Boqolaal Qoys oo ka Barakacay guryahooda Fatahaada uu sameeyey webiga Jubba

Date:

Baardheere(SNTV):–Ku dhowaad ilaa Seddex Boqol oo qoys oo ku noolaa ilaa Afar Xaafadood ee ku yaala degmada Baardheere una dhow hareeraha uu  maro webiga Jubba, ayay saameysay fatahaad uu sameyay webiga todobaadkan. Qaar badan oo kamid ah qoysaskaasi uu webigu ku fatahay ayaa ka baxay guryahooda oo ku biirey xaafado kale oo degmada ay ka degan yahiin Qaraabadooda,halka kuwa kalena ay  tageen dhulalka taagaga ah iyo meelaha ka baxsan dhulka uu webigu maro.Dadka ay fatahaaddu saameysay waxay markoodii hore la daalaa dhacayeen saameyn ay ku yeelatay abaartii iyo Roobabka da,ayey maalmahii la soo dhaafey oo keenay inay wadooyinka xirmaan,islamarkaana Maciishadu ay qaaliyowdo, Qoysaskan ayaa Waxay isugu jiraan,ganacsato yar yar, xoolo-dhaqato, beeraley iyo dad kale oo danyar ah,waxayna Fatahada webiga ay saameyn ku yeelatey Qaar ka mid ah Dugsiyadii Waxbarashada Degmada Baardheere .

Muumino Isaaq waa Hooyo 49 sanno jir oo  degan Xaafada Musawa,qoyskeeduna uu ka kooban yahay ilaa 7 ruux,waxayna labo maalin ka hor ay ka barakacdey gurigii ay deganayd xaafada oo u dhowaa webiga ,islamarkaan ay soo buux dhaafiyeen Biyaha webiga ,taasi oo keentay in ay u guurto Meel taag ah ,iyado iyo qoysas kale oo deris ay ahaayeen,waxayna ka cabanaysaa cunno la,aan, Hoy la,aan iyo waxbarashada Caruurteeda oo baaqatey.

”  Xaaladeenna nololeed ma wanaagsana waxaan ahay qoys danyar ah oo muddo ka badan ilaa 20 sanno deganaa Xaafadda Musawa ,webigana waxuu noo jirey wax ka yar ilaa 350 mitir aniga Iyo qoysas gaaraya ilaa 13 qoys  hal mar ayaa waxaa guryaha nooga soo buuxsamey biyaha webiga kala orod ayaa nagu dhacey,shaley iyo doraad ayaan ka baxney guryaheena meel taag ah ayaan isugu tagney oo wax naga horeeyana aysan jirin,ma haysano raashiin iyo hoy waxaa taasi noogu sii daran ilaa 3 caruur ah oo kala ah labo wiil iyo hal gabar ah oo sanadkan uu fariisan lahaa imtixaanada fasalada 8aad iyo fasalka afaraad ee dugsiga sare in ay naga baaqatey waxbarashadooda haddiii xaalada ay sidan ay ku sii socoto” sidaasi waxaa tiri Muumino Isaaq

Xuseen Cabdi Xalane oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere  ayaa sheegay in fatahaadan ay ku barakaceen dad ka badan ilaa 300 oo qoys, welina ay jirto cabsi kale oo la xiriirta fatahaado kale oo uu wabiga gaysto,waxuuna ugu baaqey dadka degan hareeraha webiga iyo Togaga biyo mareenada in ay feejignaadaan,waxuuna dhinaca kale ugu baaqay Dowladda, hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Soomaalida in gurmad bini’aadinimo ay la soo gaaraan qoysaska ka barakacay guryahooda.

Horey  ayaa digniin looga bixiyay suurtagalnimada in fatahaado ay geystaan Wabiyada Somaliya, waxaana loogu baaqay dadka hareeraha ka degan Wabiyada inay halkaasi ka fogaadaan, si uusan saamayn ballaaran ugu yeelan fatahaada Wabiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...