Home Blog Page 1310

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha Jidka Degmada Dharkiinley

0

Muqdisho, 27 May, 2018 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo dhagax-dhigay wadada Jaalle Siyaad ee dhex marta Degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir ayaa boggaadiyey isku-tashiga bulshada deegaanku ay ku dhisayaan jidadka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hor dhagax-dhigga kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Dharkiinley, waxayna isla garteen muhiimadda ay leedahay dhismaha wadadan muhiimka ah, iyadoo la isku raacay in wadajir loogu istaago dhismaheeda, maadaama ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso isku-socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wadadani lagu hirgelin doono isku tashiga Maamulka Gobolka iyo shacabkiisaa, isla markaana ay wax wayn ka tari doonto horumarka iyo bilicda Caasimadda oo billooyinkii u danbeeyey dib u soo kabanaysay.

“Dhismaha Jidkan halbowlaha ah ee isku xiraya degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir, wuxuu ku yimid iskutashiga iyo aragtida dadka deegaanku ay ku doonayaan in horumarka degmooyinkooda ay u istaagaan. Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo dhismaha wadadan ka qeyb qaata, ka maamul ahaana waxaa naga go’an dhismaha waddooyinka Caasimadda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhagax-dhigga ku weheliyey Wasiirro, Xildhibaanno, masuuliyiin heer gobol iyo Heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Moussa Faki Mahamat

0

May 27, 2018— Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Moussa Faki Mahamat ayaa si qoto dheer uga wada hadleen nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay taageerada midowga Afrika ay la garab taaganyihiin Soomaaliya iyo shaqada ay ka hayaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gudaha Dalka.

RW Khayre kahor inta uusan kasoo dhoofin Addis Ababa Waxaa kale oo kulmay Gudoomiyaha Guddiga nabadda iyo amaanka ee Midawga Afrika, waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin amniga iyo qorshaha ay Ciidanka Soomaaliyeed ugala wareegayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM guud ahaan amniga qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Addis Ababa waxa uu horay kulamo ugula yeeshay wasiirka arimaha dibadda iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo ay ka wada hadleen arima badan oo labada dal dan u ah.

Mashaariic Horumarineed oo laga hirgelinayo degmada Warshiiq

0

Warshiiq (SNTV) Mashaariicdaan Horumarineed ee laga  Hirgelinayo  Degmada Warshiiq  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka mid ah  Ceel Biyood leh biyo macaan, kaasi oo ay dhagax  dhigeen maamulka degmada Warshiiq iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeele, iyadoo uu taaganyahay  riigii ceelka qodayay iyo mashruuc degmada Warshiiq looga  sameynayo  leerarka cadceeda ku shaqeeyo oo laga hirealiyay degmada Warshiiq  ee gobolka  Shabeelaha Dhexe.

Degmada Warshiiq oo ka tirsan  Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa horay ugu jirtay biyo xumi iyadoo aysan laheyn ceel biyood wanaagsan, waxaana ku yaala ceel biyood leh biyo dhanaan ah oo  bulshada  ku nool degmada Warshiiq ay  ka haysatay  dhibaatooyin dhinaca helitaanka biyo nadiif ah, iyagoo sidoo kale culeys ku qabay helitaanka koronto joogta ah.

Gudoomiyaha Degmada Warshiiq  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  Axmed xuseen Axmed (Shiidka)  ayaa  ka warbixiyay mashaariicda  horumarineed ee laga hergalinayo degmada Warshiiq, waxaana uu tilmaamay in hadii ay soo gaba gaboobaan ay fursad fiican u tahay shacabka degmada.

Xildhibaan  Maxamuud Xuseen  Mooge oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeele  ayaa ka  hadlay muhiimada  mashaariicdan  lagu hormarinayo degmada,  wuxuuna ku booriyay  bulshada  ku nool degmada Warshiiq  in ay ka shaqeeyaan horumarka degamda.

Michael  Kenya kisa oo ka socday  Hay’adda  Ceelka qodaysay oo lagu magacaabo  Somali Stability Fun ayaa ka hadlay faa,iidada ceelkan uu u leeyahay bulshada ku nool degmada Warshiiq.

Wasiirka wasaaradda  Biyaha Tamarta iyo Macdanta ee dowlad goboleedka Hirshabeele Axmed Muuse Xuseen  ayaa sheegay in wasaaradda Biyaha Tamarta iyo Macdanta ee dowlad goboleedka Hirshabeele ay ka shaqeyn doonto horumarka  gobolka Shbeelaha Dhexe.

Kusimaha Danjiraha Soomaaliya ee kuwait oo la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarasho ka helay dalka Kuwait.

0

Kuwait(SNTV):–Kusimaha Danjiraha Soomaaliya ee kuwait Abiib Muuse Faarax ayaa la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarasho ka helay dalka Kuwait.

Mudane Abiib Muuse Faarax ayaa ardayda ka dhageystay warbixino la xiriira nolosha guud ee ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha wax barasho ka helley wadanka Kuwait.

Danjire Abiib muuse farax ayaa kula dardaarmey ardaydaas in ay noqdaan kuwo lagu daydo hormuudna u ah ardayda kala duwan ee ay la noolyihiin, sidoo kelina ka qeybqaataan doorkooda ururka ardayda Soomaaliyeed ee kuwait.

Qaar kamid ah Ardeyda oo iyaguna goobta ka hadley ayaa Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada kuwait u mahadceliyey, iyagoona ballan qaaday in ay fulin doonaan dhamaan dardaaranka uu u soo jeediyay ayna ku dadaali doonaan waxbarashada,kana mira dhalin doonaan.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale safiirka ku wehliyey xoghayaha koowaad ee Safaaradda Farxaan Gurxan iyo gudoomiyihii hore ee ururka Ardayda Soomaaliyeed ee kuwait Abdiraxman xaji shekh Maxamuud abdibari.

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegay wasiirka cusub ee Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha

0

Muqdisho (SNTV) Munaasabadda xilwareejinta ah oo ka dhacday Muqdisho  ayaa waxaa  ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ahna kusimaha Ra’iisul wasaaraha, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, hantidhowraha guud ee qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya mudane Saalim Caliyow  Ibrow, oo ka hadlayay munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay in mudadii sanadka iyo dheeraadka aheyd ee uu wasaaradda madaxda ka ahaa guul badan ay gaareen, isagoo sheegay in ay ku dadaaleen sidii wasaaraddu saldhig u yeelan laheyd taasna meel wanaagsan ay mareyso.

C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, ayaa balan qaaday in shaqada wasaaradda la dardargelinayo.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha  mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay ka shaqeyso labo qeybood oo muhiim u ah nolashada bulshada isla markaana ka xukuumad ahaan ay fududeyn doonaan sidii shaqadaas looga miro dhalin lahaa.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada fatahaadaha iyo duufaanada dalka qeybo kamid ah ka dhacaya kuwaas oo dad badan ku naf waayeen isla markaana hanti badan ku burburtay.

Tahriibayaal Afrikaan oo Soomaali ay ku jirto oo lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya

Liibiya(SNTV) Wararka laga helayo Dalka liibiya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashey Rasaas lagu furay dad Tahriibayaal Afrikaan ah oo Soomaali ay kujirto,kuwaasi oo ka soo baxsaday xabsi kuyaalay dalkaasi.

Muqalisiin ku sugan Dalka Liibiya ayaa lagu soo waramaya in ay rasaas ku fureen illaa 100 qof oo tahriibayaal ah,kuwaas oo isku dayay in ay ka baxsadaan meel lagu hayay,waxaana ka dhashey Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Goobta ay wax ka dheceen ayaa ah magaalada Bani Walid ee Dalkaasi Liibiya,waxaana ku dhimatay 15 qof oo kamid ah dadkaasi baxsadka ahaa,iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay illaa 25 qof sida ay soo tabisay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF oo war ka soo saartay dhacdadaasi.

War ay soo saartay Hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka midyihiin Soomaali, dad u dhalashay dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Wadanka Liibiya ayaa noqotay dalka ugu badan ee laga tahriibiyo dadka doonaya in ay galaan Qaaradda Yurub,hase ahaatee waxaa ay dadku kala kulmaan dhibaatooyin xooggan tahriibkaasi.

Warka hay’adda ayaa intaasi ku daraya in kooxo kala duwan ay kala iibsadeen tahriibayaasha, iyada oo meel lagu haystay muddo 3 sanadood ah,Balse markii ay u adkaysan waayeen ayay isku dayeen in ay baxsadaan, xilligaas oo rasaasta lagu furey.

Kumanaan muhajiriin Afrikaan ah oo Soomaali kujirto ayaa ku dhimatay Badda  loo yaqaano Mediterraneanka oo isku xirta Afrika iyo Yurub,iyagoo baadi goobaya sidii ay u heli lahaa yeen Nolol ka duwan midda dalkooda kajirta.

Aqalka Sare oo lacag ugu deeqay qaar kamid ah dadka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Duufaanada ku dhuftay Dalka

0

Muqdisho(SNTV) Kulankan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan amaanka,iyo arrimaha gurmadka Fatahaadaha,oo guddigaasi ay si weyn uga hadleen.

Guddiga ayaa marka ugu horeysay wuxuu baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka ka socda Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,iyagoona fariin loogu diray madaxda Puntland iyo Soomaaliland.

Dhinaca kale intii kulankaasi uu socday ayaa guddiga gurmadka fatahaadaha ee Aqalka Sare ayaa lacago ugu deeqay dadka ku dhibaateysan qeybo kamid ah gobolada dalka sida deegaanada Jubbaland,Puntland iyo Somaaliland,iyagoo ku sheegay in Aqalka Sare uu dhibaatooyinka la qeybsanayo shacabka.

Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhag Dheer ) ayaa sheegay in mar kale Senatorada ay lacago u uruuriyeen dadka Soomaaliyeed oo qaar ka mid Gobolada Dalka ku dhibaataysan.

“Waxaan rabnaa in maanta markale aan idin sheeegno in aan iska uruurinay lacag ka badan 50,000 kun oo dollar,lacagtaasi oo sidoo kale ay iska soo uruuriyeen Xubnaha Aqalka Sare tabarta ayaa intaasi la eg balse kama harayno in aan u gurmano dadka dhibaatadu haysato,waxaa dhacday Musiibo Qaran,waa in lagu buraarugaa meelaha qaar waxaa ka dhacay Duufaanno, markale waxaan ugu baaqeynaa shacabka in ay u gurmadaan walaalohooda,waxaan rabnaa in aan idin sheegno sida aan ugu talagalnay lacagtaasi,inkastoo aysan waxba u tarin”.Ayuu yiri Senator(Dhag-Dheere).

“lacagta oo 50,000 kun ah 20,kun oo kamid ah waxaan ugu talagalanay dhibaatadii ka dhacday Soomaaliland gaar ahaan Owdal,waxaan rabnaa in aan hortiina ugu wareejino Senataradii aan u wakiilanay,waxaan sidoo kale aan rabnaa in aan Jubbaland ku wareejino 20,kun oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha Webiga Jubba,sidoo kale waxaa lacag kale oo dhan 10,kun ugu deeqnay qaar kamid ah dadka kunool goobaha ay dhibaatadu ka jirto ee Puntland”. Ayuu yiri Senator(Dhag-Dheere).

Taariikhda guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare

0

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qareen iyo cilmi baare sharci. Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha Garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxa ay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Waxa uu sidoo kale la taliye kasoo noqday Maxkamadda Sare ee Dalka sanadkii 2016kii.
Sidoo kale, Waxa uu muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland.

 

 

Xil ka qaadis iyo magacaabis Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

0

 

Muqdisho: May 27, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha oo tixgalinaya cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, ayaa go’aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo.

“Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu kasoo dhalaalo hawlaha loo igmaday.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay’adaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ayaa leh aqoon durugsan oo dhanka sharciga ah, waxa uuna hore usoo noqday qareen, cilmi-baare sharci iyo la taliye sharci.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan shaqadii uu usoo qabtay qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Yaa ku badiyay tartan aqooneedkii dhex-maray degmooyinka Marka VS Hilwaa?

Muqdisho (SNTV)-Degmooyinka Marka iyo Hilwaa oo ka kala tirsan Shabeelaha Hoose iyo Benaadir  ayaa  caawa wacadaro muujiyay kadib tartan aqooneedkii  dhex maray.

Degmada Marka oo xarun u ah gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la weydiiyay 7-su’aalod, dhammaan su’aalihii loogu tala galay midna kama aysan jawaabin balse waxa ay si ka faa’ideysi a u heleen mid kamid ah su’aalaha soo dhinac maray Hilwaa, waxa ayna sidaas ku heleen 2-dhibcood.

Degmada Hilwaa ayaa su’aalihii 7-ahaa oo ay xaqqa u lahaayeen laba kamid ah ka jawaabay, sidoo kale waxa ay saxeen mid kamid ah su’aal fursad ah oo ay lumiyeen Marka, waxa ayna sidaas ku xaqiijiyeen 6-dhibcood.

Inkastoo ay cabasho  la yimaadeen degmada Marka, hadane waxa ay  ugu dambeen si cad u sheegeen in ay ka qanceen guddiga, waxaa caawa wareegga 1-aad ee tartanka ku haray Marka halka Hilwaa ay xaqiijisay wareegga 2-aaad.

Habeen dambe tartan aqooneedka bisha Ramadan oo ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaan uu taaba gelinayo Maamulka Gobalaka Benaadir, waxaa ku wada ballansan degmooyinka Jowhar iyo Howl-wadaag oo ka kala tirsan Shabeelaha Dhexe iyo Benaadir.