Home Blog Page 130

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya, Mudane Onesimus Kipchumba Murkomen. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo nabadgelyada ee labada dal.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada ammaanka, la-dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyey Dowladda Kenya taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada. Dhankiisa, Wasiir Murkomen ayaa xusay sida ay Dowladda Kenya uga go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadgelyada gobolka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, si loo helo xasillooni waarta iyo horumar guud.

Howlgalka qorshaysan oo lagu laayay Khawaarijta oo ka dhacay degaanka Deynuunaay G.Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed), gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 35 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, tiro ka badan 60 kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Taliyaha Guutada 8-aad, Xasan Cali Sanweyne, oo hoggaaminayay howlgalka, ayaa sheegay in ciidamada ay sidoo kale burburiyeen xarumo ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka, isla markaana ay sii wadaan baacsiga firxadkii ka haray.

Sidoo kale, warar kale oo la xiriira howlgalka ayaa sheegaya in horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa baadda shacabka ee gobollada Baay, Bakool, iyo Gedo, lagu dilay howlgalka. Horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Caddoow Jilib-gaab, ayaa la sheegay inuu ahaa mas’uulka ugu weyn ee baadda laga qaado dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolladaasi.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wiiqayeen awoodda Khawaarijta, gaar ahaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Ciidamada Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM oo duqeymo ka fuliyeen Aadan Yabaal 

Xalay fiidkii, waxaa degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe laga fuliyay howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), si loo ciribtiro khatarta kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah. Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada isdaba joogga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamiga ah sida Mareykanka, si loo labo jibaaro gulufka ka dhanka ah cadowga Khawaarijta ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan deegaanada laga xoreeyay.

Ciidamada Qaranka iyo howlgalka AFRICOM waxa ay wali wadaan qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga. wixii faahfaahin dheeraad ah oo kasoo kordha howlgalada oo si xowli ah ku socda, waa idiin soo gudbin doonaa mar walba.

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga soo qayb galay madasha xiritaanka Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Shirkan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyo, hay’ado caalami ah, iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku adkeeyay muhiimadda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan haweenka, carruurta, iyo dadka naafada ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha garsoorka iyo kuwa ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Shirweynahan ayaa sidoo kale fursad u ahaa in la is dhaafsado fikradaha iyo talooyinka ku saabsan sidii loo horumarin lahaa xuquuqda aadanaha ee dalka, iyadoo la tixgelinayo dhaqanka, diinta, iyo xaaladaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn bogaadiyay dhammaan ka qeybgalayaasha iyo hay’adaha taageeray shirkan, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga si loo gaaro himilooyinka la hiigsanaayo ee ku aaddan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse “Doorashadu waa xuquuq dastuuri ah oo uu qof kasto leeyahay”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si firfircoon uga qeyb qaadanaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha dalka, isagoo muujinaya sida ay muhiimka u tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku doortaan hoggaamiyeyashooda si xor ah oo dimoqraadi ah.

Mudane Xamsa ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta inay ka qeyb qaataan geeddi-socodka diiwaangelinta, taasoo qeyb ka ah qorshaha dowladdu ku doonayso inay xaqiijiso doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay xoojinta dimoqraadiyadda iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale tilmaamay in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay tahay mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee lagu gaari karo horumar siyaasadeed iyo bulsho ee dalka, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay inay taageerto hawlahaas si loo xaqiijiyo doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambeyntii ku booriyay dhammaan qeybaha bulshada inay ka qeyb qaataan hawsha diiwaangelinta, si loo xaqiijiyo in codkooda la maqlo loona tixgeliyo go’aamada siyaasadeed ee dalka.

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo Waraaqaha Aqoonsiga u gudbiyay Agaasimaha UNOV

Safiirka Soomaaliya ee dalalka Switzerland iyo Austria, Khadra Axmed Ducaale, ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbisay Ms. Ghada Waly, oo ah Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Vienna (UNOV). Kulankaasi muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xiriirka iskaashi ee xafiiska iyo dadaallada horumarineed mustaqbalka ee Soomaaliya.

Intii kulanka lagu jiray, labada dhinac waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen taageerada muuqata ee ay Qaramada Midoobey siiso hawlaha horumarinta, iyadoo Safiir Khadra ay muujisay sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga, isla markaana la sahmiyo mashaariic cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Kulankan ayaa muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo daah-furay hindise sare loogu qaadayo waxtarka xoolaha

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka Hindisaha Mustaqbalka Dhaqashada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho.

Hindisahan waa hal-abuur cusub oo muhiim u ah horumarinta nolosha bulshada xoola-dhaqatada Soomaaliyeed, ujeedkiisana yahay in la helo isbeddel waara oo wax-ku-ool ah, kaas oo kor u qaadaya tayada nololeed ee xoola-dhaqatada, isla markaana la jaanqaadaya xaaladaha isbeddelka cimilada.

Hindisaha wuxuu diiradda saaraya dhowr qodob oo asaas u ah kobaca dhaqaalaha xoolaha, oo ay ka mid yihiin, Xoojinta awoodda bulshada xoola-dhaqatada, si ay ula qabsadaan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, Helitaanka suuqyo waara oo fursado cusub u fura ganacsatada iyo xoolo-dhaqatada, Maareynta hufan ee kheyraadka dabiiciga ah, si loo ilaaliyo deegaanka iyo sii jiritaanka dhaqashada xoolaha.

Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku horumariso dhaqaalaha miyiga iyo faya-qabka bulshada reer guuraaga ah.

 

Wasiirka Dhalinyarada XFS oo iska diiwaan geliyay degmada Shangaani

0

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa iska diiwaangeliyay maanta degmada Shangaani asaga oo qaatay kaarka codbiyaha.

Diiwaan gelinta dadweynaha ka qaybgalaya Doorashada Qof iyo Codka ah ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho.

Shirweynaha Xaquuqul Insaanka oo galay maalinta labaad

0

Shirweynaha Xaquuqul Insaanka oo galay maalinta labaad, iyadoo maanta lagu falan qeyn doono Xaquuqul Insaanka si gaar ah haweenka, Carruurta iyo Naafada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka Maxamed Cumar Bashiir ayaa sheegay in shirka maanta lagu soo bandhigi doono doodo muhiim u ah ilaalinta xuquuqul insaanka dalkeenna.

“Maanta shirweynaha waxaan kusoo bandhigeynaa doodo muhiim u ah ilaalinta Xuquuqul insaanka dalkeenna”.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda wasaaradda Qoyska ee XFS ayaa waxaa shalay furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali, iyadoo lagu wado in berrito lasoo gabagabeeyo.

Muqdisho oo maanta ay ka billaabaneyso diiwaangalinta codbixiyeyaasha golaha deegaanka

0

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani waxa maanta ka billaaban doono diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha dadweyne ee la filayo in ay dhacdo June.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka hadlay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyey in maanta loo dareeri doonaa goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gaar ahaan degmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka howl-galka doorashooyinka Mudane Maxamed Aamiin Xasan Cabdullahi oo isna shalay ka hadlay munaasabadda ololaha Qaran ee diiwaan-galinta cod-bixiyeyaasha ayaa sheegay in dagmada Shangaani loo xushay in ay ka billaabato diiwaan-galinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir, isagoo reer Shangaani ugu baaqay in ay soo baxaan oo ay is diiwaan-galiyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in ay tallaabadani meesha ka saarayso sheekadii ayad dalka doorasho kama dhici karto.

Guddoomiye Yabooh “Diiwaan gelintan maanta billaabatay waxay meesha ka saaraysaa dalka doorasho kama dhici karto.”

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.