Shacab danyar ah oo ku barakacay Fatahaada Wabiga Jubba oo deeq raashiin loo qeybiyay

Date:

Doolow(SNTV);– Maamulka degmada Doolow iyo Guddiga Gurmadka Fataahadaha degmadaasi ayaa in ka badan 30- Tuulo oo ku teedsan Wabiga Jubba waxay gaarsiiyeen deeq raashiin ah oo lagu iibiyay lacag ka timid Guddiga Gurmadka Fatahaada dalka.

Deeqda raashinka ah ayaa waxaa ka faa’deystay Qoysas badan oo ka barakacay Fatahaadii uu Wabiga Jubba uu ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada degmada Doolow Maxamed Xuseen Shidde iyo qaar ka mid ah Guddiga Gurmadka Fatahaada degmadaasi oo goobta lagu qeybiyay raashiinka loogu talagalay dadka ay Fatahaada saameynta ku yeelatay ka hadlay ayaa u mahad celiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo deeqda raashiinka lacagta lagu iibiyay soo dhiibtay.

Qaar ka mid ah Shacabka danyarta ah ee ka faa’ideystay deeqda raashiinka ah ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay xilli ay u baahnaayeen,waxayna Dowladda Soomaaliya ku ammaaneen sida ay Shacabkeeda uga warqabto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...