R/wasaare Khayre oo shir guddoomin doona Shirka Amniga Soomaaliya ee Brussels

Date:

Brussels(SNTV) Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka,halkaas oo uu ka furmayo shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya,gaar ahaan dhismaha ciidamada.

Shirkaas oo wadamada Yurub iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya ay isugu imaanayaan ayaa dawladda Soomaaliya waxa ay la tagaysaa qorshe ay doonayso in laguhorumariyo ciidamada qalabka sida, si loogu diyaariyo inay ammaanka dalka ku filnaadaan,si loo soo gabangabeeyo hawlgalka AMISOM.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shir guddoomindoona shirkaas oo la doonayo in lagu yabooho dhaqaale dawladda u fududeeynayo dhismaha ciidanka, sida uu sheegay Cali Siciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midawga Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...