Raโiisal-wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo ku sugan magaalada Bujunbura ayaa lagu wadaa inuu kullan la qaato madaxweynaha dalka Burundi,isagoona kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Burundi.
Labada Masโuul ayaa sidoo kale waxay ka wada xaajoon doonaan howlgalka Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya,maadama Burundi ay ka mid tahay dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ka dhan ah Kooxda argagixisada Al-Shabaab.
Raโiisul Wasaaraha ku-xigeenkaย dalka,Mahadi Maxamed Guuleed ayaa dhanka kale ku bogaadiyay ciyaartoyda Daโdooda ka hooseyso 17-jirada ee dalkaeenna Soomaaliya meesha wanagsan ee ay soo gaareen ee Finalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee xulkeenna Soomaaliya u laqaatay ciyaartoyda dalka Tanzania.
Sidoo kale,Mahadi Maxamed Guuleed Khdar,Raโiisal ku-xigeenka dalka ayaa kullamo gooni gooni ah la qadan doona masโuuliyiintiiย kasoo qayb gashay Ciyaarah Finalka ahaaย ee Bariga iyo Bartamaha Afrika,kuwaasi oo uu kala hadli doona sare u qaadista tayada Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku matasha tartanada Bariga iyo Bartamaha Africa.
Xulkeenna 17-jirada ayaa meel wanaagsan ka gaaray Ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ee ku soo dhammaaday dalka Burundi gaar ahaan magaalada Caasimadda u ah ee Bujunbura.