Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo siweyn loogu soo dhaweeyey Brussels

Date:

 Muqdisho(SNTV Wafdigan uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgiumka,waxaana halkasi ku soo dhaweeyey danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliy aiyo wafdigiisa ayaa ka qeybg qaadan doona guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo.

Wuxuu shirkaasi caalamiga ah uu daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka  iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka warbixiyay safarka wafdiga Madaxweynaha ayaa yiri “Qeybta labaad ee shirkan waxaan kaga hadli doonnaa, wixii ka qabsoomay qorshaha amniga qaranka ee lagaga hadlay shirarkii hore iyo guulaha laga gaaray, bixitaanka ciidamada Amisom ee waqtiyeysan, horumarka laga gaarey dhaqaalaha, haddii ay noqoto deyn-cafiska oo aan hormar ka gaarnay, dakhli-ururintii iyo miisaaniyaddii oo wax badan laga qabtay.”

“Qeybta saddexaad waxa lagaga hadli doonaa siyaasadda loo dhan yahay ee ku aaddan heshiiskii kheyraadka dabiiciga ah iyo sida loo qeybsanayo, nidaamka doorashooyinka, dib-u-habeyn lagu sameeyay dastuurkii oo haddana socda, iyadoona shantii cutub ee u horreeyay Golaha Wasiirrada lagu soo bandhigay Khamiistii la soo dhaafay, xeerkii doorashooyinka iyo nidaamkii doorashooyinka oo la isla qaatay, sidoo kale waxaa hormar laga gaaray shuruucdii doorashooyinka 2020, xoojinta dadaallada wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha. Qodobbadaas ayaa ugu muhiimsan ajandeyaasha lagu soo bandhigi doono shirka Brussels.”

Inta uu socdo shirkan Brussels waxaa sidoo kale jiri doona saddex shir-doceed oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...