Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku baaqay in tallaabo laga qaado Israel

Date:

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan MadaxdaTurkiga ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tallaabooyin adag ka qaaddo Israa’iil ,ka dib markii ay duqayn cirka ah ka geysatay magaalada Doha ee dalka Qadar.

Ergeyga Turkiga ee Qaramada Midoobay Ahmet Yildiz oo cambaareeyay weerarka foosha xun ee Israel ku qaadday Qadar ayaa falkaasi ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka horimaanaya madax banaanida dhulkeeda iyo amniga qaranka Qadar.

Mas’uulikaasi ayaa ku nuuxnuuxsada in weerarka Israa’iil uu yahay mid argagixiso oo la doonayo in khalkhal lagu galiyo xasilloonida iyo ammaanka gobolka Bariga Dhexe,isagoo soo jeediyay in laga hortago adeegsiga aan loo meel dayin ee ka dhanka ah madax-bannaanida Qatar.”

Ergayga Turkiha ayaa dib u xaqiijinaya midnimada ururka Iskaashiga Islaamka,isagoo yiri”Waxaan u taagannahay si wadajir ah in aan taageerno xaqa iyo waajibaadka Dowladda Qatar si ay uga jawaabto xadgudub kasta ama gardarro kasta oo khatar ku ah ammaankeeda.

Dalka Turkiye ayaa xilligaan haya talada ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),waxayna madaxda dalkaasi ay soo saareen bayaan lagu dalbanaayo in Israel lagula xisaabtamo weerarada ka dhanka ah Qadat iyo Falastiin.

Israa’iil ayaa weerar cirka ah Talaadadii la beegsatay ergada wada xaajoodka kooxda Falastiin ee Xamaas ee ku sugan caasimadda Qatar ee Doha,waxaana halkaasi lagu dilay dhowr qof oo ay ku jiraan wiil uu dhalay hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Gaza, Khalil al-Hayya, saddex kaaliye iyo sarkaal ammaanka Qatar u qaabilsan Badr al-Dosari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...