29-Ruux oo ay ku jiraan 8-wariye oo lagu dilay Qarax ka dhacay Afghanistan.

Date:

Ugu yaraan 29-Qof oo ay ku jiraan 8-Wariyeyaal ah ayaa ku geeriyooday halka daraasiin kale ay ku dhaawacmeen ka dib labo Qarax oo is xig xigay oo ka dhacay magaalada Kapul ee caasimadda dalka Afgaanistaan,sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka dalkaasi.

Qaraxyada ayaa saaka waxay ka dhaceen aagga Shashdarak oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Kapul.

Qaraxa hore oo ahaa Qof naftii halige ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay xarun Laamaha amaanka Afganistan ay leeyihiin oo ku taalo magaalada Kapul,sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha dalkaasi.

Sidoo kale Qaraxa Labaad oo dhacay 20-daqiiqo gudahooda ka dib Qaraxii koowaad ayaa saameynta ugu ballaaran waxay ka soo gaartay Kooxaha Gurmadka Caafimaadka iyo Wariyeyaal goobta soo gaaray.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in Weerarka ay ku dhinteen ku dhawaad 29-ruux halka 49-ruux ay   ku dhaawacmeen.

Wakaalada Wararka ee AFP,ayaa ku warantay in Wariye sawir qaade u ahaa,Shah Marai,uu ka mid noqday dadka ay Qaraxyada ku dhintay.

Maleeshiyada Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...