IGAD oo ka digtay Duufaan mar kale ku dhufata Soomaaliya

Date:

Nairobi-(SNTV)- Xarunta dhexe ee saadaasha Hawada Urur Goboleedka IGAD (ICPAC) ee uu fadhigeedu yahay Nairobi ayaa ka digtay Dabaylo iyo Duufaanno xooggan oo kusoo wajahan Xeebaha bari ee Soomaaliya.

Duufaantan oo lagu Magacaabo Mekuku, ayaa la sheegayaa inay inay ku fool leedahay jihada waqooyi iyo dhulka sare ee Dalka Yemen oo lagu wado inay gaarto 26-ka Bishan oo ah Berri.

Duufaantan oo ay qayb ka mid ihi la socdaan daruuro iyo Roob ayaa lagu wadaa inay ku dhuftaan Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Bariga Puntland.

Roobabka ka dhasha Duufaanta iyo Dabaylaha la saadaaliyay inay ka da’ayaan Bariga Soomaaliya 25-ka illaa 27-ka Bishan ayaa la qiyaasadayaa in wadarta Biyaha uu dhigayo ay noqon doonaan in ka yar 30 mm.

Warkan kasoo baxay xarunta saadaasha cimillada ee Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay inay  si wacan ula socdaal xaaladaha guud iyo jawiga sida uu noqdo.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Duufaanta Sagar oo wadatay Roob iyo dabaylo xooggan ay ku dhufteen qaybo ka mid ah Puntland iyo Soomaaliland, halkaasoo ay dhasheen qasaara Naf iyo maalba leh.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...