Home Blog Page 1311

Maxamed Mursal Sheekh oo ku guuleystay doorashada Gudoonka Golaha Shacabka

0

Waxaa lasoo gaba gabeeyay Tirinta Codadka Wareega Sadexaad ee Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ay isugu soo hareen Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow iyo Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan.

Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdi weli Muudeey ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoo sheegay in Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan uu ku guuleystay Guddooomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu helay codadka ugu badan oo gaaraya 147 halka Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow uu helay 118 cod.

“Waxaa codeeyay 265 Mudane, Xildhibaan Ibraahim Isaaq wuxuu helay 118, Xildhibaan Maxamed Mursal wuxuu helay 147, waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan”.ayuu yiri Guddoomiye Muudey.

 

Labo Musharax oo ka tanaasulay u tartamida kursiga Golaha Shacabka

0

Musharaxiinta kala ah Shariif Maxamed Abdalla iyo Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka tanaasulay u gudbida wareega Labaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka socota xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa hadda loo gudbay wareega saddexaad ee doorashada oo ay isugu soo hareen Labada Musharax ee kala ah Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yarow.

Musharax Shariif Maxamed Abdalla ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada u codeysay iyo kuwa aan u codeyn intaba,isagoona kula dardaarmay in si mas’uuliyad iyo Xilkasnimo ku jirto u doortaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale,Musharax C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u sababeeyay tanaasulkiisa mid uu ugu turayo Xildhibaanada una fududeeyo doorashada.

Wuxuuna cadeeyay inuu ku faraxsan yahay inuu tartamo,Xildhibaanadana codkooda ay siiyaan,waxaa hadda socota codeynta doorashada wareega saddexaad.

 

Shirka xal u helida fatahaadaha Soomaaliya oo malintiisa saddexaad galay

0

Waxaa maalintii saddexaad galay shir looga hadlayo arrimaha Fatahaada iyo abaaraha kaasi oo ka socda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,waxaana shirka si rasmi ah uga furmay Xarunta Bank Aduunka Magaalada Nairobi ee Dalka kenya.

Ka qeyb galayaasha shirka ee Dowladda Somaaliya iyo Beesha caalamka ayaa inta uu shirka socda diirada saari doona ka doodista geedi socodka wax ka qabashada dhinacyada dib u kabashada iyo u adkeysiga Abaaraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan arrimaha soo laab laabtay sida Fataahada iyo Abaaraha Dalkeenna.

Maanta gelinka danbe ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka,iyadoona laga soo saari doono go’aan mideysan ahmiyadna u leh Soomaaliya gaar ahaan wax ka qabashada arrimaha masiibooyinka ee Fatahaada iyo Abaaraha soo noq noqday.

Shirkan ayaa ku soo aadaya,xilli Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dhallinyaradda is abaabulay oo dhaqallo uruurin u sameyay dadkii ku wax yeelobay fatahaadaha wabiga shabelle

0

Kullan ay dhalinyarada isxilqaamayaasha Puntland oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan ku qabteen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxay kaga hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Fatahaada Wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirishiid  Ismaaciil Maxamed (Capitano) ,Qaar kamida maamulka iyo macalimiinta Jaamacadaha Puntland, waxgarad,Nabadoono iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxa ayna dhammaantood isku raaceen in si deg deg ah loogu gurmado Shacabka ay wax yeeleysay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Dhalinyarada Is xilqaamayaasha Puntland oo kulanka ka hadlay wax ay fariin udireen dhaamaan ummada Soomaaliyeed, taasi oo ku aadan in loo istaago caawinta iyo garab istaaga dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha Puntland ayaa iyagana u mahadceliyay dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland, iyagoona uga mahadceliyay sida ay marwalba ugu taagan yihiin u gurmashada ummada Soomaaliyeed waxayna dhankooda sheegeen inay garab istaagi doonaan walaalahooda dhibaateysan.

Dhanka kale taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirishiid  Ismaaciil Maxamed (Capitano) ayaa isna waxa uu bogaadiyay dadaalka ay wadaan dhalinyarada Isxilqaamyaasha Puntland waxa uuna sheegay in ka ciidan ahaan ay diyaar uyihiin ka qeyb qaadashada gurmadka loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Ugu danbeyn waxaa kullanka ka hadlay Waxgaradkii iyo nabadoonadii ka qeybgalay munaasabadda, waxayna sheegeen inay dhankooda diyaar u yihiin ka qeybqaadashada gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

29-Ruux oo ay ku jiraan 8-wariye oo lagu dilay Qarax ka dhacay Afghanistan.

Ugu yaraan 29-Qof oo ay ku jiraan 8-Wariyeyaal ah ayaa ku geeriyooday halka daraasiin kale ay ku dhaawacmeen ka dib labo Qarax oo is xig xigay oo ka dhacay magaalada Kapul ee caasimadda dalka Afgaanistaan,sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka dalkaasi.

Qaraxyada ayaa saaka waxay ka dhaceen aagga Shashdarak oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Kapul.

Qaraxa hore oo ahaa Qof naftii halige ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay xarun Laamaha amaanka Afganistan ay leeyihiin oo ku taalo magaalada Kapul,sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha dalkaasi.

Sidoo kale Qaraxa Labaad oo dhacay 20-daqiiqo gudahooda ka dib Qaraxii koowaad ayaa saameynta ugu ballaaran waxay ka soo gaartay Kooxaha Gurmadka Caafimaadka iyo Wariyeyaal goobta soo gaaray.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in Weerarka ay ku dhinteen ku dhawaad 29-ruux halka 49-ruux ay   ku dhaawacmeen.

Wakaalada Wararka ee AFP,ayaa ku warantay in Wariye sawir qaade u ahaa,Shah Marai,uu ka mid noqday dadka ay Qaraxyada ku dhintay.

Maleeshiyada Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

 

Ra’iisulwasare ku xigeenka dalka oo la kulmaya Madaxweynaha Koonfurta Suudaan

0

Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo ku sugan magaalada Bujunbura ayaa lagu wadaa inuu kullan la qaato madaxweynaha dalka Burundi,isagoona kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Burundi.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale waxay ka wada xaajoon doonaan howlgalka Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya,maadama Burundi ay ka mid tahay dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ka dhan ah Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ku-xigeenka  dalka,Mahadi Maxamed Guuleed ayaa dhanka kale ku bogaadiyay ciyaartoyda Da’dooda ka hooseyso 17-jirada ee dalkaeenna Soomaaliya meesha wanagsan ee ay soo gaareen ee Finalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee xulkeenna Soomaaliya u laqaatay ciyaartoyda dalka Tanzania.

Sidoo kale,Mahadi Maxamed Guuleed Khdar,Ra’iisal ku-xigeenka dalka ayaa kullamo gooni gooni ah la qadan doona mas”uuliyiintii  kasoo qayb gashay Ciyaarah Finalka ahaa  ee Bariga iyo Bartamaha Afrika,kuwaasi oo uu kala hadli doona sare u qaadista tayada Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku matasha tartanada Bariga iyo Bartamaha Africa.

Xulkeenna 17-jirada ayaa meel wanaagsan ka gaaray Ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ee ku soo dhammaaday dalka Burundi gaar ahaan magaalada Caasimadda u ah ee Bujunbura.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Baladweyn booqdey

0

Madaxweynaha Jamhuuriaydda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne oo xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha dalka ee Baladweyne ayaa ah in uu u kuurgalo xaaladda ay ku sugan tahay magaalada iyo dadka ka barakacay ee duleedka magaalada ku sugan kaddib markii ay guryahooda qaadeen daadad xoog leh oo ka dhashay Roobabka iyo Fatahaadda Webiga Shabeelle.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday Kaamam ay ku jiraan dad dan yar ah oo Fatahaadda ka soo barakacay, waxa uu ballan qaaday in si deg deg ah ay dowladda uga jawaabeyso xaaladda ay ku jiraan, gurmadna la soo gaarsiinayo dhowaan oo ay imaan doonaan guddigii ay Xukuumadda u xil saartay gurmadka arrintaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulammo la qaatay madaxweynaha Hir-shabeelle iyo saraakiisha ciidammada Xoogga iyo kuwa AMISOM, una sheegay in si deg deg ay uga qeyb-qaataan gurmadka una fududeeyaan hey’adaha gargaarka iyo guddiga ku howlan gurmadka.

 

Berri oo la fasaxay shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah

0

War ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay shaqaalaha Dowladda iyo shaqaalaha gaarka ah intaba in maalinta berito oo ku beegan Tallaado 1-da bisha May iney tahay maalin fasax ah.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa waxay ugu  hambalyeyneysaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalinta shaqaalaha weynaha aduunka oo maalinta berito ah ku beegan 1-da bisha May ee sanadka 2018-ka.

1da May sanad walba waxaa Caalamka laga xusaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha adduunka oo ah lafdhabarka wax soo saarka iyo horumarinta koboca dhaqaalaha.

Lifaaqa hoose ka akhriso warqadda Fasaxa

Fasaxa 1 May

Afar musharax oo wareegga labaad u gudubtay

0

Waxaa la soo gabagabeeyay tirinta cododka wareega koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaan ilaa iyo 10-musharax,waxaana hadda loo gudbayaa wareega labaad ee doorashada.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Guddooomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey oo ku dhawaaqay sida loo kala helay cododka ayaa sheegay in wareega Labaadee doorashada ay isugu hareen afar  musharax.

Afarta musharax ee isugu soo haray wareega Labaad ayaa waxay kala yihiin Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo helay 83-cod,Ibraahim Isaaq Yarow oo isagan helay 69-cod,C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54-cod iyo Xildhibaan Shariif Maxamed Abdalla oo helay 19-cod.

Halkaan Hoose ka Akhriso sida ay Musharaxiinta u kala heleen cododka.

1- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye 5-cod

2- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar 3-cod

3- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan 83-cod

4- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla 19-cod

5- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye 7-cod

6-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur. 3-cod

7- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow 69-cod

8- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur 16-Cod

9- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54-cod

10- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow 17-cod

Madaxweyne Farmaajo oo qadka teleefanka kula hadlay ciyaartooyda 17 jirada

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa teleefoonka Magaalada Gitega ee Dalka Burundi kula hadlay Macalimiinta iyo Ciyaartoyda Xulka da’yarta Soomaaliya ee Galabta qeybta ka ah ciyaarta kulanka ka dambeysta ee Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika.Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horreyn la hadlay Macalinka hoggaaminaya Xulka 17 jirada Soomaaliya Macalin Salaad Faarax Xasan, waxa uuna ugu hambalyeeyay dadaalka uu ku bixiyay in xulkeenna uu heerkaan soo gaaro, waxaana uu sidoo kale kula dardaarmay in dadaalka uu meeshiisa kasii wado.

“Waxaan ilaaheey idinkaga rajeynayaa guul in aad Koobka soo qaadaan oo aad dalkiina usoo hoysaan magac wanaagsan, dhallinyarada waa ku dhiirigallineynaa in ay si wanaagsan u cayaaraan maxaa yeelan magacii iyo astaanta dalka ayay hayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ciyaartoyda iyo Macalimiinta oo maqlay farriinta Madaxweynaha ayaa qaaday heesta astaanta qaranka ee Soomaaliyeey toosoo, Macalin Salaad oo ku hadlayay Magaca Xulka qaranka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay dhiirigallinta iyo garab istaaga uu u muujiyay waxa uuna intaas raaciyay in waqtigii ciyaarta uu dhawyahay oo ay garoonka sii aadayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambayn kusoo gabagabeeyay hadalkiisa duco iyo niyad dhis uu u muujiyay xulka da’doodu ka yartahay 17 sano.