Home Blog Page 1286

Aqalka Sare oo lacag ugu deeqay qaar kamid ah dadka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Duufaanada ku dhuftay Dalka

0

Muqdisho(SNTV) Kulankan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan amaanka,iyo arrimaha gurmadka Fatahaadaha,oo guddigaasi ay si weyn uga hadleen.

Guddiga ayaa marka ugu horeysay wuxuu baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka ka socda Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,iyagoona fariin loogu diray madaxda Puntland iyo Soomaaliland.

Dhinaca kale intii kulankaasi uu socday ayaa guddiga gurmadka fatahaadaha ee Aqalka Sare ayaa lacago ugu deeqay dadka ku dhibaateysan qeybo kamid ah gobolada dalka sida deegaanada Jubbaland,Puntland iyo Somaaliland,iyagoo ku sheegay in Aqalka Sare uu dhibaatooyinka la qeybsanayo shacabka.

Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhag Dheer ) ayaa sheegay in mar kale Senatorada ay lacago u uruuriyeen dadka Soomaaliyeed oo qaar ka mid Gobolada Dalka ku dhibaataysan.

“Waxaan rabnaa in maanta markale aan idin sheeegno in aan iska uruurinay lacag ka badan 50,000 kun oo dollar,lacagtaasi oo sidoo kale ay iska soo uruuriyeen Xubnaha Aqalka Sare tabarta ayaa intaasi la eg balse kama harayno in aan u gurmano dadka dhibaatadu haysato,waxaa dhacday Musiibo Qaran,waa in lagu buraarugaa meelaha qaar waxaa ka dhacay Duufaanno, markale waxaan ugu baaqeynaa shacabka in ay u gurmadaan walaalohooda,waxaan rabnaa in aan idin sheegno sida aan ugu talagalnay lacagtaasi,inkastoo aysan waxba u tarin”.Ayuu yiri Senator(Dhag-Dheere).

“lacagta oo 50,000 kun ah 20,kun oo kamid ah waxaan ugu talagalanay dhibaatadii ka dhacday Soomaaliland gaar ahaan Owdal,waxaan rabnaa in aan hortiina ugu wareejino Senataradii aan u wakiilanay,waxaan sidoo kale aan rabnaa in aan Jubbaland ku wareejino 20,kun oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha Webiga Jubba,sidoo kale waxaa lacag kale oo dhan 10,kun ugu deeqnay qaar kamid ah dadka kunool goobaha ay dhibaatadu ka jirto ee Puntland”. Ayuu yiri Senator(Dhag-Dheere).

Taariikhda guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare

0

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qareen iyo cilmi baare sharci. Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha Garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxa ay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Waxa uu sidoo kale la taliye kasoo noqday Maxkamadda Sare ee Dalka sanadkii 2016kii.
Sidoo kale, Waxa uu muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland.

 

 

Xil ka qaadis iyo magacaabis Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

0

 

Muqdisho: May 27, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha oo tixgalinaya cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, ayaa go’aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo.

“Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu kasoo dhalaalo hawlaha loo igmaday.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay’adaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ayaa leh aqoon durugsan oo dhanka sharciga ah, waxa uuna hore usoo noqday qareen, cilmi-baare sharci iyo la taliye sharci.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan shaqadii uu usoo qabtay qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Yaa ku badiyay tartan aqooneedkii dhex-maray degmooyinka Marka VS Hilwaa?

Muqdisho (SNTV)-Degmooyinka Marka iyo Hilwaa oo ka kala tirsan Shabeelaha Hoose iyo Benaadir  ayaa  caawa wacadaro muujiyay kadib tartan aqooneedkii  dhex maray.

Degmada Marka oo xarun u ah gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la weydiiyay 7-su’aalod, dhammaan su’aalihii loogu tala galay midna kama aysan jawaabin balse waxa ay si ka faa’ideysi a u heleen mid kamid ah su’aalaha soo dhinac maray Hilwaa, waxa ayna sidaas ku heleen 2-dhibcood.

Degmada Hilwaa ayaa su’aalihii 7-ahaa oo ay xaqqa u lahaayeen laba kamid ah ka jawaabay, sidoo kale waxa ay saxeen mid kamid ah su’aal fursad ah oo ay lumiyeen Marka, waxa ayna sidaas ku xaqiijiyeen 6-dhibcood.

Inkastoo ay cabasho  la yimaadeen degmada Marka, hadane waxa ay  ugu dambeen si cad u sheegeen in ay ka qanceen guddiga, waxaa caawa wareegga 1-aad ee tartanka ku haray Marka halka Hilwaa ay xaqiijisay wareegga 2-aaad.

Habeen dambe tartan aqooneedka bisha Ramadan oo ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaan uu taaba gelinayo Maamulka Gobalaka Benaadir, waxaa ku wada ballansan degmooyinka Jowhar iyo Howl-wadaag oo ka kala tirsan Shabeelaha Dhexe iyo Benaadir.

Dufaanta Mekuku oo laga cabsi qabo inay gaadho Waddamo hor leh

Riyadh-(SNTV)-Hay’adda saadaasha hawada ee Dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtey in laga cabsi qabo inay Duufaanta Mekuku kusii fiddo Koonfurta Galbeed ee Dalka Sacuuiga.

Sidoo kale waxay Jimcihii Shalay ee ay Bisha May ahayd 25 isla duufaanta Mekuku ku dhufatay Caasimadda Labaad ee Dalka Cumaan ee Salalah.

Duufaantan oo wadatay Roobab Lixaad leh ayaa halkaasi ku dishay Hal Qof , iyadoo ay mowjaduhu garaacayeen Xeebaha Dalkaasi siday ay sheegtay Wakaaladda wararka Cumaan.

Waxaa heegan la geliyay dhammaan laamaha gargaarka deg-degga ah iyo ciidamada  Dalka Cumaan si ay uga qayb qaataan daad guraynta Dadka ku dhaqan goobaha ay ku dhufatay Duufaantu.

Laba Maalin oo dheeraad ah ayaa lagu daray muddadii ay hay’adda duullimaadyada ee Dalka Cumaan u qabatay inuu xirnaado Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Salaala baqdin laga qabo inay sii xoogeysato Duufaanta iyo Roobabka is wata.

Masuuliyiinta wadanka Yemen ayaa iyana sheegay in 17 Qof la la’yahay ka dib markii ay Jasiiradda Soqodara ku dhufatay Duufaanta Mekuku, halkaas oo ay Dowladdu u aqoonsatay aag mussiibo.

Dhawaan ayay ahayd markii ay qaybo ka mid Dalka Soomaaliya ku dhufatay Duufaanta Sagar, taasoo Dad ka badan 50 Qof ku dishay degaannada Soomaaliland iyo Puntland, kumanaan kalana ay ku Guryo beeleen.

W/ Tarjumay ;  Idiris Axmed

Wasiirrdaii dhawaan la Magacaabay oo Maanta la dhaariyay

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir guddoomiyay kulan lagu dhaarinayay Wasiirradii iyo Wasiir kuxigeenadii uu dhawaan Magacabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Munaasabaddan ayaa Maanta ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa, waxaana goobjoog ka ahaa gudoomiyaha ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muuddeey, Guddoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawed iyo kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guueed Khadar.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa dhaariay wasiirada cusub si ay u bilaabaan la wareegidda xafiisyadooda si dhaqsa ahana u guda galaan shaqooyinka laga sugaayo in ay qabtaan.

Xubnaha Maanta la dhaariyay oo isugu jira Wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal ayaa masuuliyiinta hortooda lagu dhaariyay, marka laga reebo Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle oo safar dibedda ugu maqan.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay wasiirada cusub in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan si ay ugu guuleestaan howlaga qaran ee Hor-yaalla.

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman ayaa kula dardaarmay Wasiirada in ay u dhega nuglaadaan la xisaabtanka guddiyadda Baarlamanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirrada.

24-kii Bishan ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane; Xasan Cali Kheyre soo Magacaabay 13 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal, kuwaas oo buuxiyay boosas u bannaanaaday siyaaso kala duwan.

Ciidamada Xasilinta oo ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hub sharci daro ah iyo dadkii watay

0

Muqdisho(SNTV) Iyadoo ay sii kordhayaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda ayaa Howlgal ballaaran oo ay Ciidamada Ammaanka ka sameeyeen xaafadda Xamar Bile ee degmaad Warta Nabadda ku soo qabtay hub sharci daro ah iyo ragii watay.

Hubkaasi iyo dadkii watay Waxaa lagu soo bandhigay Saldhigga Degamda Warta-Nabadda iyadoo uu halkaasi ay ku sugnaayeen Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo guddoomiyaha Degmada Wartanabadda iyo saraakiil ciidan.

Seynab Xaabseey Guddoomiyaha degmada Wartanabadda ayaa faah faahin ka bixisay qaabka howlgalkaasi uu uga dhacay degmadeeda.

“Halkan waa degmada Warta nabadda,howlgal ay ka sameeyeen halkani ciidamada Xasilinta waxaa ay ku soo qabteen abaaro maqribkii labo nin oo hubaysanaa,xaafadda Xamar Bile,mid hubkiisa ayuu tuuray wuuna cararaya ciidanka ayaa ku daba jooga,midka kalena waa la qabtay iyo hubkii,waxaan u mahadcelinayaa ciidamada howlgalka fulinaya”. Ayaay tiri guddoomiye Seynab.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa ammaanay wadashaqeynta shacabka,maamulka iyo laamaha ammaanka.

“Runtiina amniga wuxuu kujira wada shaqeyn haddii aan lala shaqeynin ciidamada keligooda waxba maqaban karaan,marka waan ku ammaanayaa guddoomiyaha degmada taliyaha iyo ciidamada wadashqeyntooda,iyo sidoo kale shacabka degmada degan,intaasi kadib waxaa guud ahaan degmooyinka Muqdisho ka socda howlgalo wax looga qabanayo dadka dhibaatooyinka amni darada ah geysanaya”. Ayuu yiri Tuulax.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidanka Xasilinta,si looga hortago falalka amni dari ee lagu dhibaateynayo bulshada.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa

0

Addis Ababa(SNTV):,May 25, 2018— Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa gaaray magaalada Addiss Ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo casuumad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo masuulyiinta la socota ayaa kulamo la leh Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madax ka tirsan midowga Afrika oo ay kawada hadlayaan arinma Muhiim u ah Gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika

Kaaraan oo waji kale u yeeshay tartan aqooneedka bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)- Caawa waxaa wada ballansanaa degmooyinka Kaaraan & Gaalkacyo oo ka kala tirsan Benaadir iyo Mudug.

Qorya tuur kadib degmada Kaaraan ee gobalka Benaadir  ayaa nasiib u yeelatay in lagu bilaabo weydiimaha tartan aqooneedka bisha Ramadan, dhammaan su’aalihii la wedydiiyay midna kama aysan jawaabin, si lamid ah fursadaha 5-ta ah ee ka yimid  dhiggooda Gaalkacyo midna  ma aysan haleelin, waxa ayna sidaas ku heleen 0.

Dhanka kale Gaalkacya ayaa garatay laba kamid ah 7-su’aalood, labo kamid a ayay ka jawaabeen, waxa ayna ka faa’ideysi ahaan u heshay mid kamid ah fursadaha ay lumiyeen Kaaraan, waxa ayna  wadarta guud ee dhibcaha  noqotay  6-dhibcood.

Tartamayaasha Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa iska xaadiriyay wareegga 2-aad halka kaaraan ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 1-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan.

Habeen dambe oo ah habeenka 10-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan waxa wada ballansan degmooyinka Marka iyo Hilwaa oo ka kala tirsan Shabeelaha Hoose iyo Benaadir.

Maamulka gobalka Benaadir ayaa sanadadii dambe taaba gelinayay tartan aqooneedka  bisha Ramadan, waxaana tabinayo warbaahinta Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo “Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo”

Muqdisho, 25ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

DHAMMAAD