Shir looga hadlayey wada shaqeynta Wasaaradaha Beeraha Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV) Shirkaan oo looga la hadlayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Wasaaradda Beeraha ee dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda,  Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Beeraha ee Dowlad Goboleedyada iyo quburo ku xeel dheer dhanka Beeraha.

Shirkan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sameyn lahaa qorshe howleed ku aadan dhanka Beeraha si ay wada shaqeyn buuxdo u dhexmarto Wasaaradda Beeraha ee xukuumadda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Dr Xuseen Xaaji Macow oo ah qabiir dhanka beeraha ah isla markaana ah Madaxa Mashruucan ee Midowga Yurub oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa  faah faahin ka bixiyay mashruucan iyo qeybaha uu ka koobnaan doono.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Dr Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in u jeedada mashruucan loo sameeyay ay tahay sidii loo heli lahaa qorshe mideysan oo looga hortago hay’adaha arimaha beeraha ka shaqeeya.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Saciid Xuseen Ciid oo furay shirka ayaa sharaxay ahmiyadda uu shirkan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay inay wada shaqeyn dhaw la yeelato Wasaaradaha Beeraha ee dowlad Goboleedyada.

Shirkan oo daba socda kulan 28-kii bisha April ay isugu yimaadeen Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Beeraha ee Xukuumadda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay ka soo baxaan go’aano wax ku ool ah oo lagu horumarinayo wax soo saarka dhanka beeraha ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...