Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka bilowday Brussels

Date:

Muqdisho (SNTV) Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa waxa uu ka bilaawday magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirka oo ay ka qeyb gelayaan qaar kamid ah madax dowladaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlayaa ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo kamid ah masuuliyiinta madasha shirka kusugan ayaa waxa uu sheegay in shirka looga hadlayo guud ahaan hanaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saari doono dhismaha Ciidanka difaaca dalka si amaanka dalka ay ula wareegaan.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheye ayaa la kulmay madaxweyne kuxigeenka Midawga Yurub, Federica Mogherini, oo ay ka wada hadleen xaaladda amni ee dalka iyo sidii Midawga Yurub ay gacan uga geysan lahaayeen qaabka Ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka ugala wareegi lahaayeen Ciidanka AMISOM.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...