Home Blog Page 1311

Wafuud ka socta beesha caalamka oo gaarey magallada dhuusamareeb

0

Wafdi uu hoggaaminayay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Munaasabadda dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.

Micheal Keating oo ay wehliyeen Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, IGAD, Safiirka Itoobiya iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku so dhoweeyay Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Munaasabadda midowga Galmudug, iyadoo sidoo kale munaasabada ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Farmaajo oo kormeerey xarunta ciidanka qeybta 21 aad ee dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taala magaalada Dhuuso Mareeb,isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil iyo ciidamo.

Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin gulufka ka dhanka ah ALshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan madaxda Galmudug,mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa ammaan iyo gobaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda,wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka lagu dhameystirayo heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug,kaasi oo ka furmaya magaalada Dhuusamareeb.

 

Wasiirka Amniga oo booqdey degmada Balcad

0

Wasiirka Amniga Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ay wehlinayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federalka iyo siyaasiyiin ayaa maanta socdaalka dhulka ah ku tegey degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wafdiga Wasiirka Amniga ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka degmada Balcad oo uu horkacayo guddomiyaha mamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ( Qaasim Furdug)waxana ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyagoo ka dhagasytay maamulka iyo shacabka baahiyaha amni ee ka jira degmada Balcad.

Wafdiga Wasiirka Amniga oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cabduqadir Carabow Ibrahim iyo Xildhibaan Aadan Cali Xasan kana mid ah xildhibaanada  laga soo doortay Hirshabelle ayaa waxa ay sheegeen in degmada Balcad ay u yimaadeen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada amni iyo mida baahi ee shacabka degmada balcad ay qabaan.

“Waxaan indhaheena ku soo aragnay burburka xoogga leh ee haysta wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo degmada Balcad iyo dhibaatada shacabka ku haysata waxaana aan rajeyneynaa in dhowaan dayactir lagu sameeyo.”ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

Wasiirka Amniga Dowlada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka hadlay arrimaha ammaanka ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin weerarada Al-shabaab ee ku soo laalaabtay wadada isku xirta degmada Balcad iyo magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle,

Wasiir Ducaale ayaa sidoo kale xusay inuu socdo qorshe amniga lagu soo celinayo islamarkaana kaalinta ciidanka Militariga dowlada Soomaaliya ay noqon doonto mid meesha looga saaro weerar ka yimaada Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo boggaadiyey doorka culimada ee dib u heshiisiinta Galmudug

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi kula qaadanaya magaalada Dhuusamareeb qeybaha bulshada ayaa ku ammaanay culumada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud dadaalka ay ku bixinayaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin qorsheyaasha hormarineed ee dowladda, gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta, loogana baahanyahay in ay ka soo dhalaalaan kaalintooda maadama ay in ka badan 70% ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo xalay kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalintooda ku aaddan wacyigelinta bulshada deegaankan isaga oo ku ammaanay sida ay naf iyo maalba ugu hureen in laga cirib tiro deegaannadan kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

“Markii laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, waxaad tusaale wanaagsan u tihiin gobollada kale ee dalka, waayo idinkoo kaashanaya dhammaan qeybaha bulshada deegaankan waxaad ku guuleysateen in aad cadoowgaas la dagaalantaan oo aad ka dabar gooysaan deegannadan.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Galmudug.

Agaasimaha HSJ soomaaliya oo kormeerey xafiisyada Hay’adda ee Cadaado

0

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa kormeerey xaafiisyada hay’addu kuu leedahey magaalada cadaado, isaga oo halkaas kula kulmay shaqaalaha ka howlgala iyo qaar ka tirsan bulshada cadaado.

Kormeerka oo uu agaasimaha ku wehlinayey madaxa howlaha hay’adda ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta hab-sami u socodka howlaha hay’adda, wuxuuna saraakiisha kula dardaarmey in ay u guttaan waajibka qaran si waafaqsan shariciga dalka.

Agaasimaha ayaa ku guda jira kormeerka sanadlaha ah ee uu ku sameynayey xaafiisyada iyo howlaha hay’adda guud dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna hore u soo marey qeybo badan oo dalka ah.

R/W Khayre oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayey arrmaha gar-gaar ee bini-aadanimadda Soomaaliya.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb-galay shirka ay soo qaban qaabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaasoo looga hadlayey qorshaha gar-gaar ee arrmaha bini-aadanimadda Somaliya sanadka 2018.

Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan.

“Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hor-tagida abaaraha” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye.

Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood,kuwaas oo u baahan gargaar.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya

—DHAMMAAD—-

Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howlgelisay naadiga Madbacada Qaranka

0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayaa dib u howlgelisay naadigii Madbacada Qaranka muddo dhowr iyo labaatan sanno kaddib, iyadoo munaasabadda hirgeliyey lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda dib u howlgelinta naadiga Madbacadaha Qaranka oo hoostagta wasaaradda Warfaafinta, ayaa Madasha lagu howlgalinayeyna waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka Warfaafinta, Xiriirka Guddiga Kubadda Cagta, Maareeyaha Madbadaha Qaranka iyo qeybaha ay naadiga ka kooban tahay.

Guddoomiyaha naadiga Madbacada Qaranka Cumar Maxamuud Nuur (Mugaanbe) ayaa ballan qaaday in ay si joogta ah ula shaqeyn doonaan wasaaradda Warfaafinta.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed C/qani Saciid Carab ayaa soo dhoweeyey in wasaaradda warfaafinta ay muddo dheer kaddib dib u howlgeliso naadigii Madbacadaha Qaranka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku dedaali doonto sidii loo Tayeyn lahaa Naadiga Macbadaha Qaranka.

Wasiir ku xigeenka Dhalilnyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cumar Isloow  iyo wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa labaduba  sheegay in iskaashiga badan laga yeesho sidii loo xoojin lahaa awoodda Naadiga.

Ugu dambeyn wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa yiri “tani waa taariikh dalkeennu leeyahay, wasaaradda waxaa ka go’an in ay dib u soo nooleyso dhammaan taariikhdeedii lagu yaqaanay naadiguna ay si xooggan u taageeri doonaan.

Munaasabadda inta ay socotay ayaa lagu kala saxiixdey heshiis saddex geesood ah uu u dhaxeeyey wasaaradda, naadiga iyo xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, kuna aaddan dib u howlgelinta naadiga Madbacada Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatey Masuuliyiinta iyo Shacabka Galmudug.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug kulamo kula Qaadanaayo  maamulka Galmudug iyo qeybaha kala Duwan ee bulshada.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray Magallada Dhuusamareeb Halkaasi oo ay ku Soo dhaweyeen shacabka galmudug oo ka kala yimid Deeganada Maamulkaasi.

iyadoo maanta lagu wado in uu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta Galmudug,Nabadoonada,Ugaasyada iyo Bulshada Rayidka.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo ay ku sii qulqulayaan madaxda Dowlada Gobolledyada iyo wafuud caalami ah, kuwaasi oo qeyb ka noqonaayo Socdaalka Nabada.

Dhanka kale Caasimadda Galmudug ayaa waxaa saacadaha soo socda gaari doona Wafdi ka socda Beesha Caalamka Kuwaasi oo ka qeyb gali doona shirweynaha dhamaystirka heshiiiskii Galmudug iyo ahlusana.

Madaxweyne Farmaajo oo ku howlan dhammeystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna

0

Dhuusamareeb, 16 Jan, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud si loo dhameystiro heshiiskii Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo galinkii dambe ee maanta ka soo amba-baxay magaalada Cadaado, ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku soo maray deegaannada Goodinlabe, Mareer Gur iyo Mirrig ee ka tirsan gobolka Gal-guduud.

Madaxweynaha ayaa si heer sare ah waxaa ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Axmed (Bukhaari), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, Xildhibaanno heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay, isagoona ku ammaanay sida wadinayadda leh ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka qayb galay Shir looga hadlayay Amniga Qaranka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga Qaranka oo lagu gor-feynayay xaaladda amaan ee dalka, Xoojinta xiliga kala guurka iyo Wadashaqeynta hay’addaha amniga ee Beesha Caalamka.

Shirkan oo diiradda lagu saarayay qorshaha diyaarinta ciidankii la waregi lahaa amniga dalka , kuwaaso oo badeli doona ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika, dawladda Soomaaliyeedna ka caawiyay sidii ay dib ugu soo ceshen lahayd amaankeeda. Waxaana la isku af-gartay in howshan bilowga ah aysan noqon mid fadhiida.

Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Abuukar Islow Ducaale, oo markii uu shirka dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankan uu daba socdo shirki Afartii Bishii December ee sanadkii 2017 ka lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay amniga Qaranka. Waxuu kaloo tilmaamay in kulanku uu kusoo dhamaaday jawi isfahan, iyadoo ay beesha caalamka balan qaaday in ay bixin doonto dhaqalaha iyo qalabaynta ciidanka military ee Soomaaliya kuwaas oo la waregaya guud ahaan amaanka Soomaaliya.

Mudane Ducaale wuxuu kaloo sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la wareegto goobaha ay ka baxaan ciidamadda AMISOM, iyagoo kaashanay shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kalena waxuu tilmaamay in ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan shaqadii ay ciidanmadda Midowga Africa ay u hayeen ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray shirka ayaa tilmaamay in xukuumaddiisa ay u diyaar garowday sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga dalka, wuxuuna ka mahad celiyay doorkii ay Beesha Caalamka ka qaadatay sugida amniga dalka.
DHAMAAD