Home Blog Page 128

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo gorsheyaasha horumarmeed ee dalka, waxay muddo toban sano ah ku howlaneed dhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka kaas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada iyo sugidda amniga Qaranka.

Xukuumadda DFS ayaa horey u meelmarisay Siyaasadda Agoonsiga Qaranka, sidoo kale labadda Aqal ee Barlamaanka DFS ayaa iyana meelmariyey xeerka Aqoonsiga Qaranka Xeer lambar 9, Maarso 2023 iyo xeerka illaalinta Xogta Muwaadinka Xeer lambar 5, Maarso 2023, waxaana la aas-aasey Hay’adda Qaranka ee Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga (NIRA). Waxaa sidoo kale dalka loo soo iibiyey qalab casri ah oo lagu daabaco, lagu keydiyo, laguna ilaaliyo xogta muwaadinunta Soomaaliyeed. Waxaana Aqoontooda la dhisey, si rasmi ahna loo dhaariyey shaqaalaha NIRA si ay si hufan oo ammaan ah ugu gutaan waajibaadkooda Qaran.

Ujeedada Aqoonsiga Qaranku waa mid qaran oo istiraatiji ah – in muwaadin kasta yeesho tirsi gaar ah (11 lambar) oo sharci ah, taasoo fududeyneysa helitaanka adeegyada dowliga ah, la-dagaallanka khatarta kooxaha Khawaarijta iyo kor u qaadidda socdaalka gudaha dalka iyo mustaqbalka dhow fursadaha u socdaalidda dalalka Bulshadda Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka nogotey. Sidoo kale, Aqoonsiga Qaranka wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa gaarista yoolka horumarineed ee SDG 16.9, oo ah in la gaaro aqoonsi sharci ah oo loo siman yahay dhammaan dadweynaha ka hor sanadka 2030.

Tallaabada uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta Aqoonsi kale oo lagu cargaladeynayo Aqoonsiga Qaranka (Lr. 04, 09/04/2025), waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeya hannaanka dowladnimadda dalka.

Waana jahwareer iyo nidaam daro dowladeed. Ficiladda noocan ahi wax sal iyo raad ah kuma lahan aragtiyadda dowladnimo iyo masuuliyad Qaran. Kamana muugato lixjeclo iyo dan-qasho ummadeed

Aqoonsiga Qaranku waa xaq muwaadin, mana bannaana in laga hor istaago ama laga carqaladeeyo. Qof kasta oo Soomaaliyeed xaq ayuu u leeyahay in uu helo aqoonsi sharci ah, oo xogtiisu amaan tahay. Tallaabo kasta oo lagu hor istaago xaqaas, waxaa loo aqoonsanayaa is-hortaag xuquuq muwaadinimo oo sharci ah.

Wasaaraddu waxay ku boorineysaa madaxda Puntland in ay si garanimo leh uga qeybqaataan hirgelinta Aqoonsiga Qaranka, ayna bulshada deegaanka uga faa’iideeyaan nidaamka qaran ee horey loo dhisay. Waxaa habboon in dhagaalaha ku baxaya dhismaha aqoonsi kale oo cusub loo adeegsado shaqooyinka ama adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka deegaanka, halku lagu abuuri lahaa nidaam kale oo cusub oo carqalad ku ah midnimada hay’adaha dowladda. Ma jirto awood dhaqaale oo suurto gelinaysa in dalku yeesho Aqoonsiyo kala duwan, marka si masuuliyad leh loo eego baahiyaha tiradda badan ee bulshadeena haysta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxay mar kale xaqujineysaa in Aqoonsiga Qaranka yahay himilo Qaran, isla markaana u furan dhammaan shacabka Soomaaliyeed deegaan kasta oo ay joogaan. Waxaa muhim ah in aan carqalad iyo jahwareer lagu furin dadaaladda dowlad-dhiska dalka oo ah wax la wadda leeyahay.

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in awoodda argagixisada la wiiqay kadib muddo labo sano oo howlgal xiriir ah

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta sheegay in kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab la wiiqay awooddooda kadib muddo labo sano oo xiriir ah oo howlgal dowladdu ay hoggaaminaysay oo ahaa duulaan milatari, iyo istiraatiijiyado lagu xanibay dhaq-dhaqaaqdooda maaliyadeed, laguna baabi’iyay fikirkooda wax-burburinta ah.

Wasiirka oo galabta ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ayuu ku dhawaaqay in Wasaaraddiisu ku deeqayso hal gaari oo taakullo ah oo ah raashiin qalalan.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in marnaba aanay suurragal noqonayn in argagaxisadu gacanta ku dhigto dalka, isaga oo caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay ku dhiiradeen la dagaalanka khawaarijta, kuna booriyay siyaasiyiinta in ay garab-istaag u muujiyaan ciidanka qaranka ee dalka iyo dadka difaacaya, isaga oo Allah uga baryay inuu jannadiisa Fardowsa ku galladaysto shuhadada ciidamada qalabka sida iyo xoogagga macawiislayda ee ka barbar-dagaalama, caafimaad-qab iyo bogsasho degdeg ahna ugu deeqo kuwa ka dhaawacmay.

Wasiirka ayaa xusay in ciidanka XDS kuwa dhufayska ku jira iyo kuwa kale ee weerar-tagaya ee u dagaalamaya jiritaanka dalkani iyo dowladdiisa ay qiimo weyn ugu fadhiyaan, ayna yihiin kuwa xaq u dagaalamaya oo bedqabka dadka ka shaqaynaya, isaga oo ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay garab-istaag iyo taageerro u muujiyaan.

 

 

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo muddeysay dhageysiga dacwadda Eedeysanayaal loo haysto ka ganacsiga dadka iyo Tahriibinta

0

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo ka jawaabeysa Xaashida Eedda ee Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u gudbiyey laguna Eedeeyey 7 Eedeysane, kuna wada Eedeysan ka ganacsiga Dadka iyo tahriibinta, Lacag-Dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Ku xad gudubka awood xafiiseed, ayaa Maxkamadda Gobalka Banaadir waxay soo mudeysay dhageysiga dacwadda ee fadhiga 3aad maalinta Talaadada kuna beegan 22/ 4 /2025.

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA, Dr. Mary Otieno.

Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho ah, waxaana labada dhinac ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Dhalinyarada iyo Hay’adda UNFPA. Hay’adda UNFPA ayaa muddo dheer la shaqeynaysay Wasaaradda, iyada oo taageero ka siisa dhinacyada la xiriira horumarinta xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa uga mahadceliyay UNFPA doorka ay ku leedahay taageerada dhallinyarada, isagoona ku booriyay inay sii balaariyaan talaabooyinka ku aadan horumarinta dhallinyarada, waxaana uu muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada shaqeynta hay’adda iyo Wasaaradda.

Dhankeeda, Dr. Mary Otieno ayaa bogaadisay dadaalka Wasiirka cusub iyo sida uu ugu heelan yahay awoodsiinta dhallinyarada iyo Isboortiga, iyada oo ballan qaaday in UNFPA ay sii wadayso taageerada ay siiso Wasaaradda.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad guud oo ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hawlaha ciyaarahaba.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga, asigoona booqday dhaawacyada qaar ka mid ah Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaanada ee lagu daweynayo Isbitaalka Xooga.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, asigoona sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in uu gacan ka geysan doonno wax ka qabashada baahiyaha ka jira Isbitaalka, si ay adeeg hufan u helaan ciidamada waxyeelada kasoo gaara dagaalka lagula jiro cadowga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Isbitaalka Xooga dalka ka fulinaaya Nalalka ku shaqeeya cad-ceeda, taasi oo qeyb ka ah qorshaha garab istaaga iyo taageerida Ciidamada iyo Isbitaalka, waxaana ka mahadceliyay Maamulka Isbitaalka Xooga dalka Soomaaliya.

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

0

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere kasocda diiwaan-galinta Codbixiyaasha,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka Xamarweyne Shibis iyo Boondheere ayaa soo dhaweyay in shacabka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Mid ka mid ah odayaasha degmada Shibis oo isna dareenkiisa ka hadlay ayaa yiri sidaan “56 Sano kadib inaan maanta qaato Kaarka Diwaangalinta Cod bixinta waa ii farxad”

Ilaa hadda waxaa howlaha diiwaangelinta codbixiyaasha golaha deegaanka Magaalada Muqdisho waxay mareysaa 4 dagmo waxaana horay looga soo dhamaaday dagmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir.

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐂𝐚𝐫𝐮𝐮𝐫 𝐦𝐚𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐥𝐚’ 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐡𝐚𝐠𝐚𝐚𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐪𝐚𝐥𝐤𝐨𝐨𝐝

0

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kusoo Dhaweeyay 15 Carruur Soomaaliyeed oo ku dhashey maqal la’aan ku waasoo dib loogu habeeyey maqalkooda ka dib qaliimo guuleystey oo lagu sameeyey.

Soo dhawaynta Wasiirka waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed Abdijaliil, Madaxa ENT Wasaaradda iyo xubno ka socdey IRVD, arrinta ayaa aheyd tallaabo muhiim ah ay waadey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya taasoo looga gargaarayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka iyo adeegga Caafimaadka.

Carruurtan, oo da’doodu u dhaxeyso 3 ilaa 6 sano jir, ayaa qaliim Caafimaad loogu sameeyey dalka dibadiisa, taasoo imaatey ka dib dadaal dheer oo ay bixisey Wasaaradda Caafimaadka oo garabsaneysa Hey’adda King Salmaan oo kaalin mug leh ka qaadatey qabsoomidda howshan heerka Qaran ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ayaa arrintan ku tilmaamey natiijo horudhac u ah tallaabooyin kale oo fursado Caafimaad lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka Caafimaadka, Wasiirka ayaana u mahadceliyey Hey’adda King Salmaan door muhiim ah ka qaadatey howshan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xal u helidda baahiyaha bulshada gaar ahaan kuwa aadka u nugul sida Caruurta Haweenka iyo waayeelka si loo xaqiijiyo yoolka guud ee Wasaaradda kaasoo ah Caafimaad dhameystiran oo laga heli karo goobkasta iyo goorkasta dalka.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Mongolia oo Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Gudbisay

0

Safiirka aan degganeyn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Mongolia, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa maanta si rasmi ah nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbisay Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mongolia, Mudane Ts. Ankhbayar.

Soomaaliya iyo Mongolia waxay xiriir diblomaasiyadeed yeesheen 28-kii Febraayo 1971, waxaana muddo ka badan 50 sano naga dhaxeeyay xiriir saaxiibtinimo iyo iskaashi ku dhisan ixtiraam, wada-shaqeyn iyo aragti mideysan oo ku aaddan nabadda iyo horumarka caalamka.

Mongolia waa dal leh taariikh iyo dhaqan hodan ah, door muuqda na kaga jira arrimaha diblomaasiyadda caalamiga ah. Soomaaliya iyo Mongolia waxay si joogto ah uga wada shaqeeyaan arrimaha muhiimka ah ee caalamiga ah ee ay isku aragti ka yihiin iyada oo loo marayo madalaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay.

Danjire Hodan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay bilowga waajibaadkeeda cusub, ayna ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah, iyo in la ballaariyo fursadaha wada shaqeynta gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo isdhaafsiga dhaqanka.

Dowladda Mongolia ayay uga mahadcelisay soo dhoweynta diirran iyo taageerada hagar la’aanta ah ee la siiyay.

 

 

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo safar shaqo ku jooga Nayroobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa Dar-dar galinta, Kordhinta iyo Balaarinta Mashruuca Nagaad (SURP II) iyo Mashaariicda kale ee dib u dhiska ah ee uu maal galinayo Bangiga Aduunku.

Kulankan ayaaa hor dhac u ah kulamo kale oo loogaga wada xaajoon doono hawlaha ku aaddan mashruuca NAGAAD iyo Sidii loo gaarsiin lahaa degaanada kale ee aan hore looga hir galin mashruucan.

Shirka ayaa waxa uu ku soo dhamaaday si wanaagsan, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta DFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu ballan qaadey in Wasaaradda Hawlaha Guud ay ka go’an tahay dib u dhiska dalka iyo in maamul goboleedayada dalka kajira si isku mid ah ay uga faa’iidaysan doonaan deeqaha caalamku uu ugu deeqo dalkeenna.

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

0

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa waxaa maanta ka billaabatay diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cusmaan Muriidi Cali oo warbahinta la hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Xamarweyne in ay yimaadaan goobaha isdiiwaangelinta.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Soomali oo isna goobta diiwaan-galinta codbixiyaasha degmadiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu rabo kii ugu dambeeyay ee magacaabis ku yimaado dagmada Shibis una helaan shacabkiisa inay soo doortaan qofka ay rabaan.

“Waxaan rabaa in aan noqdo guddoomiyihii ugu dambeeyay ee degmada ku yimaada magacaabis.” ayuu yiri Guddoomiyaha dagmada Shibis Cali Soomaali.

Maama Sahra oo kamid aheyd dadkii la diiwaangeliyay maanta ayaa dareenkeedq ku cabirtay sidan “Immisa sano ayaan sugeynay in aan codkeenna aan ku ciil baxno, saaka waan ku faraxsanahay in aan iska diiwaangeliyay D/Xamarweyne.”

Mid ka mid ah odayaasha degmada Shibis oo isna dareenkiisa ka hadlay ayaa yiri sidaan “56 Sano kadib inaan maanta qaato Kaarka Diwaangalinta Cod bixinta waa ii farxad”

Mid ka mid ah dadkii iska diiwaan-galiyey ee dagmada Xamarwayne ayaa sidoo kale yiri” waxaan diyaar u ahay inaa codkayga ku ciil baxo, isagoo ku bogaadiyey madaxda Qaranka fursad siinta shacabka Soomaaliyeed”.

Ilaa hadda waxaa howlaha diiwaangelinta codbixiyaasha golaha deegaanka Magaalada Muqdisho waxay mareysaa 4 dagmo waxaana horay looga soo dhamaaday dagmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir.

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.