Duqa Muqdisho oo joojiyey hawlaha Dhul-simidda iyo Kaawo qodista ee Kawaan Bari

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa ku wargeliyey Hay’adaha ay khusayso joojinta hawllaha dhul-simidda iyo kaawo qodista ee ka socda agagaarka Kawaan Bari bacdamaa ay keeneysa Khatarro hor leh.

Eng Yarisow oo digreetada dhulkan lagu joojiyey soo saaray ayaa tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in sifo aan sharciga waafaqsanayn lagu dhiso dhulalka danta guud iyo kuwa dadweynaha.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxuu masuul ka yahay ilaalinta iyo hubinta sax ahaanshaha sharciga iyo in wax walba loo maro habraac saxda ah kaasoo dhabaha u xaaraya in qof walba uu ku helo caddaalad waxa uu xaqa u leeyahay, waana taas midda aan rabno in lagu hago wax walba oo Dawladda Hoose ka soo baxaya.” ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo intaas ku daray in arrintani looga golleeyahay hubinta dhulalka la dhisanayo ee aan marin habraacii loo baahnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u digay ganacsatada iyo shaqsiyaadka ku howllan burburinta dhagaxaanta celiya Biyaha Badda oo ka dhalan karaan khataro, maadaama la burburiyey dhagaxyadii iyo ciiddii celinaysay biyaha Badda oo keeni karta in mustaqbalka fog iyo midka dhow ay baddu ku fatahdo magaalada.

Duqa Caasimadda ayaa horey u joojiyay dhismayaal danta guud ah, isla markaana shaqsiyaadkii lagu tuhunsanaa u gudbiyey hay’adaha sharciga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...