Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday xarunta isgaarsiinta Jabuuti iyo Dekadda Dooraale.

Date:

Jabuuti, June 08, 2018— Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan joogay Jabuuti ayaa booqday xarunta isgaarsiinta dalkaas iyo Dekadda Dooraale.

Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti, Mudane Cabdi Youssouf Sougueh iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga Ra’iisul Wasaare Khayre geeyay xarunta Isgaarsiinta iyo Dekadda Dooraale waxa uuna Ra’iisul Wasaare Khayre ku bogaadiyay reer Jabuuti iskutashiga ballaaran ee ay sameeyeen, isaga oo ka codsaday in walaalahooda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan arrimaha Dekaddaha iyo Isgaarsiinta.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ammaanay horumarka ballaaran ee Dowladda Jabuuti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga waxa uuna boosta ka xariiqay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iideysan doonto khibradda dawladda Jabuuti

Wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre ee maalmahaan ku sugnaa Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu kusugnaa Jabuuti waxa uu la kulmay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi oo ay ka wada hadleen arima badan oo khuseeyaa labada dal iyo guud ahaan gobalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...