Shirka xal u helida fatahaadaha Soomaaliya oo malintiisa saddexaad galay

Date:

Waxaa maalintii saddexaad galay shir looga hadlayo arrimaha Fatahaada iyo abaaraha kaasi oo ka socda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,waxaana shirka si rasmi ah uga furmay Xarunta Bank Aduunka Magaalada Nairobi ee Dalka kenya.

Ka qeyb galayaasha shirka ee Dowladda Somaaliya iyo Beesha caalamka ayaa inta uu shirka socda diirada saari doona ka doodista geedi socodka wax ka qabashada dhinacyada dib u kabashada iyo u adkeysiga Abaaraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan arrimaha soo laab laabtay sida Fataahada iyo Abaaraha Dalkeenna.

Maanta gelinka danbe ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka,iyadoona laga soo saari doono go’aan mideysan ahmiyadna u leh Soomaaliya gaar ahaan wax ka qabashada arrimaha masiibooyinka ee Fatahaada iyo Abaaraha soo noq noqday.

Shirkan ayaa ku soo aadaya,xilli Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Laftagareen oo saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdıcasııs Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulamay madax ka socotay Dowladdaha Kuwait Emaraatka iyo Mauritania

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo...

Duqa Muqdisho oo kulan dhiirigalin ah Aqalka Dowladda Hoose ugu sameeyay mid kamid ah dhallinyarada hal abuurka leh

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Wasiirrada Beeraha iyo Deegaanka oo kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed...