Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegay wasiirka cusub ee Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha

Date:

Muqdisho (SNTV) Munaasabadda xilwareejinta ah oo ka dhacday Muqdisho  ayaa waxaa  ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ahna kusimaha Ra’iisul wasaaraha, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, hantidhowraha guud ee qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya mudane Saalim Caliyow  Ibrow, oo ka hadlayay munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay in mudadii sanadka iyo dheeraadka aheyd ee uu wasaaradda madaxda ka ahaa guul badan ay gaareen, isagoo sheegay in ay ku dadaaleen sidii wasaaraddu saldhig u yeelan laheyd taasna meel wanaagsan ay mareyso.

C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, ayaa balan qaaday in shaqada wasaaradda la dardargelinayo.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha  mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay ka shaqeyso labo qeybood oo muhiim u ah nolashada bulshada isla markaana ka xukuumad ahaan ay fududeyn doonaan sidii shaqadaas looga miro dhalin lahaa.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada fatahaadaha iyo duufaanada dalka qeybo kamid ah ka dhacaya kuwaas oo dad badan ku naf waayeen isla markaana hanti badan ku burburtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

WARSAXAAFADEED Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka...

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis...