, gaar ahaan sidii loogu hirgelin lahaa dalka dugsiyada farsamada gacanta, si ay u noqdaan dad aqoon leh kuna maareeya danahooda gaar ka ah iyo kan dalkooda iyo dadkoodaba.

 

Dekedda Muqdisho oo laga soo saaray haraadiga Maraakiib horey u quustay+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Shirkadda Al-Beyrak ee Maamusha Dekedda Muqdisho oo ka duuleysa  sare u qaadista Dayactirka iyo nadiifinta Dekedda Weyn ee magaala Muqdisho ayaa fulisay howl lagu hagaajinayo goobta ay kusoo xirtaan Maraakiibta oo laga soo saaray qalab ka haray maraakiib horey ugu quustay dekedda, si loo fududeeyo hanaanka shaqo ee dekedda magaalada Muqdisho.

Waxaa muuqanayey howlwadeenada Shirkadda Al-Beyrak oo ku howlan soo saarista Haraadiga Maraakiib ku quustay dekedda iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah oo loogu tala galay nadiifinta dekedda, waxaana ay ku guuleysteen in howsha oo bilow ah ay dibadda usoo saaraan qashin badan oo caqabad ku ahaa habsami u socodka howsha socota iyo soo xirashada maraakiibta kala duwan ee dekedda kusoo xiranaya.

Maxamed Sheekh oo ah u qaabilsanaha dhinaca Warbaahinta ee Shirkadda Al-Beyrak ee maamusha Dekedda Muqdisho ayaa tilmaamay in arintaan loogu talo galay qurxinta howsha muhiimka ah ee ka socota dekedda Muqdisho.

Shirkadda Al-Beyrak oo masuul ka ah maamulka dekedda Muqdisho ayaa qorsheysay talaabooyin badan oo ay ku dooneyso in ay ku hormariso shaqada ka socota dekedda sida uu mar kale sheegay Maxamed Sheekh u qaabilsanaha dhanka Warbaahinta ee Shirkadaasi.

Isku aadka cayaaraha kubada Cagta maamul gobaleedyada oo la shaaciyay

0

Muqdisho (SONNA):-Waxaa shaaca laga qaaday isku aadka tartanka kubada Cagta maamul gobaleedyada Soomaaliya oo looga dhawaaqay munaasabad ay maanta qabatay wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya.

Gobalka Banaadir oo Cayaaraha lagu marti gelinayo ayaa cayaarta ugu horeysa tartanka maalinta Jimcada la yeelan doona kooxda ka socota Jubbaland, iyadoo sida ku cad jadwalka tartanka ay maalinta khamiista ah dhici doonto munaasabada furitaanka.

Lixda koox ee tartanka ka qeyb galaya ayaa loo qeybiyay laba qeybood oo min sadex koox ah. Xulka Banaadir ayaa group-ka A kula jira Jubbaland iyo Galudug, halka group-ka B ay ku wada jiraan: Puntland, Koofur Galbeed iyo HirShabeele.

“Munaasabada furitaanka ee maalinta Khamiista ah dhici doonta waxaa bar bar socda cayaar ay yeelanayaan laba kooxood oo da’doodu ka hooseyso 15 kuwaas oo ka mida dhalinyarada lagu tababaro barnaamijka  horumarinta dhalinyarada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta”ayay tiri Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo saxaafada la hadashay.

Waxaa ay wasiiradu amaan usoo jeedisay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta qaabka wanaagsan oo ay farsama ahaan u diyaariyeen cayaaraha,iyadoo intaa ku dartay in ay aad ugu rajo weyn tahay in cayaarahani ay xiiso weyn ku reebi doonaan bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibada.

“Koox xeel dheerayaal kubada cagta ah oo ay ku jiraan cayaryahano iyo garsoorayaal hore ayaa loo magacaabay guddiga racfaanka ee tartanka. Waxaan jeclahay inaan mar kale xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ku amaano qaabka wanaagsan ee farsamo ahaan loo diyaariyay tartanka”ayay tiri Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Dhanka kale Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa kooxaha tartanka ka qeyb galaya ku wareejisay qalab dhameystiran oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu uu kooxaha ku deeqay.

   A                                                                  B

  1. Banadir                                       1. Hirshabeele

     2.Galmudug                                    2. Puntland

  1. Jubbaland                                    3. South West


Fixtures

MN Day Date Group Teams Field Time
1 Friday 08/12/2017 A Banaadir Vs Jubbaland Banaadir 15:30hrs
2 Saturday 09/12/2017 B     Hirshabeele Vs  

South West

Banaadir 15:30hrs
  Sunday 10/12/2017 Rest Day
3 Monday 11/12/2017 A Galmudug Vs Banadir Banaadir 15:30hrs
4 Tuesday 12/12/2017 B Puntland Vs Hirshabele Banaadir 15:30hrs
  Wednesday 13/12/2017 Rest day
5 Thursday 14/12/2017 A Jubbaland Vs Galmudug Banaadir 15:30hrs
6 Friday 15/12/2017 B South West Puntland Banaadir 15:30 hrs

Semi Final

MN Day Date Teams Time Field
07 Monday 18/12/2017 A1 Vs B2 Banaadir 15:30hrs
08 Tuesday 19/12/2017 B1 Vs A2 Banaadir 15:30hrs

Final

MN Day Date Teams Time Time
09 Friday 22/12/2017 WMN 7 Vs WMN 8 Banaadir 15:00hrs

 

Taliska Qeybta 43-aad ee CXD oo sheegay inay heleen Xogo la xiriira Horjoogaha Al shabaab

0

Muqdisho(SONNA) Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Ismaaciil Saxardiid oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in xogo ay heleen ay sheegayaan in Horjoogaha ugu sareeya Aragagxisada Al shabaab Axmed Diiriye uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid Gobalka Gedo.

Taliyaha ayaa sheegay in Horjooge Axmed Diiriye uu kasoo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe, ka dib Cadaadis xoogan uu kala kulmay Hawgalada dhulka iyo cirka oo Ciidamada xoogga dalka iyo Saaxiibada caalamka ay ku ciribtirayaan Argagaxisada Al shabaab.

“Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Horjoogaha Al shabaab ugu sareeya uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobalka Gedo, isagoona kasoo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe halkaas uu ku dhuumaaleysan jiray, isagoo ka baxsanaya hawgalada iyo duqeymaha Ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada caalamka ay ka wadaan qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya”.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Horjoogaha ugu sareeya Nabad diidka Al shabaab uu ugu cararay Gobalka Gedo inuu baxsado maadaama ay soo wajahday baqdin xoogan laakiin Sirdoonka Soomaaliya iyo ciidamadda Xoogga dalka ayaa ku bartilmaameedsan doono goob kasta oo uu ku dhuumaaleysanayo.

Sidoo kale General Ismaaciil Saxardiid Keedsane waxa uu sheegay nabadiidka Al-shabaab goobaha ay joogaan ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool isagoona balan qaaday in degaanadaasi dhawaan ay la wareegi doonaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Argagaxisada Al shabaab, iyagoo ay u dhameystiran yihiin qalabkooda, si fiicana loo dhiiri galiyay, waxay sidoo kale heystaan balanqaadyo dhiiri galin ay u sameeyeen Madaxda Qaranka oo waqti kasta garab taagan.

 

Wariyeyaal ka socda Warbaahinta Dawlada oo tababar uga qayb-galaya Turkiga

0

Antalya (SONNA) Waxaa shalay Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga ka furmay tababar heer caalami ah oo la xiriira warbaahinta  kaasoo ay ka qeyb galayaan wariyeyaal ka socda Waraabinta Qaranka Soomaaliya.

Ilknur oo ah isku duwaha Barnaamijka Tababarka ayaa Wakaalada SONNA u sheegtay in 158 ruux oo ka kala socda 70 dal ay ka qayb galayaan tababarka, laguna baranayo mawduuca ah in Wax tayo leh la soo saaro ( Effective Content Production).

“Waxaan ku martiqaadnay 162 ka qayb-gele oo ka kala socda 70 dal, balse waxaa hadda yimid oo jooga 158, waxaa maqan ku dhawaad 5 ruux oo sababo farsamo dhanka duulimaadka ah inooga maqan, waxaana TRT ay la wadaagaysa waayo aragnimadooda ku aadan barnaamijkan”, Ilknur ayaa sidaa tiri.

Maxamed Cisman Cabdi ‘Black Cobra’, Axmed Cali Kaahiye, Maxamed Abukar Ma’da iyo Maxamed Sheekh Abuukar ayaa  ku matalaya Soomaaliya waxaana ay ka wada socdaan Warbaahinta Qaranka qeybaheeda kala duwan.

Maxamed Cismaan “Black Cobra”

bty
bty
bty
bty
bty
bty
bty
bty

Akhriso Nuxurka Khudbadihii laga jeediyay Maalintii Labaad shirka Muqdisho ka socda

0

Muqdisho (SONNA) Waxaa magaalada Muqdisho maalintii Labaad ka soconaya wejigii 2-aad shirkii London ee arrimaha Soomaliya, kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Soomaaliya,kuwa dowlada Goboleedyada iyo saaxiibada beesha Caalamka,waxaana lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo iyadoo Warmurtiyeed laga soo saari doono.

Hadaba Shirka oo haatan socda ayaa waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaan ka soo qaadan doonaa nuxurka Khudbadahaasi, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowlada sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga

“Hormaro badan ayaan ka sameynay dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha, waxaa naga go’an inaan hirgalino Federaalka, Doorashada 2020 waa mida ugu muhiimsan Siyaasadeena waxaana socda wadatashiyada la xiriira sida ay u dhacayso doorashada, Xiriirka dowlad goboleedyada waa hagaajinay waxaana jirta wadashaqeyn wnaaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa isna jeediyay khudbad uu kaga hadlay arimo badan waxaana ka mid ahaa Miisaaniyadda Dowlada uu sheegay in lagu hormarinayo adeega Bulshada iyo in Canshuurta shacabka laga qaado oo lagu dhisayo Dugsiyo Waxbarasho

“Muda kadib Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018 ayaa lagu hormarinayaa adeega Bulshada, Canshuurta shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu dhisayaa Iskuulo waxbarasho, Waddanka hore ayuu socdaa” ayuu yiri R/wasaare Khayre.

Sidoo kale waxaa ka hadlay shirka qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay si Kala dambeyntii iyo Sharcigii dalka loo soo celiyo in muhiim ay tahay in la dhameystiro Dastuurka

“Kala dambeyntii iyo sharcigii si loosoo celiyo waxaa loo baahan yahay in Dastuurka dalka la dhameystito, waxaa socda wada hadalo, waa in laga wada qeybgalo lana xoojiyo” ayuu yiri Cabdiweli Gaas

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay saameynta ka dhalata Fatahaadaha wabiga iyo Abaarta, isagoo sheegay in loo baahan yahay qorshe wax looga qabto.

“Caqabada na haysata waa fatahaada wabiga, sidoo kale Abaarta waa dhibaato na heysata waxaan u baahanahay inaan ka faa’iideysano wabiga oo keyd loo sameeyo, Kaliya markii ay Abaar dhacdo maaha in la gurmado,waxaan u baahanahay qorshe ku talagal ah oo wax looga qabto Abaaraha iyo ka Faa’iidaysi la’aanta Wabiga”ayuu yiri Shariif Xasan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlay shirka ayaa codsaday in la taageero heshiiska ay wada galeen Galmudug iyo Ahlu sunna

“Galmudug hadii aan nahay waan dambeynaa waa in nala taageeraa, Ahlusuna ayaan la heshiinay Waxaan u bahanahay in nala caawiyo” ayuu yiri Xaaf.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay meesha ay marayaan howlaha dastuurka.

“Dib u eegista dastuurka waa hab aad muhiim u ah, si hufan ayaan howsha u wadnaa waxaan tagnay xarumaha dowlad goboleedyada iyo Muqdisho oo aan ku qabanay wadatashiyo Bishii May waxaan la kulanay wasiirada dowlad goboleedyada ee dastuurka”ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid ( Juxa) oo markiisa hadalka qaatay ayaa ka hadlay hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta iyo khilaafaad badan oo guulo laga gaaray

“Wadahalo badan ayaa qaadanay hadii ay ahaan lahaayeen shirarkii madaxda qaranka iyo dowlad goboleedyada, waxaan qabanay shir hanaanka Qaran ee dib u heshiisiinta kaasoo ay ka soo baxeen guulo la taaban karo, Khilaafaadka hada hormaro ayaa laga sameeyay si gaar ah wadahadalada Galmudug iyo Ahlusuna, waxaan kale oo aan wax ka qabanay dhismaha dowladaha hoose ee dalka” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Jamaal Xasan Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in la bilaabay qorshe looga feejignaanayo inay soo laabtaan abaarihii iyo dhibaatooyinkii kale ee saameeyay shacabka .

“Waxaan xaqiijinay in dhibaato mar dhacdaa inaanay soo laaban Qorshaheeda, sida abaarihi dhacay sanadkii hore ilaa sanadkan bartamahiisa,waxaan sameynay qorshaha Taageerada hadii ay ahaan laheyd midka fog iyo kan dhow si looga faa’ideysto kaalmada Bani’aadannimo iyo mida Hormarinta, qorshaha hormarinta Qaranka si joogta ah ayaan uga wadatashanaa anagga iyo dowlad goboleedyada”. Ayuu yiri Mudane Jamaal

Xaliimo Yarey, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka ayaa sheegtay in la bilaabay diiwaan galinta Xisbiyada iyo diyaarinta habka diiwaanka Codeeyeyaasha.

“Gudiga doorashada qaranka waxaa uu Diyaariyay qorshe Howleedka, waxaa ka mid ah bilaabida diiwaan galinta Xisbiyada, waxaa diiwaan galinay 7 xisbi, waxaa kale oo aan diyaarinay habka diiwaanka codeeyaasha” ayay yiri Xaliimo Yareey.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay inay ay sameeyeen siyaasadii lagu dhisi lahaa Guddiga Xuquuqul Insaanka.

“Waxaan sameynay siyaasadii dhisida guddiga Xuquuqul Insaanka,waxaana u qoondeenay in lagu qeybiyo 50% Raga iyo 50% Haweenka waxaana ku jira dadka Naafada ah, waan sii wadeynaa sameynta Siyaasadaha Muhiimka u ah ilaalinta Xuquuqda dadweynaha”ayay yiri Wasiirka Haweenka.

Sidoo kale madasha waxaa khudbado ka jeediyay wakiilada beesha caalamka ee shirka ka qeyb galaya waxaana ka mid Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvall oo sheegay in Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ay ku guuleysatay waxyaabo badan

“Waxyaabaha Soomaaliya ay ku guuleysatay waxaa ka mid ah ka qeybgalinta Siyaasadda ee Haweenka,shirkan waxaa uu muujinayaa hormarka Soomaaliya,Ilaalinta xuquuqda Aadanaha waa muhiim, waa in xooga la saaro qabsoomida doorashada 2020, Dowladeyda waxa ay garab istaageysaa dadka iyo dowladda Soomaaliya,waxaan goaansanay inaan dib eegno taageeradeena, si aan kor ugu qaadno Hormarka ka socda Soomaaliya.

Maxamed Cali Guyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre kaga mahad celiyay doorkii uu ka qaatay wada hadalada Galmudug iyo Ahlu sunna, isagoo sidoo kale ka hadlay doorashada iyo arimo kale

“Waxaan kaaga mahad celinayaa Ra’iisulwasaare ka qeyb qaadashada wadahadalkii Galmudug iyo Ahlusunna, Doorashada 2020 qabsoomideeda qof iyo cod waa muhiim”

Ujeedka guud ee shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto waxyaabihii uga qabsoomey shirkaasi oo wejigiisa koowaad ka dhacay magaalada London ee xarunta Dalka Brtian bishii May ee sanadkan 2017.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukuno ku riday Afar Eedeysane oo Al shabaab lala xiriirinaayay

0

Muqdisho (SONNA) Dacwada loo heysto afar eedeysane oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka Al Shabaab gaar ahaan qaraxyo ka dhacay sedax maqaaxi oo ku yaala wadada Maka Almukarama ee Magaaladda Muqdisho, ayay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida go’aan ka gaartay Dacwadooda iyo Eedaha loo heystay.

Dacwadaha afartan qof uu xafiiska xeer ilaalinta guud ee Maxkamada ciidamada qalabka sida kusoo oogay ayaa  soo maray heerar kala duwan ,waxaana dacwadooda ay soo martay ilaa sedax dhageysi maxkamadeed oo intooduba ahaa kuwo furan oo dadweynuhu ay si furan uga soo qeyb galayeen,sidoo kale eedeysanayaasha waxaa u doodayay abuukaatayaal ama qareeno si aysan u dhicin duudsi cadaaladeed eedeysanayaashuna ay u helaan hufnaan cadaaladeed oo ay ku qanci karaan.

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee ciidamada qalabka sida ayaa maxkamada hor keenay cadeymo isugu jira qoraalo iyo muuqaalo uu xafiiska xeeer ilaalinta u cuskaday in ay cadeymo u yihiin eedaha loo heysto.

Afarta eedeysane ee ay maxkamada ku riday xukumada kala duwan ayaa  kala ah C/qaadir Abukar Shaacir oo lagu xukumay dil toogasho ah, Maxamed Cumar Akiile oo lagu xukumay Xabsi Daa’in, Daa’uud Maxamed Cali oo lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo C/laahi Ibraahim Geesey oo lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana eedeysanaha koowaad ee Cabdiqaadir Abuukar Shaacir oo ah qofka dilka toogashada ah lagu xukumay waxay maxkamada si gaar ah ugu eedeysay inuu ahaa shaqsigii sida tooska ah uga dambeeyay qaraxyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan lagu laayay oo ka dhacay sedax maqaaxi oo ka taala wadada maka al mukarama, waxay sidoo kale maxkamadu ay sheegtay in Cabdiqaadir uu ahaa shaqsigii kasoo muuqday muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee laamaha amniga, isagoo kasoo degaya mid ka mid gawaaridii qaraxyada lagu geystay gaar ahaa gaarigii ku qarxay kasoo hor jeedka Wasaaradda Amniga.

Colonel Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamada Darajada ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aanka Maxkamada ee ka xiriira eedaha afartan eedeysan loo heysto,Isagoo sidoo kale sheegay in hadii aysan go’aanka  maxkamada ku qanacsaneyn ay racfaan ka qaadan karaan.

Wejigii 2-aad ee shirkii London oo lafilayo in laga soo saaro qodobo muhiim ah

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo geba gebeynayaa wejigii 2-aad ee shirkii London ee arrimaha Soomaliya,kaasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka Furay Magaladda Muqdisho maalintii shalay ahayd.

Shirka waxaa ka qeybgalaya madaxda dowladda Soomaaliya,kuwa dowlada Goboleedyada iyo saaxiibada beesha Caalamka,waxaana lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah Soomaaliya.

Maalintii Shalay ayaa waxyaabaha shirka furitaankaasi looga hadlay waxaa kamid ahaa,horumarinta Qorshaha kala guurka oo ku saleysan Waqti Cad si Mas’uuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya,in la siiwado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed si ay u yeeshaan awood ku filan oo ay ku hanan karaan ammaanka Dalka.

Waxaa sidoo kale si weyn loo falanqeeyey ahmiyadda ay leedahay xoreeynta Deegaanada ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyada SHabaab iyo isku dhafka ciidamadda Qaranka,kuwaasi oo ah waxyaabaha ay dowladda Soomaaliy mudnaanta siindoonto.

Inta uu socto Qeybta labaad ee shirka waxa yaabaha diiradda lagu saaraya waxaa kamid ah arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda halka.

Ujeedka guud ee shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto waxyaabihii uga qabsoomey shirkaasi oo wejigiisa koowaad ka dhacay magaalada London ee xarunta Dalka Brtian bishii May ee sanadkan 2017.

Wasaaradda Amniga XFS oo Faahfaahin ka bixisay Amniga Dalka

0

Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka bixiyay xaaladda Amniga Dalka.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso Howgala laamaha Amniga Soomaaliya ku xaqiijinayaan Amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in ay wax badan ka hirgaleen Qodobadii kasoo baxay shirkii london ee looga hadlay Arrimaha Amniga Soomaaliya kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen Madax kala duwan.

Hadalkaan Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho uu ka soconayo Shirka looga hadlayo Amniga Dalka oo uu furay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayna ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Wasiirka: