Home Blog Page 1310

Soomaaliya oo lagu ammaanay habka qarash bixinta Maaliyadeed

0

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Soomaliya waxay qaateen Tallaabooyin Dheeraad ah si loo Casriyo Suuqa Bangiyada

Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo xeerka maaliyadda Soomaaliya oo taageero ka helayo  bankiga Adduunka ayaa  horrey u qaaday talaabooyin lagu casriyeynayo habka xiriirka bankiyada, cadeymaha iyo dajinta habka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Dadaalkan ayaa imaanayo kadib shan maalmood oo wada tashi ah kaasi oo lagu qabtay Nairobi waxa uuna qoraalkan lagu daabacay bogga World bunk uu qeexaya horumarka nidaamka lacag-bixinta Qaranka iyadoo  si gaar ah loo eegayo fahamka bulshada iyo bankiyada kaasi oo la filayo in uu abuuro jawi isfaham ah, waxa uuna sidoo kale qeexaya in uusan wax is badal ah ku laheyn isbadalka siyaasadda dalka.

“Nidaamka bixinta qarashka wuxuu gacan ka geystaa horumarinta suuqyada maaliyadeed ee casriga ah iyo horumarinta adeegga maaliyadeed ee suuqa,” ayuu yiri Abdishakur Maxamuud.

“Bankiga Dhexe wuxuu hogaaminayaa geeddi-socodkan, waa cadahay in awoodaha maamulka maaliyadeed ee madaxda Soomaalida ay sii kordhayaan,” ayuu yiri Thilasoni Benjamin Musuku, oo ah khabiir dhinaca dhaqaalaha ah, Baanka Adduunka.

Bangiga Adduunka wuxuu taageersan yahay bankiga dhexe ee Soomaaliya  inuu xoojiyo kormeerka iyo ilaalinta bangiyada dhexe iyada oo loo marayo barnaamijka dhaqaalaha iyo fursadaha muhiimka ah ee Soomaaliyeed (SCORE).

Barnaamijka SCORE waa kan ugu horreeya ee mashaariic taxadar leh oo lagu hormarinayo qaab-dhismeedka sharci, nidaam iyo siyaasadeed ee hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya. Ujeeddooyinka ayaa ah in la horumariyo jawiga suurtagalka ah ee horumarinta qaybaha maaliyadeed iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo in la dhiso maalgashi gaar ah iyo shaqo abuuris guud ahaan Soomaaliya. SCORE waxaa maalgeliya sanduuqa maalgalinta ee (MPF).

MPF waxaa taageera Waaxda horumarinta caalamiga ah ee DFID, Midowga Yurub (EU), Bangiga horumarinta KfW ee Jarmalka, Iskaashiga horumarinta caalamiga ah ee (SIDA), Safaaradda Norway ee Danmark, Hay’adda horumarinta caalamiga ah (DANIDA) Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan iskaashiga horumarinta (SDC), Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland, Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Bangiga Adduunka iyo Hantidhowrka Bani’aadamnimada

Shirka golaha horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya oo dhowaan la qaban doono

0

 

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeyb-galayey barnaamijka kulanka toddobaadka SNTV, ayaa sheegay in dhowaan la qaban doono shirka golaha horumarinta Dhaqaalaha markii ugu horreysay, si loo qaado tallaabooyinka  lagu horumarinayo, kaas oo uu guddoomiye ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hey’adaha Q.M ay isla garteen in lacagaha lagu bixinayo gargaarka badankood lagu maalgaliyo horumarinta Beeraha, si  wax looga qabto abaaraha soo laa-laabtay.

“saannadkaan wasaaradda waxa ay hiigsaneysaa sidii Soomaaliya tobanka sanno ee soo socdo loogu diyaarin lahaa in laga dhigo waddanka ugu awoodda badan dhinaca Dhaqaalaha waddamada Africa” ayuu wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ay wasaaraddu sameyso sahan lagu qiimeeyo maalin walba heerarka maciishadda dalka  oo ah halka laga ogaan karo isbadellada ku yimaada kobaca dhaqaalaha dalka, ayna ku rajo weyn yihiin in la qiimeeyo dhammaan alaabaha dalka la keenno iyo kuwa dalkeenna laga dhoofiyo.

Ololihii wacyi gelinta doorashooyinka oo ka bilaabanaya Garoowe.

0

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxa ku sugan Xubno ka socda Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan kuwaas oo  la filayo in ay shir ka furaan.

Xubnaha Guddigaas oo shalay gaaray Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan Sayid Cali Sheekh Maxamed waxa uuna sheegay in shirkaas Sabtida Berito ah ay furi doonaan.

Waxa uu sheegay in ay shalay la kulmeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey iyaga oo kala hadlay  sidii uu shirkaasi u furmi lahaa.

Waxa uu intaas sii raaciyay  in shirkaas uu yahay mid loo qabanayo Bulshada ku nool Garoowe kuwaas oo ay kala tashanayaan sidii ay ku dhici karto doorashada Sanadka 2020.

Guddiga doorashooyinka ayaa horrey u soo maray qaar kamid ah maamulada dalka iyagoo wili ay u harsan-yihiin kuwa kale oo ay gaarsiin doonaan wacyi gelinta ka qeyb galka doorashooyin shacbiyadeed oo dalka ka dhaca.

Madaxweyne Farmaajo “Dhulka dowladda lama hibeyn karo, lama bixin karo, lamana wareejin karo”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

“Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

“Markii la I doortay, waxaan ballan qaaday inaan ilaalinayo ammaanada la ii dhiibay, dhulka dowladdana wuxuu kamid yahay ammaanadaas. Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.”

Madaxweynuhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha ay khoseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

DHAMMAAD

Taliska Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf..

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Ehelada, Ummadda Soomaaliyeed iyo Taliska Ciidanka Xoogga uga tacsiyadeeyey Geeridii  ku timid Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya,  Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf oo shalay magaaladda Muqdisho lagu dilay.

Wuxuu Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa  ka waraabiyo,  qoyskiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo, Issagoo sheegay in uu ahaa qof karti leh,  islamarkaana lagu yaqiinay gudashada waajibaadka qaran, kuna amaanay dowrkii uu qaatay intii uu nolaa.

Taliye Gorod, ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay shaqsigii ka dambeeyey dilka Marxuum Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf, waxaana uu tilmaamay in Cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono.

Gen Caanood oo u ballan qaaday shaqaalaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida in uu kala shaqeyn doono Sidii aay u heli lahaayeen Xuquuqdooda.

0

Xafladda loogu raadinayo taageero Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayeey soo abaabuleen Shaqaalaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida oo muddo ku dhaw afar-sanadood ku shaqeynayey xuquuq la’aan iyo agab aan taya badan laheyn kaasi oo ah kii ugu horreeyay ee lagu furay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida.

Howlwadeenada Idaacadda ayaa u mahad celiyay dad  gaar ah oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, sida Abaanduulaha Xoogga dalka Gen Cabdullaahi Cali Caanood, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen XasaNn Cusmaan,  Gudoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Taliyaha Ururka 60-aad Afcadey iyo dad kale oo idaacadda Si gaar ah u caawiyay mudadii ay jiratay.

Shaqaalaha ayaa soo bandhigay howlaha  ay u hayaan dalka, waxa ayna sheegeen in saameyn badan ku yeesheen howlaha warbaahineed ee dalka, wiliba ay suura gashay in warbaahinta gudaha iyo kuwa diabadda ay si gaar ah uga xigtaan arrimaha ciidan,  Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida, iyagoo soo bandhigay cadeymo muuqaalo sawirro muujinaya xigashada warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Cabdicaziiz Xildhibaan ayaa u ballan qaaday safarkiisa oo dhowr cisha ah kadib in uu Idaacadda Ciidamada Ku wareejin doono 5-camera. Waxa uuna intaas raaciyay in uu si  gaar ah ula socon doono arrimaha shaqaalaha Idaacadda.

Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo dhabar adeegga shaqalaha ka jawaabayey ayaa sheegay in uu alabaab walba u garaaci doonno sidii ay u heli lahaayeen darajo iyo daryeel shaqaalaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna ballan qaaday in wixii xilligaan ka dambeeyo ay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Taliska uu arrimahaas xalli doono.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa la’  aasa-aasay sanadkii 2014 xilligaaso oo ay idaacadda soo gashay ayaa hadda waxa ay kamid tahay idaacadaha ugu saameynta badan ee ka jira magaalada Muqdisho, waxa ayna ka soo gasha FM 90.7MHZ, waxa ayna sidoo kale Idaacadda saameyn ballaaran ku yeelatay xagga Social Media.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Ethiopia u jooga Soomaaliya,,

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Amb. Ahmed Isse Cawad iyo Safiirka Dowladda Ethiopia Mudane Jamaluddin Mustafa Cumar ayaa ka wada hadlay xariirka  iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladooda.

 

Safiirka dowladda Federaalka Ethiopia ayaa salaan ka timid wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ethopia  Workneh Gebeyehu   gaarsiiyay  wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxa uuna safiirka Ethopia  u sheegay  wasiirka arrimaha dibadda in ay daneyneyso dowladda Ethopia in xiriir wanaagsan la yeelato dowladda Soomaaliya.

Xiriirkaas ayaa ku dhisnaan doono sida ay sheegtay dowladda Ethopia ixtiraam, daris wanaag iyo saaxiibtinimo,  waxa uuna ahaan doonaa gabi ahaantiisba mid mira dhala sida safiirka Ethopia uu u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Cawad.

Intii lagu guda jiray kulanka ayaa diiradda lagu saaray , arrimaha amniga, doorka Itoobiya ee nabad ilaalineyd ee AMISOM iyo wadashaqeynta heshiisyada ka dhaxeeya labada dal,  sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii loo sii wanaajin lahaa xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ethopia.

 

Wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya ayaa soo dhaweeyay safiirka Ethopia isagoo ka gudoomay salaanta wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Ethopia Workneh Gebeyehu, wasiir cawad ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xiriirka labada dal isagoo hoosta ka xariiqay in uu sii wadi doono sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Ethopia.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay bulshada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhammeystirka dib u heshiisiinta

0

Dhuusamareeb, 18 Jan, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay bulshada deegannada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug.

Madaxweynaha oo ka qeyb galayey munaasabad ku saabsan dhaqan gelinta heshiiska ayaa uga mahad celiyey dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Urur Goboleedka Wadamada Geeska Afrika ee IGAD kaalinta ay ka qaateen, isagoona sidoo kale bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

“Maanta waa maalin reer Galmudug ay ka baxayaan kala qeybsanaanta iyo colaadaha ka jirta gobolladan. Waa guul u soo hoyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta qiimaha badan ee dhisitaanka iyo marti gelinta Dowlad Goboleedka Galmudug ay ka qaateen shacabka iyo wax-garadka magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ahayd.

“ Heshiiskan waa bilow wanaagsan, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado. Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabaddaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating, danjireyaasha wadama Jabuuti iyo Kenya, Wakiillada Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kormeer ku tagay Xerada Taliska Ciidanka 21aad ee Xoogga Dalka, halkas oo ay ku sugnaayeen ciidammo horey uga tirsanaa maamulka Ahlu Sunna balse haatan lagu wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidankan ayaa faray in ay u istaagaan gudashada waajibaadka qaranka, qeybna ka noqodaan dagaalka lagaga sifeynayo Alshabaab deegaannada kale ee ay kaga harsanyihiin dalka.

DHAMMAAD

Shirka golaha wasiirrada lagu soo bandhigay xaaladda maxaabiis Soomaali ah oo laga sii daayey Hindiya

0

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Tubta Siyaasada loo dhanyahay, islamarkaasna waxaa looga hadlay arrimo kale oo la xiriira amniga dalka.

Ugu horreyn, Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha oo isbuucii hore safar shaqo ku maqnaa.

Wasiirka Amniga iyo Wasiiru Dawlaha Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey xaalada amniga dalka oo ay sheegeen in howlgalo lagu sugayo amniga ay si xowli ah u socdaan islamarkaasna lagu guuleystey Labaatan maleeshiyad Al-Shabaab ah in la soo qab-qabtay oo Dowlada Gacanta ku heyso.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay kormeer uu 17-kii Janaayo ee 2018 ku tagey degmada Balcad si’uu ugu kuur galo xaalada amaan ee deegaankaasi, una dhiiri geliyo ciidamada ku sugan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha warbixin kasiiyey shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay dalka Turkiga oo ay labada dal soo kala saxiixdeen heshiisyo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo Turkigu ay diyaar u yihiin in badeecooyinka Soomaaliya loo suuq geyn doono dalkooda, iyadoo labada dal ay kawada shaqeynayaan sidii canshuur dhaaf loogu sameyn lahaa badeecooyinka laga dhoofiyo Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa xiriiriye u noqonaya labada guddi si loo dar-dargeliyo dhaqan gelinta heshiisyadaas oo 1-da ilaa 4-ta Feberaayo la sameyndoono carwo lagu soo bandhigo badeecadaha Soomaaliya.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ayaa kawarbixiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran India oo 43 ka mid ah xabsiga laga soo daayey oo dawladda Federaalku ay u diyaarineyso diyaarad lagu sooqaado si ay u yimaadaan dalkoodii hooyo. Sidoo kalena maxaabiista harsan ayaa la soodeyndoonaa bisha Febraayo. Dawladda ayaa ku dadaaleysa sidii muwaadiniinteeda ugu gurman laheyd.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ka faah-faahin ka bixiyay xaalada saadka iyo qiimeynta ciidanka, waxuuna tilmaamy inay u diyaar-garoobeen howlgalada kooxaha argagaxisada ah looga si feynayo dalka, sdioo kalena waxuu sheegey inay meel fiican u marayaan in la soo gabo gabeyn doono dagaalka Alshabaab.

Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay xulista Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka iyo heerarkii uu soomaray oo guddi 19 xubnood ah ay soo xuleen iyadoo araajidii soo dalbatay ay ahaayeen 615, kadibna xulis lagu sameeyey lagana soo reebay 74 xubnood iyadoo ay goob joog ahaayeen xubno ka socda G/Shacabka iyo Aqalka Sare, Bulshada Rayidka ah iyo beesha caalamka oo ay kormeerayeen sida daah furnaanta ah ee ay xulistu u socotay. Ka dib 45 ayaa u soo gudbay heerka xulashada oo xog-wareysi lala yeeshay lagana soo xulay xubnihii noqon lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka oo marka ay soo dhameystiranto la horkeeni doono golaha wasiirada kulamadooda dambe si loo ansixiyo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah oo uu sheegay in wax-kabedelkii wasiiradii horey u codsadeen lagu soosameeyey, lagalana tashaday khubaro sharciyaqaano ah. Dood dheerka dib Golaha Wasiirada ayaa si’aqlabiyad ah u ansixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah.

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan soo celinta adeega .SO oo dhowaan lagu soo wareejindoono gacanta dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay guddi heer sare ah oo loo xilsaaray ay dadaalo farabadan ka dib in ay ku guuleysteen in la isla oggolaaday in dhowaan la soo wareejiyo adeegaas oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirada ay muddo ka soo shaqeynayeen. Khubaro ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey tubta Siyaasada loo dhanyahay oo qeexeysa waqtiyeynta la rabo in la soo gabo-gabeeyey hawlaha xasaasiga ah ee siyaasada dalka, si loo qabto doorashooyin hal cod iyo hal qof ah sanadka 2020ka. GolahaWasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka dalka ee 2020ka.

 

   

Galmudug oo ku shaqeyneysa caasimaddeeda Dhuusamareeb

0

Munaasabada dhameestirka Heshiiska dowlad goboleedka Galmudug iyo Ahlu sunna ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhusmareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo Madaxda dowlad goboleedyada, mas,uuliyiin ka socota golayaasha dowladda federaalka Soomaaliyaiyo iyo Beesha caalamka.

Munaasabadaasi ayaa madaxdu ku bogaaadiyeen heshiiska taariikhiga ah ee labada dhinac horay ay ugu gaareen dalka Djibouti maantana lagu dhameestiray Caasimada Galmudug waxaa ka hadlay halkaasi madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo bogaadiyay dhinacyada Galmudug iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay heshiiskaas.

Madaxa xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ugu horeyn hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in heshiiska la dhameestiro isla markaana ay diyaar u yihiin Ahlu sunna fulinta heshiiskaas oo culeesyo badan laga soo maray.

sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele xaaf ayaa ka hadlay oo isna sidaas oo kale bogaadiyay heshiiska waxaa uu uga mahad celiyay Ahlu sunna sida ay u aqbaleen in la helo Galmudug oo mid ah isla markaana hal maamul leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kula dar daarmay dhinacyada Galmudug ee maanta heshiiska taariikhiga ah kala saxiixday iyo guud ahaan shacabka in la hormariyo Galmudug cadawgana halmeel looga soo wada jeesto, waxaa uuna madaxweynuhu amaaney kartida ay muujiyeen Ahlu sunna iyo Galmudug.

galmudug ayaana loo ka fadhiyaa maalmaha soo socda in ay ku shaqeyso caasimada cusub ee dhuusamareeb

D