Home Blog Page 129

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa ka qayb gashay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha oo lagu qabtay Jaamacadda Caalamiga ah ee Luqadaha Shisheeye ee Beijing (BFSU). Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer caalami ah, oo uu ka mid yahay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Shiinaha, Mudane Wu Yan.

Safiir Hodan waxay muujisay farxaddeeda ku aaddan in jaamacadda BFSU lagu barto afka Soomaaliga, taasoo ay arday Shiinees ah si firfircoon u bartaan. Waxay sidoo kale sheegtay in jaamacadaha Soomaaliyeed ay qorsheynayaan in ay bilaabaan barnaamijyo lagu barto afka Shiinaha, si loo xoojiyo is-fahamka iyo iskaashiga labada shacab.

“Barashada luqaduhu waa jid muhiim ah oo lagu dhisayo xiriir qoto dheer iyo saaxiibtinimo waarta,” ayay tiri Safiir Hodan.

Afka Shiinaha ayaa si xawli ah ugu fidaya caalamka, iyadoo in ka badan 75 waddan ay si rasmi ah ugu dareen manhajkooda waxbarasho . Sidoo kale, waxaa jira in ka badan 500 Confucius Institutes oo ka howlgala in ka badan 100 waddan, kuwaasoo kaalin weyn ka qaata barashada luqadda iyo dhaqanka Shiinaha .

 

 

 

 

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

0

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka fashiliyey weerar khawaarijta ay ku soo qaadeen fariisimo ciidanka ku lahaayeen buuraha gobolka Bari, iyadoo la toogtay kooxdii weerarka soo qaadayo, waxaana socda howlgallo lagu sii baacsanaya firxadkii Khawaarijta Daacish.

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa shalay hawlgal ka sameeyay aaga Ceelka Togga Miiraale, iyagoo khaarajiyay khawaarijta ku dhuumalaysanaysay deegaanka Miiraale, iyagoo kasaaray Godadkii ay kuu dhuumalaysanayee.

Kooxda Daacish ayaa waxaa ku socday howlgallo culus oo nafiifin ah, waxaana laga saaray inta badan goobahii ay kuu dhuumalaysanayeen, iyagoo halkaas laguu dilay horjoogayaal ajaaniib ah iyo maleeshiyaad tiro beel ah kuwaas oo ay maydadkooda soo bandhigeen Ciidanka Daraawiishta Dowlad gobolleedka Puntland.

 

 

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

0

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo loo sameeysay caruur Soomaaliyeed kuwaas oo dhagaha loogu xiray qalab awood u siiyay inay markii ugu horeeysay noloshooda yeeshaan ama helaan dareen maqal ah.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo ka hadlay kulankii lagu daahfuray daaweynta carruurta ayaa uga mahadceliyay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo madaxdeeda kaalmada ay u fidiyeen caruurta Soomaaliyeed.

“Anigoo oo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed, waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan oo 15 carruur Soomaaliyeed ah u xirtay qalab elektaroonik ah oo u sahlaya caruurtaas inay markii u horeeysay yeeshaan dareen maqal. Qaliinkaan ayaa wax ka badali doonaa noloshooda.” Ayuu yiri Danjire Jabril

Waxa uu intaas ku daray “In la siiyo hibada maqalka caruurtaan, waa iyada oo la beddelay habka ay u nool yihiin. Waxa u furmaya albaabo horay uga xirnaa. Qalabkaan ma siinayo caruurtaan maqal kaliya, laakiin waxa uu siinayaa aqoonsiga, fursado cusub, iyo hami cusub oo ku dheehan Sharaf”.

Qoysaska Soomaaliyeed ee dhalay caruurta ayaan barnaamijkan la’aanteed, aan rajo ka qabin in carruurtoodu helaan dareen maqal. Qalabka caruurta lagu xiray jirkooda ayaa ah mid casri ah noocii ugu danbeeyay kuna fadhiya qiimo aad qaali u ah.

Safiirka ayaa yiri, “Waxa aan si gaara ugu mahadcelineynaa Dr. Aqueel bin Jam’aab Al-Ghamdi, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Qorsheynta iyo Horumarinta iyo H.E. Mudane Khalid A. AlSalman, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Kenya kuwaas oo fududeeyay taageeradan waqtigeeda ku habboonayd”

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo lagu qabtey Muqdisho.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidamada Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay xuska 65 guurada aas-aaskooda.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Antalya kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayyib Erdogan.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo ay yeelaneyso Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku soo laabtey Muqdisho, kadib booqasho taariikhi ah oo uu ku tegay magaalada Laas Caanood.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatumo, kalana hadley xoojinta nabadda iyo midnimada dalka.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laas Caanood dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo muhiim u ah horumarka degaannada SSC-Khaatumo.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Xarunta NIRA ee Laas Caanood.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo dadweynaha SSC-khaatumo ugu sameeyeen magaalada Laas Caanood.

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag.

11-Xukuumadda Federaalka oo war-murtiyeed ka soo saartay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee SSC-Khaatumo oo ay ku jirto aqoonsiga maamulka iyo sii deynta ilaa iyo 25 maxaabiis dagaal oo ka soo jeeda degaannada Somaliland.

12-Golaha Wasiirada oo shirkooda toddobaadlaha ah lagu soo bandhigay warbixinta safarka Nabadda iyo Midnimada ee Laascaanood .

13-Ra”iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sannadguuradoodii 65-aad tan iyo markii la aasaasey.

14-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la qaatay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda UNOPS, Mudane Jorge Moreira da Silva.

15-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo daahfuray Shirweynaha Xaquuqul Insaanka.

16-Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankiisa toddobaadlaha ayaa isla meel dhigay ajandayaasha horutabinta u leh kulamada golaha ee soo aadan.

17-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soodimaha oo daah furay diiwaan galinta codbixiyayaasha dooorashooyinka caasimada dalka ee Muqdisho.

18-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ka qeyb-galay Daah-furka Ollolaha Qaran ee Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha.

19-Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen Odawaa Yuusuf Raage oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo qoysaskooda munaasabadda sannad guurada 65aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

20-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Jabriil Cabdirashiid oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda 65-Guurada aasaaskooda awgeed.

21-Taliska Mareykanka ee Afrika oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn ku burbiriyay laba doomood oo hub u siday Khawaarijta Al Shabaab iyo maleeshiyadii saarneyd doomaahaasi.

22-Hawlgal ay iska kaashaadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfuur Galbeed Soomaaliya oo lagu dilay In ka badan 35 Xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

23-Madaxweynaha Maamulka Koonfuur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa dhiiri-gelin ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan furimaha dagaalka ee jabka culus gaarsiiyay Khawaarijta.

24-Ilaa iyo 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab oo lagu dilay hawlgal duqeyn ah oo Ciidamada Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

25-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen oo dhiirageliyay daljireyaal nolosha ku soo qabtay Khawaarij.

26-Wafdiga ka socda Dowladda Masar oo uu hoggaaminayo Axmed Cali Towfiiq Ibraahim Lutfi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar ayaa Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya ku wareejiyay agab ciidan oo Masar ugu deeqday Soomaaliya.

27- Boqolaal shacabka magaalada Baydhabo ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, kuwaas oo ku faraxsan jabka Khawaarijta loogu geystay hawlgalkii duleedka magaaladaasi ay ka fuliyeen ciidanka.

28-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa horumarinta hoteelada Soomaaliya.

29- Culimada Gobolka Hiiraan oo gurmad gaarsiiyay Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka.

30-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska shahaadooyinka ee magaalada Laas Caanood.

31-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo shir la qaatay xubno sare oo ka socday Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo socdaal rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

32-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya.

33-Maraykanka oo cunoqabatayn saaray 15 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab.

34- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar oo kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo.

35-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Starlink guddoonsiisay rukhsadda adeegga internetka Soomaaliya.

36-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay xuska Maalinta Farshaxanka Adduunka.

37-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar.

38-Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray deegaanka Sumadaale, si loo dardargeliyo dagaalka Khawaarijta.

39-Danjiraha Soomaaliya ee Ethiopia oo Addis Ababa uga qaybgalay shir guddiga fulinta iyo wasiirada Arrimaha Dibada Midowga Afrika.

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka kariimka, kaas loo dhisay Carruurta Agoonta Booliiska oo aan horay u haysan goob ku haboon.

Munaasabada Xarig jarka Dugsiga waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Ibraahim Aadan iyo Saraakiil kala duwan oo Booliiska ka tirsan .

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Carruurta Booliiska L/xidigle Xaliimo Sacdiyo Yuusuf ayaa goobta xarig jarka ka sheegtay in iyada oo ka duulaysa fulinta Amarkii Taliyaha ee la xiriiray kor u qaadida aqoonta iyo qurxinta goobta wax lagu baro carruurta ay dhaqangelisay, waxaana ay muddo kooban oo magacaabisteeda laga joogo la timid dadaal dheeri ah.

18-kii Bishii Labaad ee Sanadkaan ayuu Taliyuhu dhigax dhigay Dhismaha Dugsigan waxaana uu amray in la dadajiyo maadama uu arkay in baahi weyn ardeyda Agoontu u qabto dhismaha iyo dib u habaynta Xaruntaan.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka qeybgalay Barnaamijka Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeybgalay barnaamijka “Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare (Mastery Initiative)” oo lagu qabtay magaalada Madrid. Barnaamijkan, oo socday muddo laba toddobaad ah, waxaa si wadajir ah u martigeliyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Spain (SAI Spain) iyo Jaamacadda Madrid (Universidad Autónoma de Madrid), iyadoo ay taageero ka geysatay Xoghaynta Arrimaha Dhaqaalaha ee Switzerland (SECO Switzerland).

Barnaamijkan wuxuu ahaa madal lagu kobcinayay hoggaaminta, lagu xoojinayay iskaashiga caalamiga ah ee hay’adaha hantidhowrista, isla markaana la isku-weydaarsaday waayo-aragnimo ku saabsan sida Hay’adaha Hantidhowrada Guud ay uga jawaabi karaan duruufaha adag ee caalamiga ah.

Soomaaliya waxay si mug leh uga dhex muuqatay doodaha muhiimka ah ee barnaamijka, gaar ahaan kuwa la xiriira doorka Hay’adaha Hantidhowrada ee maaraynta qataraha maaliyadeed, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo dhiirrigelinta hufnaanta iyo daahfurnaanta.

Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare (Mastery Initiative) ma ahayn tababar keliya ee wuxuu sidoo kale ahaa madal dhiirrigelin, is-beddel iyo is-barasho.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii Toddobaadlaha ahaa

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii Toddobaadlaha ahaa

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulankiisa todobaadlaha ah, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan sida ay lagama maarmaan u tahay dib u bilaabashada kulamada guud ee Golaha iyo muhiimadda ay leeyihiin maadaamaa shuruuc badan laga sugayo inuu Golaha ka howlgalo.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday shuruucda Golaha horutebinta u leh kulamada Golaha, waxaana ugu dambeyn kulanka lagu ajendeeyay kulamada Golaha Shacabka ee todobaadka soo socda.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Beeraha dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah, taas oo ay yeelan doonto Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha looga fadhiyo sidii ay u horumarin lahayd wax-soosaarka dalka oo kaalin wayn ka qaata dhaqaalaha, isaga oo bogaadiyey dhismaha xaruntan oo ah mid casri ah oo fududeyn doonta adeegga ay wasaaraddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in saameynta isbeddelka cimilada adduunka ay yaraysay wax soo saarkii dalaga beeraha ee dunida, sidaas awgeedna loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka gudaha.

Duqa Muqdisho “Waxaan wax ka qaban doonnaa sababaha keena dabka”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa sheegay in maamulka uu si dhab ah uga shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa sababaha keena kacista dabka, isagoo ka hadlayay dhibaatooyinka ka dhasha dababka soo noqnoqda ee magaalada.

Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu kormeerayay waaxyaha dab-damiska iyo shaqaalaha la tacaala xaaladaha degdegga ah ee Caasimadda. Wuxuu sidoo kale xusay in muhiim ay tahay in kor loo qaado wacyiga bulshada si looga hortago khataraha dabka.

Duqa Muqdisho ayaa horey u muujiyay sida uu uga go’an yahay in la xakameeyo arrimaha saameeya nolosha shacabka, isagoo horey amarro uga soo saaray arrimo la xiriira maqaayadaha, hoteelada, iyo goobaha lagu caweeyo.

Amarka cusub ee uu Duqa Muqdisho soo saari doono ayaa la filayaa inuu wax ka beddelo habka ay shirkadaha korontada u shaqeeyaan, si loo hubiyo in adeegga korontada uu noqdo mid la awoodi karo oo aan culeys dheeraad ah ku keenin shacabka.

Duqeyn Cirka ah oo lagu burburiyay Doomo Hub u Siday Khawaarijta 

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa duqeyn cirka ah ku burburiyay doomo sida hub iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Khawaarijta Al-Shabaab. Duqeyntan ayaa ka dhacday biyaha gudaha ee Soomaaliya, iyadoo lagu burburiyay dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay.

Hubka la burburiyay ayaa loogu talagalay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana la rumeysan yahay in burburintooda ay ka hortagtay isku-day weyn oo kooxdaasi damacsanayd inay hub iyo agab militari ku soo geliyaan gudaha dalka si ay uga fuliyaan falal argagixiso.

Qiimeynta hore ee AFRICOM ayaa muujinaysa in duqeyntan lagu dilay dhammaan argagixisadii saarnaa labada doon, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa xusay in ay si dhow ula shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo helo xasillooni waarta iyo horumar guud.