Falalka Argagixisadu ma hor istaagi doonaan dadaalka dowladda ee horumarinta dalka.

Date:

 Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaaraynaysaa weerarkii ay shalay soo qaadday kooxda argagixisada ee al-Shabab.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in al-Shabaab ay guul darro xoog leh kala kulantay weerarkii argagixisnimada si la mid ah kii ay ku qaadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirka, ayaa sheegay in weerarada al-Shabab ee Nafla-caariga ah, aysan sii jiri doonin, maadaama ay waddo khaldan, oo ka fog bini’aadaminimada iyo diinta Islaamka ay ku socdaan.

“Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka, oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax. Ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan arxan-laawayaasha dhiigga shacabka caadaystay ee al-Shabaab in ay gaaraan goobta ay qaraxa la damacsanaayeen. Kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab ee la marin-habaabiyay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso daaweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay.

Wasiirka, ayaa sheegay in aan loo hakan doonin weerarada Islaamnimada ka baxsan ee kooxdan caadeysatay in ay ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkoodu yahay in nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirta ay qalqal-galiyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay horey ugu tallaabsatay guulo ay ka soo hoysay kooxda argagixisad,a oo laga saaray goobo badan oo ay xoog ku lahaayeen, Isla markaana loo wiiqday awoodda kooxdan, taasoo keentay in weerarada noocan ah ee maatida lagu beegsado iyo kuwa gaadmada ah ay doorbidaan. “waqti yar ayaa u dhiman kooxdan” ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...