Home Blog Page 1306

Dalka Masar oo lagu soo gaba-gabeeyey Aqoon kororsi ku aadan Dalxiiska Qaaradda Afrika

0

Aqoon kororsi iyo cilmi baaris la xiriirta Bad iyo Bariga ayaa shalay lagu soo gabo gabeeyay Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Aqoon kororsigan oo socday muddo dhowr iyo toban cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay khuburo ka kala socday 30 wadan oo Qaarada Afrika ku yaala, waxaana dhanka Soomaaliya uga qeyb galay la taliyaha dhanka Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Yaasir Maxamed Baafo, oo madasha la isku dhaafsanayay aqoon kororsiga kheyraadka dalxiiska ka jeediyay warbixin dheer oo uu uga hadlayay in Soomaaliya ay tahay dal leh goobo badan oo dalxiis ah, isla markaana ay dowladda Soomaaliya ka go’an tahay iney soo nooleyso dalxiiska.

Aqoon isweydaarsiga ku aadan wadamada Afrika ee Kheyraadka dabiiciga dalxiiska ayaa waxa soo qaban qaabiyay iskana kaashaday Wasaaradaha dalxiiska iyo arrimha dibadda ee Masar.

“Socdaalkeenna waxu ahaa socdaal ay iska kaashanayeen dowladda soomaaliya gaar ahaan wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska iyo dowladda masar taaso loo bandhigay wadamo badano Africa iney kaso qeyb galaan  soomaaliya wadamadii ajiibay ayey ku jirtay kadibna laga codsaday dad khuburo ah iney soo diraan maadama wuxu cilmi baaris uu yahay sidaas ayana ku imid anoo matalaya guud ahan dowladda gaar ahaan wasaaradda, waxan kamid ahaa ahayn dad gaaraya ila 30 dal oo afrikaan ah kuwooda ugu waaweyn ee arrimaha dalxiiska ugu hormarsan, soomaaliya xubin ayey ka ahyd oo shirkaas cilmi barista ah kaso qeyb galay iyo cilmi baaristaas waxa uuna socday 14 cisho”

Sidoo kalle mudane Yasir Baffo ayaa ka warbixiyay halka ay gaarsiisan tahay dadaalka ay ugu jiraan ka wasaarad ahaan in caalamka ay ku baraarujiyaan Soomaaliya in ay tahay Wadan Dalxiis.

“Waxan kaso qeyb galnay shir ka dhacay Malaysia hadana midkaan ayan joogna waxaas oo dhan markii la isku soo duubo waxay cadeyneysa dadaalka aan ugu jirno in caalamka aan tusno dalxiiska soomaliya, si guud soomaaliya aya aduunka u sahlayso iney diyaar u tahay in indhihii aduunka aan dib uso celino oo manta waxa ka dhaca  soomaaliya aan kala simanahay aduunka intiisa kalle”. Ayuu yiri Mr Baafo.

Soomaaliya oo isbedel dhinacyo badan sameysay sanadihii ugu dambeeyay ayaa u suurto gashay  dhawaan in ay xubin buuxdo ka noqoto  hay’adda Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisulwasaare Kheyre “Soomaaliya oo deymaha laga cafiyo ayaa caalamka la jaanqaadi karta”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka.

Isagoo ka hadlayay kulan shalay ku qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha Caalamka (WEF2018) ee magaalada Davos si gaar ahna diiradda loogu saaray arrimaha Soomaaliya, wuxu yidhi mudane Khayre “Dowladda Soomaaliyeed way ka go’antahay in ay fuliso ballamaha ay u qaaday ummada Soomaaliyeed. laakiin waxaan ognahay in hirgelinta mashaariicda dib-u-habeynta iyo qorshaheega horumarineed oo ay ka mid tahay dhisidda amniga, mashaariicda kaabayaasha, dhismaha hay’adaha dawliga ah iyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha ay u baahanyihiin hanti .”

“Soomaaliya kaligeed ma fulin karto arrimahaas iyada oo dhaqaalaheegu xaddidan yahay culayska daynta ay dhaxashayna uu gaadhsiisan yahay ilaa   lix bilyan oo doolar,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre,  isaga oo hoosta ka xariiqay in dar-dargalinta dayn dhaafka iyo la xidhiidhka hay’adaha maaliyadda caalmiga ay muhiim u tahay horumarka waddanka.”

“Xukuumaddaydu waxay ku howlantahay la shaqaynta hay’adahaas waxayna ku dadaaleysaa sidii ay u fulin lahayd shuruudaha loo qoondeeyay si ay u joogtayso xidhiidhka una wanaajiso maaraynta maamulka maaliyada,” ayuu yidhi, isagoo timaamaya in uu ku kalsoon yahay in lagu guulaysan doono fulinta arrintaasi.

Isaga ku ammaanaya ganacsatada Soomaaliyeed doorkii ay ka qaateen badbaadinta dalka, wuxu yidhi: “In kasta oo ay dhib badan soo mareen, haddana shirkadaha  gaarka  loo leeyahay ee Soomaaliyeed waxay  si joogta ah u bixinayeen adeegyo muhiim ah ee ku saabsan badbaadinta iyo soo noolaynta ummadda, isagoona tilmaamay in xawaaladuhu ay yihiin illaha maalgashiga ee muhiimka ah, wuxuuna ku baaqay isbaheysi wax-ku-ool ah in ay samaystaan dawladda iyo shirkadaha ganacsiga leh.

Wuxu tilmaamay warbixinta Bangiga Aduunku ku qeexay in wax soo saarka Soomaaliyeed uu koray boqolkiiba shan sannadkii 2015 iyo boqolkiiba lix sannadkii 2016, wuxuu ku nuux-nuuxsaday baahida degdega ah ee loo qabo sahaminta qaybaha kale ee dihin ee khayraadka dalka.

“Biyaha Soomaaliya waxay ka mid yihiin meelaha ugu qanisan ee kalluumeysiga qaaradda Afrika iyada oo haddana khayraadka baddeena dhererkeedu yahay 3,330 km aan sidii la rabay looga kalluumaysan .”

Waxa kale ee uu sheegay Mudane Khayre in khayraadka kale ee wax soo saarka ay ka mid yihiin 8.5 milyan oo hektar ee dhul beereed ah iyo in ka badan 50 milyan oo xoolo ah marka lagu daro macdanta aan wali la taaban.

Mudane Khayre ayaa tilmamaay haddii si sax ah loo isticmaalo dhammaan khayraadka dalkeena, waxaa Soomaaliya u suurto geli doonta in aysan ka wel-welin helitaanka cuntada, abuurista shaqooyinka, kordhinta dakhliga dawladda, iyo in ay gacan ka geysato ganacsiga caalamiga ah.

Waxa kale ee uu sheegay in ay samayeen bartilmaameed lagu yareynayo saboolnimada iyada oo la adeegsanayo hirgelinta marin-raacyo lagama maarmaan ah, qaab-sharciyeedo iyo jawi maalgashi oo cusub.

“Soomaaliya, waxay diyaar u tahay inay dib u bilaabato kaalinteedii taariikhiga ahayd ee ahaa in ay noqoto albaabka ganacsiga Afrika, iyada oo adeegsanaysa xeebteeda badweynta Hindiya iyo badda Cas,” ayuu yidhi Mudane Khayre.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya oo shacabkeena u badan yahay dhallinyaro, ay si xoog leh uga faa’iidaysan karto fursadaha jira, fulin karto siyaasadaha loo baahan yahay, isbedel dhaqaalana ku guulaysan karto.

“Adeegyada ay bixin karto waxa ka mid ah waxbarashada, shaqo abuurka iyo kor u qaadista maciishada, taas oo aad u yarayn karta in dhallinyarada lagu duufsado been abuurka ay ku adeegsadaan kooxaha xag jirka ahi,” ayuu yidhi Mudane Khayre, wuxu raaciyey in dawladdu qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sugida amniga iyo isbedelo siyaasadeed iyo kuwo dastuuriya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulamo dhowr ah la yeeshay madaxda sare ee hay’adaha caalamiga ah iyo madaxda caalamka ee shirka ka soo qayb galay, waxaana ka mida ahaa Christine Lagarde oo ah Madaxa IMF, Kristalina Georgieva, Madaxa Agaasimaha Bangiga Adduunka, Akinwumi Ayodeji Adesin, Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika, Madaxa WEF Borge Brende iyo sidoo kale Madaxda waddamo dhawr ah sida Ra’iisul Wasaaraha Norway Ernest Solberg, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka ahnaWasiirka Warshadaha iyo Tamarta Arkady Dvorkovich, Raiisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qadar Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al Thani, iyo kuwa kale.

Waa markii ugu horaysay uu wafti Soomaaliyeed ka qaybgalo shirkan  caalamiga ah ee Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka (WEF2018) ee lagu qabto magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatey jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Turkiga

0

Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga  Waxaa kulan ku yeeshay Godoomiya Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (jawaari) iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga.

kulankan ay wada yesheen jaaliyadda soomaaliyeed ee Turkiga iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa Howlaha balaaran ay jaaliyada Soomaaliyeed u hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Turkiga .

Mudane Maxamed Shiiq Cusmaan (jawaari) ayaa Jaaliyadda ku amaanay doorkii ay ka qaateen dhawacyadii Qaraxii 14-ka Oktoober iyo sidii ay dhaqaalaha isaga soo aruuriyeen si ay u dhamaystiraan baahiyaha Dadkii isbitaalada ku jiray,isagoo Jaaliyadda ku dhaqan dalka Turkiga ku booriyay in ay wanaagana kaga daydaan shacabka Turkiga.

Guddoomiayaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aad ugu amaanay Dawladda iyo shacabka Turkiga sida ay had iyo jeer u garab istaaganyihiin  Dawlada soomaaliya iyo Shacabkeeda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa u ugu mahadceliyay gudoomiyaha Golaha shacabka fursada uu siiyay, iyagoo u balan qaaday in ay ka shaqayn donaan wada-jirka Soomaalida ku dhaqan dalka Turkiga .

Gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee Turkiga Shiiq maxamed ayaa gudoonsiiyay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari shahaado sharaf, taasoo ka turjumaysa shaqada adag ee uu bulshada u hayo iyo marxaladii adkeyd ee uu gudomiyaha ku shaqaynayay.

Shirka ka faa’iideysiga qayraadka Dalka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho (Sawirro)

0

Waxaa Magaaladan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir weyne Qaran oo looga hadlayay siyaasadda sugnaanta cuntada iyo horumarinta Beeraha Dalka Soomaaliya.

Shirkan oo socday muddo Saddex Cisho ayaa si weyn looga dooday sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta Beeraha , la dagaalanka farqiga, sare u qaadidda ka faa’iideysiga qeybraadka beeraha xoolaha iyo kaluumeeysiga Dalka.

Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo waraabka xukumadda soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhul beereedka Soomaaliya iyo sida ugu habboon ee looga faa’iidaysan karo, wuxuuna dardaaran xooggan usoo jeediyay maamullada Dalka inay dardar geliyaan qodobbada heshiiska ku aaddan xoojinta wax soo saarka iyo la dagaallanka faqriga.

Qaar ka mid ah Wasiirrada beeraha ee maamullada Dalka ayaa iyaguna ballan qaaday dhankooda inay samayn doonaan wacyi gelin dhinaca bulshada ah, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin wax ku ool ah, si loo gaaro isku filnaansho xagga dagalla iyo wax soo saarka Beeraha ah.

Wakiillo ka socda hay’adda cunnada Adduunka ee FAO iyo samafalayaasha caalamiga oo qayb ka ahaa kulanka ayaa iyana dhankooda waxay sheegeen inay door muhiim ah ka ciyaari doonaan taakulaynta beeralayda Soomaaliyeed iyo dhiirri gelinta muruq maalka.

Gabagadii shirka ayay halkaasi ku kala saaxiixdeen hishiis wasaarada Beeraha xukumada Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka, kaasoo ku saabsanaa , sare u qaadidda ka faa’iideysiga qeyraadka Beeraha xoolaha iyo kaluunka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo Itoobiya shir kaga qeyb-galaya…

0

Magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu wada in maalinta beritu ah uu ka furmo shir u dhexeeya Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD,kaasi oo horudhac u ah shir madaxeedka madaxda wadamadaasi oo dhamaadka bishan ka furmaya halkaasi.

Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya shirkaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo isagu gaaray magaaladaasi Addis-Ababa.

Wasiir XAmed Ciise Cawad wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeeshey madax kaladuwan,waxaana kamid ah Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Søreide, kadib casha sharaf ay ku casuuntay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.

Waxaa looga hdalay Kulankaasi xoojinta xiriirka u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Norway,iyo sidii dowladda  Norway u sii xoojin lahayd taageeradeeda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Axmed Ciise Cawad waxaa uu la kulmay Dhigiisa Dalka ethopia Dr. Workneh Gebeyehu,Amb. Ahmed Awad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Itoobiya.

Trump oo loo jeediyay in uu xayiraadda ka qaado Soomaalida..

0

Ergayga gaarka ah ee hay’adda qaxootiga adduunka ugu qaabilsan Soomaalida, danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ugu baaqay dawladda Maraykanka inay ka laabato go’aankaas, isagoo sheegay in dadka Mareykanka loo qaadayo ay yihiin kuwa ugu nugul qaxootiga.

Danjire; Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay inuu hoos u dhac ku yimid tan iyo intii la doortay Donald Trump qaxootigii Soomaaliyeed ee Sanad walba geli jiray Dalka Marayknka,

Sanaddii 2015 ayuu sheegay inay baxeen 7074, halka 2016-diina ay 10’000, heleen dib u dejin, sanaddii 2017-diina la qaabbilay,2000 oo keliya, balse wuxuuna sheegay inay Sanadkii inna dhaafay hay’adaha socdaalku diiwaan geliyeen ku dhawaad 20,000 oo Qof, balse uu saamayn ku yeeshay go’aankii Donald Trump eek u aaddanaa soo galootiga.

Dadka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku xannibnaa xeryaha qaxootiga Adduunka gaar ahaan Bariga Afrika ayaa u badan Dad jilicsan oo ay ku jiraan Dad xanuunsan oo u baahan adeegyo caafimaad.

Maxamed Cabdi Afeey ayaa u sheegay maamulka Trump inay Soomaalidu yihiin Dad fir-fircoon ooh al-Abuur leh, kuwaasoo wax weyn kusoo kordhin kara gudaha Dalka Maraykanka.

Xigasho/VOA

Ra’isul wasaare Kheyre oo la kulmay madaxda wadamada Canada iyo Ruwaanda (sawirro)

0

Isaga oo ka qeyb galaya shir looga hadlayo dhaqaalaha adduunka oo ka socda wadanka Switzerland  ayuu ra’isul wasaare Xasan Cali Khyre la kulmay dhowr waddan madaxdooda waxa uuna si gaar  ugu bandhigay sida ay Soomaaliya u daneyneyso wadamadaas xiriirkooda.

Dhowr wadan ayuu la kulmay madaxdooda iyagoo is dhaafsaday xiriiro laba geesood ah oo ku dhisan ixtiraam, waxaana madxda uu la kulmay kamid ah Maamulaha Bangiga adduunka Kristalina Georgieva, Ra’iisul wasaaraha Norway Erna Solberg,  Raiisal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibada Dalka Qatar Sheikh Muhammad Abdulrahman Al Thani , Ra’isul wasaraha Canada iyo Madaxweynaha wadanka Kigali.

“Waxaan kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Canada  Justin Trudeau, waxaan ka wada hadalnay adkeynta iyo dardar gelinta xiriiirka ee labada dal”. ayuu yiri Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre  mar ay kulmeen isaga iyo Ra’isul wasaraha Canada.

Dhanka kale waxa uu sheegay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre in uu la kulmay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame  waxa uuna sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka guud ahaan qaaradda Afrika iyo sidii Soomaaliya iyo Rwanda xiriir dhow u yeelan lahaayeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa sidii ay u soo celin laheyd xiriirkii kala dhexeeyey dunida inteeda kale, waxaana dhammaan kulamada Ra’isul wasare Kheyre eey qeyb ka yihiin xoojinta xiriirka arrimaha dibadda Soomaaliya..

Dowladaha Norwey iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya (sawirro)

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Søreide kadib casha sharaf ay ku casuuntay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale joogtaynta taageerada Norway ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ballaaran ku bixinaysa bandhigidda hiigsiga qaran ee Nabad iyo Nolol ee loogu saldhigayo deganaanshaha iyo iskufilnaanshaha dhaqaale ee dalka, si looga gudbo dirirta iyo abaaraha, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mr Keating oo ku ammaanay Soomaaliya dadaalada dhaqalaha, siyaasadda iyo xallinta khilaafaadka,,

0

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo la hadlay golaha amniga ayaa sharaxay waxa Soomaaliya ay ku guuleysatay iyo caqabadaha ku gudban maamulka madaxweyne Farmaajo, muddada sannadka ku dhow ee uu xilka hayo.

Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysatay qorshe qaran oo ay ka mid yihiin isbedel dhaqaale, shaqa abuur, siyaasad loo dhan yahay, iyo isbedelka laamaha amniga.

Balse Keating wuxuu qiray in Soomaaliya ay weli wajeheyso caqabado oo u baahan in laga caawiyo, wuxuuna intaa raaciyay inay haatan diiradda Dowladdu saran tahay dhanka amniga.

Mr; Keating ayaa sheegay in dowladda ay la timid ajande wanaagsan oo la xiriira dhaqalaha, siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo wax ka qabashada arrimaha amniga dalka.

Xigasho/ BBC

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya (sawirro)

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa Dhiggiisa Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal.

Amb. Ahmed Awad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Waxaa lagu wadaa in bisha March, 2018 markii ugu horreysay labada dowladood ay yeeshaan Guddi heer wasiir ah oo qaadaa-dhiga waxyaabo halbowle u noqon kara iskaashi sal adag oo labada dal ay yeeshaan.