Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Date:

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud wali ka aruurinaya meydadka maleeshiyaadkii Khawaarijta ee shalay halkaas lagu laayay.

Ciidanka xoogga ayaa shalay jab xooggan ku gaarsiiyey degmada Ceeldheer kooxda Khawaarijta ah oo isku dayday in ay ku soo qaado weerar arbushaad ah,kaas oo jawaab kulul ka bixiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi khawaarijta ayaa dagaalkan looga dilay in ka bdan 60 xubnood waxaana sidoo kale looga dhaawacay in ka badan 50 xubnood.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale Khawaarijta ka qabtay tiro maxaabiis ah, hub iyo saanad ciidan oo kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...