Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Date:

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta Taliska Ciidanka Haramcad, kaddib markii dib-u-dayactir ballaaran lagu sameeyay xaruntaas.

Xafladda waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, saraakiil ka socotay Safaaradda Turkiga, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi iyo Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, isagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo is-xilqaanka uu ku hirgeliyay dib-u-dhiska xarunta, isla markaana ku ammaanay doorka uu ka qaadanayo horumarinta iyo tayeynta ciidamada.

Dhanka kale, saraakiisha ka socday Safaaradda Turkiga ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere, iyagoo ku tilmaamay hoggaamiye isbeddel muuqda kusoo kordhiyay Taliska Haramcad, kana dhigay xarun casri ah oo u qalanta ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...