|
Muqdisho, 13ka Luulyo, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray. Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.” “Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah. Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb. |
MADAXWEYNAHA OO BOGAADIYAY IS-FAHAMKA LAGA GAARAY WADA-HADALLADII DHINACYADA GALMUDUG
MADAXWEYNAHA OO BOGAADIYAY IS-FAHAMKA LAGA GAARAY WADA-HADALLADII DHINACYADA GALMUDUG
Muqdisho, 13ka Luulyo, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.
Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.”
“Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.
Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb.
DHAMMAAD
Laanqayrta Cas oo ka deyrineysa xaaladda degaanno ka mid ah Koofurta Itoobiya
Geneva-(SNTV)- Hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta cas (ICRC) ayaa sheegtay in shaqaaqooyinka ka dhex taagan Shucuubta Ku dhaqan Koofurta Itoobiya ay sare usii qaadeyso dhibaatooyinka Bani’aadamnimo ee halkaasi ka jira.
Laanqayrta cas ayaa walaac ka muujisay iney xaalad adag soo food saarto in ka badan 800,000 oo Qof oo si qasab ah looga barakiciyay degaannadoodii, kuwaas oo aan haysan Hooy, Cunto, Biyo nadiif ah iyo waxyaabo kale oo aasaasi u ah nolosha Aadanaha.
Xubno ka socda Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Isku tallaabta Cas ee Itoobiya ayaa dhowaan si wada jir ah u booqday Degmada Kochere oo ka mid ah goobaha ugu badan ee ay Dadka ku bara kaceen.
Shirin Hanafieh, oo ah Sarkaal ka tirsan hay’adda ICRC ayaa sheegay inaan loo baahnayn inay Beesha caalamku iska Indha tirto ama fududeysato dhibaatada Bini’aaddannimo ee halkaasi ka taagan.
Qayla dhaantan kasoo baxday hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa kusoo beegmaysa xilli ay shaqaaqooyin kuwaa la mid ihi ka taagan yihiin degaanka Mooyaale ee Gobolka Liibaan Itoobiya, halkaasoo ay ku dagaallamayaan Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in aan la aqbali doonin Qof aan shaqa tegin oo Mushaar qaata
Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo daah furay nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la aqbali doonin shaqaale iska qaata mushaar oo aan soo shaqo tagin, lana bilaabayo isla xisaabtan joogto ah oo lagu hubinayo qaab shaqeedka waaxaha maamulka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in daraasad socotay muddo (5) shan bilood ah lagu ogaaday shaqaale iska qaata mushaar oo shaqada imaan fasax la’aan, nidaamkan casriga ahna uu meesha ka saari doonno isla xisaabtan la’aanta iyo waajibaadka laga gaabiyey, taasoo qeyb weyn ka qaadanaysa hannaan daah furan ee lagu ogaanayo dadka soo shaqo taga iyo kuwa iska qaata mushaarka.
“Hadda kadib ma jiri doono shaqaale iska qaata mushaar oo shaqada imaan ama aan wax soo saar lahayn, nidaamkanna waxuu naga caawin doonnaa inaan ogaanno shaqaalaha saxda ah ee guta waajibaadkooda iyo kuwa mushaarka iska qaata, wax la aqbali karo maahan in miisaaniyadda Gobolka Banaadir %70 ay mushaar ku baxdo hadana dadka shaqeeya ee saxda ah ay yar-yihiin, cid walba oo shantaa bilood mushaar qaadatay soona xaadirin shaqada sharciga ayaan la tiigsanaynaa lacagtana waa laga soo celin doonnaa.”Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.
Duqa Muqdisho oo sii hadlayey ayaa kula dar-daarmay agaasimeyaasha waaxaha in shaqaalahooda ay la xisaabtamaan, si loo helo shaqaale huffan loona hubiyo tayadooda shaqo, isagoo yiri “Qof walba waa inuu ka soo baxaa masuuliyaddiisa oo dhab ah una fakaraa horumarka caasimadda sidii uu kaalintiisa uga qaadan lahaa. Haddii aan ku guuleysanay in aan bixinno mushaarka shaqaalaha muddadii aan xafiiska joognay, waa in qof walba ogaadaa in xisaab ay daba socoto, loogana baahan yahay shaqo dheeraad ah”.
Hirgelinta Systemka cusub ee dib-u-diiwaangelinta Shaqaalaha Gobolka Banaadir oo ah hab casri ah, waxuu kaalin mug leh ka qaadanayaa tayada shaqaalaha iyo hubintooda, iyadoo hannaankani uu meesha ka saarayo cid walba oo waajibaadkeeda gudan weysay.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Agaasimeyaasha Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah howlwadeenada Dawladda Hoose.

Shir looga hadlayay sare u qaadidda ganacsiga Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho
Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Shalay oo Khamiis ahayd lagu soo gabagabeeyay Magaaladan Muqdisho Shir looga tashanayay sidii ganacsiga soomaaliya kor loogu qaadi lahaa oo ay soo qaban qaabisay wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha.
Ganacsatadii shirka ka qayb gashay oo isugu jirtay Kalluumaysato, Beeraley iyo kuwo leh Warshado yar yar oo ka kala socday Banaadir iyo Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa intii uu kulanku socday waxay kaga munaaqishoodeen sida ugu habboon ee ay isula jaan-qaadi karayaan iskaashiyo ganacsi oo ay u dhan yihiin.
Shirkan oo ay qayb ka ahaayeen ganacsato iyo maalgashadayaal shisheeye ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay habka ugu wanaagsan ee laysugu xiri karo Ganacsatada shisheeye iyo kuwa Dalka, si loo helo dhaqaale baaxad leh iyo shaqa abuur fiican.
Andariyano muntani, oo ku hadlaayey Magaca ganacstada Dalka talyaaniga ka socota ee shirkan ka qeyb gashay ayaa sheegey inay u yimaadeen caawinta ganacsatada yar yare ee u baahan in gacansiin iyo maalgashi la siiyo, wuxuuna ka mahad celiyey sida loo soo dhaweeyey.
Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Maxamed Diiriye Khalliif oo soo xirey shirka ayaa sheegey iney Dowlada Soomaalia waddo qorshe lagu tayeynayo horumarinta ganacsiga.
Wuxuuna Mr; Khalliif uga mahadceliyey Dowlada Talyaaniga ganacstada ka socota inay meesha ka saareen cabsidii Soomaalia laga qabay, isagoo maalgashadayaasha caalamkana ka codsaday inay ku daydaan Ganacsatada Dalka Talyaaniga ka socota.
Qaar ka mid ah ganacsatada maamul goboleedyada Dalka oo iyana goobta ka hadlay ayaa tilmaamay caqabadaha ku hor-gudban Dalagyada Beerahooda iney tahay fatahaado soo laalaabtay , waxany soo jeediyeen in la raadiyo xal dhibaatooyinkaasi loo bixi karo.
Mursal oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.
Muqdisho, 12-07-2018: Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ugu horeyn ugu mahad celiyay madaxda Hirshabelle sida wafdiga uu hogaaminayo ay Magaalada Jowhar ugu soo dhaweeyeen.
“ Mudanayaal iyo marwooyin sharaf weyn ayay ii tahay inan maanta furo Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle, sidoo kale waxa rabaa inan aad idiin kaga mahad celiyo soo dhaweynta aad noo sameyseen aniga iyo wafdiga an hogaaminayo” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.
Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada Hirshabelle kula dardaarmay iney si wanaagsan u gutaan masuuliyadda saran, kana shaqeeyaan hormarinta shacabka ay matalaan.
“ runtii waxa idiin saaran masuuliyad weyn, waxa idiin kula dardaarmayaa inad dadaal badan sameysaan, sidoo kalena aad Kalfadhiggan shaqooyin badan qabataan” ayuu mar kale yiri guddoomiye Maxamed Mursal.
Waxa uu tilmaamay in guddoonka golaha shacabka uu diyaar u yahay inuu si dhaw ula shaqeeyo Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.
Munaasabada furitaanka waxa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali C/llaahi Xuseen (Cali guudlaawe).
Sidoo kale munaasabada waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Sheekh Cismaan Barre Maxamed, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo marti sharaf kale.
—–DHAMMAAD—–

Wasiir Ashkir “Waxba iskama badalin lacagta lagu xajinayo, Duulimaadyada Xajkana waa billaabanayaan”
Muqdisho (SNTV)-Ku simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka, isagoo ku sugan wadanka Sacuudiga ayaa wuxuu ka warbixiyay kulamo uu halkaasi kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Xajka ee dalka Sacuudiga.
Wasiirka ayaa sheegay inuu kala hadleen Arrimaha ay ka midyihiin safarka Xujayda Soomaalida ay ku tagayaan dhulka Barakaysan iyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo la mid ah kuwa ay helaan xujayda wadamada kale ka imaanaya.
Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir ayaa sidoo kale sheegay iyadoo ay iskaashanayaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Shirkadaha Diyaaradaha in maalinta Axada ah ee soo socota ay gudbin doonaan jadwalka Duulimaadyada Xujayda, ka dibna ay bilaaban doonaan duulimaadyada dadka Soomaaliyeed ay ku tagayaan Wadanka Sacuudiga si ay u soo gudtaan Acmaasha Xajka.
Dhanka kale Wasiir Ashkir ayaa sheegay inaysan waxba iska badalin dadaaladii ay waday dowladda ee la xariiray in la yareeyo lacagaha badan ee dadka Soomaaliyeed ay ku tagi jireen Xajka, wuxuuna xusay wasiirka in haatan Qofkii xajinaya laga qaadayo lacag dhan 3300, oo dollar (Saddex kun iyo Saddex Boqol oo dollar) Halka markii hore laga qaadi jiray Qofkii 3850, Dollar (Saddex kun Sideed Boqol iyo konton Dollar).
Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida oo Kormeeray Xerada Hiilweyne
Muqdisho (SNTV), Kormeerka guddiga qiimeynta xeryaha Ciidanka xoogga dalka oo uu madax u yahay wasiirka Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, ayna Xubno ka yihiin Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta, Booliska, Xoogga dalka iyo Taliye ku xiggeenka Hay’adda NISA, ayaa maanta kormeer waxay ku tageen Dugsiga Hiilweyne ee duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe, kaasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu horumarinayo tayada Ciidanka xoogga dalka.
Mas’uuliyiinta, ayaa la kulmay saraakiisha, iyaggoo ka xog wareystay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka ka howlgala deegaanada Balcad hoos yimaada, waxayna ku soo wareegeen qeybaha ay ka kooban tahay xeryaha Hiilweyne.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sareeyo gaas C/weli Jaamac Gorod, oo la hadlayay ciidanka, ayaa u sheegay in ciidanka xoogga dalka dib u habeyn lagu sameyn doono.
Wasiika Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, ayaa sheegay in baahida jirta wax laga qaban doono, isla markaana ciidanka looga baahan yahay in ay waajibkooda gutaan.














Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Kormeerka Iyo Qiimaynta.
Muqdisho, July 12, 2018– Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, hiigsiga dhaqaalaha 2040-ka, Sharciga hanti-dhawrka, siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta iyo Soo noolaynta barnaamijka waciyi-gelinta qaranka.
Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamuud Maxamed Boonow ayaa golohu ka dhagaystay warbixin la xariirta amniga dalka, meesha uu marayo baaritaanka weerarkii xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshisiinta iyo wasaaradda amniga, horumarrada la sameeyay, hawl-gallada ciidamada xoogga dalku ay ku xaqiijinayaan amniga iyo qorshaha lagu sii laba jibbaarayo dadaallada sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada uga war bixiyay qorshaha soo nooleynta barnaamijka wacyi-gelinta qaranka, wuxuuna faah-faahiyay habka ugu haboon oo barnaamijkaas uu ku guulaysan karo, si Shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideestaan.
Tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa golaha u soo bandhigtay qorshaha dhaqaalaha dalka ee 20-ka sano ee soo socda iyo heerka la doonayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu gaaro sannadka 2040-ka, sidoo kale tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada la dhameestiray iyo hal-beegyada la doonayo in lagu guuleesto kahor 2020-ka si loo fuliyo ballan-qaadyadii xukuummadda federaalka Soomaaliya.
Tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa dhankeeda golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada hor-tebinta leh ee ay ka midyihiin horumarinta waxbarashada, hir-gelinta cisbitaallo dawladdu maamusho oo bulshada loogu adeego iyo hirgelinta hey’ad ka jawaabta xaaladaha deg-degga ah.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Aadan Isaaq Cali oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in golaha wasiirradu xukuummadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen siyaasadda qaran ee Siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta oo lagula xisaabtamayo hey’adaha ka hawl gala Soomaaliya, laguna ogaanayo hawlaha ay qabtaan oo wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ay horay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada.

Gobolka Banaadir oo daahfuray Wadatashiga Siyaasadda Barakacayaasha
Muqdisho, 12 July 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daahfuray wadatashiga Siyaasada Barakacayaasha oo usbuuc socotay taas oo qeybaha bulshada iyo hay’adaha amniga, garsoorka iyo wasaarada Arrimaha Gudaha lala yeelanayey.
Guddoomiye Yarisow oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayay sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha si ay u helaan xuquuqda uu muwaadin kasta oo Soomaaliyeed leeyahay, iyadoo aragtida fog ee maamulka G/Banaadir ay tahay in muddo 4 sano ah gudahooda xal waara loogu helo oo barakacayaasha ay helaan deegaan haqab tiri kara baahiyahooda.
“Aragtida fog ee Gobolka Banaadir waa in xal waara loo helo arrimaha barakacayaasha, gaar ahaan mudada aan qorshaynay ee afarta sano ah waxuu qorshuhu yahay in guud ahaan Caasimadda aysan yeelan xero barakacayaal oo dadkan loo helo xal munaasab ah oo uga mid noqonayaan bulshadooda.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho Mudane Eng. Yarisow.
Muddadii uu sharkan wadatashiga ah socday ayaa waxaa ka qaybgalayaashu ay xoogga saareen kuna tala bixiyeen in siyaasadda barkacayaasha ay ahmiyadda saarto xalka munaasabka ah, iyadoo ay dooda ka qeyb galeen Guddoomiyaasha 17 ka degmo, qeybaha bulshada sida haweenka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, Taliyeyaasha Booliiska iyo wakiilo ka socday maxkamadda Gobolka Banaadir iyo khubaro ka socday shirkadda Tana Copenhagen ee laga leeyahay Denmark.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in siyaasadda barakacayaasha ay tahay mid xaqiijnaysa sidii loo heli lahaa xal mudeysan oo waara kaasoo laga gaaro barakaca Muqdisho, tani oo noqon doonto siyaasad hagta hanaankii lagu gaari lahaa xal kama danbeys ah.
Qodobada diiradda la saaray;
a. In Maamulka Gobolka Banaadir uu yeesho doorka hogaamineed, qorshayn, fulin, Qiimayn iyo xiriirin deeqaha loo qoondeeyo barkacayaasha Muqdisho si loo gaaro hadafkii laga lahaa iyo natiijo la taaban karo
b. In laga shaqeeyo tirakoob rasmi ah iyo diiwaangalin lagu sameeyo barkacayaasha Muqdisho sidoo kalana la ogaado goobaha aan rasmiga ahayn oo ay daganyihiin barakacayaasha
c. In maamulka uu xoogga saaro in barkacaasha doonayo in ay goboladii ay ka yimaadeen dib ugu laabtaan loo sahlo isagoo kaashanayo Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay khuseeyso loona abuuro shaqo iyo sidoo kale loo helo maalgalin beeraha iyo xoolaha oo ay ku helaan goboladii ay ka yimaadeen
d. Waxaa si xoogga diiradda loo saaray in Siyaasadda Barakaca ay qorshayso sidii loo heli lahaa dhul dib u dajin loogu sameeyo barakacayaasha si kumeel gaar ah ama rasmi ah ugu danbeyn taasoo ah mid ka mid ah xalalka ugu muhiimsan
e. Waxaa sidoo kale la bogaadiyay ahmiyadda ay leedahay in la abuuro Madal oo ay ku wada jiraan Mamaulka Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada ay ka yimaadaan Barakacaasha si looga wada tashado xal u helista barkacaha ku nool Muqdisho
f. Ugu danabyn waxaa ay ka qaybgalayaasha ku taliyeen in Maxkamadaha garsoorka ay qayb ka ahaadaan daneeyayaasha ku hoowlanaan doono xal u helista arrimaha barkaca Muqdisho dhinacyada cadaalad iyo garsoorka.

