Home Blog Page 1247

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Shir-gudoomiyay kulan Looga Hadlay Horumarinta Hawlaha Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV), Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir-gudoomiyay kulankii ugu danbeeyay ee looga hadlayay qorshaha horumarinta shaqada dekadda Muqdisho, waxaana dhinacyadii loo xil-saaray ay soo dhameeyeen qorshihii ay ku shaqeyn laheyd dekadda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka oo ka dhacay dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka dekadaha, wasiirka maaliyadda, wasiirka dekadaha, taliyaasha Booliiska iyo asluubta, gudoomiye ku-xigeenka maaliyadda gobalka Banaadir iyo maamulka dekadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in qiimayntii iyo talooyinkii qorshaha uu soo dhamaaday sidaa darteed dakaddu ay shaqeyn doonto habeen iyo maalin.

Shirka maanta laga yeeshay horumarinta shaqada dekadda Muqdisho ayaa daba socday laba shir oo kale oo horay ay u yeesheen guddiga loo xil-saaray kadib go’aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Taliyaha Guud ee AMISOM

Muqdisho Tallaado August 7 (SNTV):Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee  AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

Waxana kulanka ku wehelinayey  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, Iyadoo  ay ka wada hadleen ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Amniga Hirshabelle iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah islamarkaana loo furi lahaa Wadooyinka Kala xiran dadkana looga dulqaadi lahaa Cadowga gumaadka ku haya.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire ayaa Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan  guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka, iyo qorshaha ay ku doonayaan in Hirshabelle ay uga fuliyaan howlgalada looga xoreynayo kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta umadda Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa sidoo kale  diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in Amniga guud ee Dalka ay la wareegaan Ciidamada Qaranka loona diyaariyo qorsha sahlaya in laga gudbo xiliga kala guurka, waxaana Madaxweyne Waare uu carabka ku adkeeyay in si adag loo wajaho qorshaha lagula dagaalamayo Argagaxisada oo aynan Dowladda iyo Amisom noqonin kuwa difaac uun ku jira laakiin loo baahanyahay in noqdaan kuwa baacsada kooxahaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa uga mahadceliyey AMISOM  sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan  waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga Gaar ahaan waxaa dhowaan bilaabanaya Howlgalo lagu Baacsanayo kooxda Nabad Diidka ah ee Al Shabaab si loo furo wadooyinka kala xiran ee Hirshabelle” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Taliyaha Guud ee AMISOM

0

Muqdisho Tallaado August 7 (SNTV):Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee  AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

Waxana kulanka ku wehelinayey  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, Iyadoo  ay ka wada hadleen ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Amniga Hirshabelle iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah islamarkaana loo furi lahaa Wadooyinka Kala xiran dadkana looga dulqaadi lahaa Cadowga gumaadka ku haya.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire ayaa Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan  guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka, iyo qorshaha ay ku doonayaan in Hirshabelle ay uga fuliyaan howlgalada looga xoreynayo kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta umadda Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa sidoo kale  diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in Amniga guud ee Dalka ay la wareegaan Ciidamada Qaranka loona diyaariyo qorsha sahlaya in laga gudbo xiliga kala guurka, waxaana Madaxweyne Waare uu carabka ku adkeeyay in si adag loo wajaho qorshaha lagula dagaalamayo Argagaxisada oo aynan Dowladda iyo Amisom noqonin kuwa difaac uun ku jira laakiin loo baahanyahay in noqdaan kuwa baacsada kooxahaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa uga mahadceliyey AMISOM  sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan  waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga Gaar ahaan waxaa dhowaan bilaabanaya Howlgalo lagu Baacsanayo kooxda Nabad Diidka ah ee Al Shabaab si loo furo wadooyinka kala xiran ee Hirshabelle” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Horjooge sare oo ka tirsanaa Nabad diidka Alshabaab oo Dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay

0

Muqdisho Tallaado Augus 7 (SNTV):- C/rxamaan Xuseen Wardheere oo Alshabaab ay ugu yeeri jireen Bilaal, ayaa maanta warbaahinta Qaranka u sheegay in uu ka baxay kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab oo sida uu sheegay muddo 12 sano uu kamid ahaa.

Inta badan dhalinyaradda ay marin habaabiyeen horjoogeyaasha danleyda ah ee Alshabaab ayuu C/raxmaan sheegay in aysan qanaaco ku qabin, isaggoo ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowladnimada, kana faa’ideystaan cafiska Madaxweynaha JFS iyo barnaamijka dadkaaga kamid noqo ee wasaaradda amniga.

C/raxmaan Xuseen Wardheere, ayaa dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay, waxaana uu ka sheekeeyay siddii uu uga soo baxsaday kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab.

Falalkii guracnaa ee kooxda Alshabaab u geysteen shacabka Soomaaliyeed muddadii uu kamid ahaa C/rxamaan Xuseen Wardheere, ayuu xusay in uu ka qoomameynaayo, uuna ka xun yahay dhibaatadaasi, isaggoona cafis weydiistay shacabka Soomaaliyeed.

C/rxamaan Xuseen Wardheere Bilal, ayaa sheegay in farqi weyn uusan u dhexeynin Alshabaab iyo daacish, hase yeeshee waxaa ay isku hayaan ay tahay xukun iyo maamul.

Cafiska Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu u fididyey maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha Alshabaab ayaa u suurtagelisay C/raxamaan Xuseen Wardheere Bilal iyo inta lamidka ah ee go’aansatay ka bixitaanka fekerka munxarifka ah ee Alshabaab ku xalaaleysteen dhiigga dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

 

 

Shiinaha oo ballan qaaday inay Xoojineyso Taageerida Soomaaliya.

0

Muqdisho Tallaado August 7 (SNTV):-Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya iyo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaalia ayaa  ka wada hadlay arrimo muhiim ah kuwaas ay kamid yihiin sida loo xoojin karo Mashaariicda Dowladda Shiinaha ka sameyso Soomaaliya.

Arrimaha ay kawada hadleen waxaa kamid ah xiriirka dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian oo kulan ay wadda qaateen Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaaradda ayaa isla soo qaaday arrimo badan oo ay kamid tahay sidda loo xoojin karo wada-shaqeynta Wasaaaradaha Warfaafinta ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirka ayaa waxaa uu sheegay in uu ku furaxsan yahay in uu yimaado Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

“Maanta waxaan soo booqanay xarunta wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada Soomaaliya, waxaaana la kulanay wasiirka wasaarada warfaafinta, iyo Agaasimayaashaba, waxaana ka wadahahadalnay sidii aan usameyn laheyn xiriir dhow oo iskaashi, sidaaad la socotaan soomaaliya iyo shiinaha waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, shiinahana waxay soomaaliya ka taageertay mashaariic badan sida dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, iyo waxyaabo kaloo muhiim ah, sidaas darteed waxaan ballaan qaadeynaa inaan sii ballaarino taageerida aan siino soomaaliya”ayuu yiri safiirka shiinaha ee soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa dhankiisa waxaa uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya dooneyso inay xiriirdhow lasameyso Dowladda Shiinaha.

“waxaan uga mahadcelineynaa booqashada safiirka shiinaha iyo madaxda kale ee la socotaba, waana u ognahay taageerada shiinaha ay markasta lagarab taaganyihiin soomaaliya” ayuu yiri wasiir dahir.

Safiirka Dowladda Shiinaha ayaa waxaa uu soo arkay qeybaha kala duwan oo ay ku shaqeyso Warbaahinta Qaranka.

Degaano hoostaga Balcad oo ay la wareegen Ciidanka Xoogga dalka

0

Ciidamada  xoogga dalka ayaa la wareegay deegaanka Daniga ee duleedka
bari ee degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Hawlgal qorshaysan ayaa waxaa fulinaya ciidan si gaar ah u tababaran
oo kaashanaya la hawlagalayaal caalami ah, waxa ay ka saareen
Maleeshiyada Al-shabaab, waxaana deegaanka Daniga oo 15-km dhinaca
bari ka xiga Balcad, haatan ka socda hawlgal looga saaryo Miinooyinka
ay ku aaseen  wadada ku xiriirisa Balcad.

Ciidanka ayaa ku jahaysan  deegaano kale oo hoos yimaada Balcad si ay uga sifeyaan Maleeshiyada  Al shabaab deegaanadda hoostaga gobolka  Shabeelah Dhexe,
halkaas oo dhawr mar Madaafiic looga soo tuuray magaalada Balcad.

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in uu jiro qasaare soo gaaray Maleeshiyada, ayna dib ka faahfaahin doonaan marka
hawlgalkan oo haatan socda uu soo gabangaboobo.

Dhulgariir Sababey dhimashada  82-ruux oo ka dhacey jasiirada Lombok,Indo

0

Baaxada dhul gariirkan ku dhuftay jaziirada Lombok aya lagu sheegay qiyaastii in uu gaarey 6.9 sida ay sheegeen cilmi baarayaal u dhashay Mareykanku taasoo laga garan karo saameyntiisa  uu dhulgariirka ku reebay bulshada ku noolaa Jaziirada caanka ah ee Lombok.

Dhul gariir ku dhuftay jaziirada caanka ah  Lombok ee dalka Indonesia ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 82-Qof kuwaasoo ku noolaa jaziiradaasi loo dalxiis taggo ,sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Hay’adda Masiibooyinka e dowlada Indonesia War ka baxay aayaa lagu sheegay in dad gaaraya 82-ruux ay ku dhinteen dhul-gariirkan tiro intaasi ka badanna weli la la’yahay halka dhismayaal iyo Guryo waaweyn kumanaan guryo ahna ay ku burbureen dhul gariirka ku dhuftay jasiirada dalxiiseedka Lombok.

Madaxa Hay’adda Masiibooyinka Muhammad Rum Burburka guryaha iyo dilaaca dhulka ayaa sababay geerida tirada badan ee dadkan .

fariino iyo Digniino ayay dowladda Indonesia horay ugu soo saartay halista  dhul-gariirka iyadoona shacabka ka dalbatay in xiligaasi  ay u guuraan goobaha dhul taagga ah ee sahlan tahay in aysan saameyn badani ku yeelan dhulgariirarada

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo suudan kaga mahad celiyay taageeradooda wax barasho

Khartuum, August 6, 2018 –– Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo booqday xarunta jaamacadda Caalamiga Ee Afrika ee magaalada Khartuum oo ay wax ka bartaan ardaya Soomaaliyeed ee ugu badan ee dalkaas waxbarashada u jooga, ayaa kula kulmay madaxda jaamacadda iyo xubna kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ee jaamacadda wax ka barta.

Guddoomiyaha jaamacadda caalamiga ee Afrika Kamal Obeid iyo xubna kamid ah maamulka la shaqeeya ayaa Ra’iisuul wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay xarunta jaamacadda, waxa ayna uga mahad celiyeen booqashada uu ugu tegay iyaga oo uga war-bixiyay xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa jaamacadda caalamiga ee Afrika, jaamacadaha kale ee dalkaas iyo dawladda Suudaan uga mahadceliyay taageerada waxbarasho ee joogtada ah, waxa uuna si gaar ah u xusay in Suudaan ay kamid tahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageera waxbarashada kadib burburkii dawladdii dhexe.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda uga xog-waramay xaaladda dalka, rejada soo kabashada, horumarrada muuqda iyo qorshaha la doonayo in lagu laba jibbaaro dadaalada lagu soo celinayo sharafka iyo Karaamada ummadda Soomaaaliyeed, isaga oo ku dhirri geliyay in ay dawrkooda ka qaataan dib u soo kabashada dalka, ayna ixtiraam iyo hab-dhaqan wanaagsan u muujiyaan shacabka iyo dawladda Suudaan.

“Waxa aad tihiin safiirradii dalkeenna, shacabka iyo dawladda Suudaan u muujiya ixtiraam, walaaltinimo, dhaqan wanaagsan, waxaa aad sidoo kale la idinka doonayaa in aad ka qayb qaadtaan dhismaha iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Aqoontiina waa in aad dadka iyo dalka Soomaaliyeed uga faa’iidaysaan” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Khayre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta madaxtooyada Suudaan kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada ee dalka Suudaan Bakri Xasan Saalax oo ay ka wada hadleen xariirka walaatinnimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sii adkeynta xariirkaasi.

 

–DHAMMAAD—-

Hantidhoraha Guud ee Qaranka “ Wax Badan Ayaan Ka Qabtay Arrimaha Musuq Maasuqa”

0

Muqdisho, 06 08 2018,…. Kulanka Sanadlaha ee Xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka oo maanta lagu qabtay magaalada muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mus’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Senitor Cabdi Dhuxuloow Dhag-dheer oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare, Xidhibaanad Sahra Cabdulqaadir oo Xubin katirsan Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Guuleed Ceyduruus Cige oo hore uga soo shaqeeyay Xafiiska Hantidhowrka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cumar Faarax, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, Xoghayeyaasha Joogtada, Maxamed Cadceed Cali oo ah agaasimaha Daladda Bulshada Reyidka ee SOSCENSA iyo martishar kale oo lagu casuumay munaasibadda.

Handtidhowraha Guud ee qaranka oo horreyn ka hadlay kulanka ayaa sharaxay Qorshaha ay ku shaqeyndoonaan  3-dasano ee soo socota iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadii sanadka ahedy ee uu xafiiska joogay.

Mudane Afgooye ayaa xusay in xafiisku uu hirgaliyay System cusub, kaas oo fudeeyay in lala xisaabtamo hay’ado waa weyn oo ka tirsan dowladda, sida talisyada NISA iyo Xoogga dalka Soomaliyeed.

“Masuuliyadda Xafiiskaan Saaran waxa ay tahay dhowrista hantida qaranka ee umadda Sooaaliyeed iyo isla xisaabtanka, howshaas aan qabaneynano waxaan u mareynaa 3 waddo oo kala ah, 1- Habka maamulka maaliyadda iyo sida loo isticmaalay, 2-Dib u eegista hayadaha qaran wajibaadka loo idmaday sida ay u gutaan shaqooyinkii loo qorsheeyay iyo tan Sadaxaad oo ah Baaris gaar ah oo aan ku dabagalno qaladaadka ay noosoo gudbiyaan qeybaha bulshada, taasoo aan u saxno sidii loogu talagalay” ayuu yiri Mudane Afgooye.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo hadalkiisa sii watay ayaa xusay in ay sanadkaan ku guuleysteen qorshaha isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga, ayna baaris iyo dabagal buuxa ku sameeyeen hay’adaha rayedka iyo kuwa ciidanka, taas oo suuragalisay in lasaxo nidaamka maaliyadda iyo dakhli uruurinta, islamarkaana Xafiiska hantidhowrka qaranku uu qeyb weyn ka qaatay qorshaha qaran ee la dagaalanka Musuq Maasuqa .

“Islaxisaabtanka Xafiiska hantidhowrka ayaan ka bilaawnay, markii aan kala saarnay Shaqaalaha xafiiska ka howlgalayay kadib waxaa nooga soo baxay dad Khibrad iyo aqoon u leh shaqada, anagoo badalnay 4 agaasime, Waxaa baaris iyo dabagal lagu sameeyay dhammaan hayadaha dowladda rayadka iyo ciidankaba, sida kuwa Amniga oo aan baaris ku sameyn, talooyin ama qaladaadkii nooga soo baxayna waxaan la wadaagnay xafiisyadii ay quseysay” ayuu yiri Hantidhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali Afgooye.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay kulanka ayaa boggaadiyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.
Guddoomiyaha ayaa ka hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dawladda.

“Soomaaliya waxay horumar weyn ka gaartay sannadihii dhawaa la dagaallanka musuq-maasuqa, balse horumar masii jiri karo ilaa xidida loo siibo musuqa. Maamulka Gobolka waxaan bilownay qorsheyaal aan kula dagaalamayno musuq-maasuq si loo hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Xafiiska hantidhowrka Qaranka Soomaaliya oo la aas aasay sanadku markuu ahaa 1960-kii, waxaana la dhihi karaa sanadkaan wuxuu xafiisku qabtay howlo muhiim ah oo ay mahadiyeen bulshada Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya ka dalbanayay in la xisaabiyo hay’adaha dowladda si meesha looga saaro eedeeymaha la xiriira In si qaldan loo maamulo daqliyada kaladuwan ee soogala dowladda Soomaaliya.

Eng. Yarisow “Musuq-maasuqa waa in la dagaallankiisa meel looga soo wada jeestaa”

0

Muqdisho, Ogoosto 06, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay kulanka sanadlaha ee xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa boggaadiyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dawladda, isagoo xusay in maamulkiisu uu meel adag ka taagan yahay la dagaalanka Musuqa oo dhowr jeer caddaaladda la horgeeyey xubno lagu tuhmay musuq-maasuq oo ka tirsanaa shaqaalaha iyo madaxda Maamulka Gobolka Banaadir.

“Soomaaliya waxay horumar weyn ka gaartay sannadihii dhowaa la dagaallanka musuq-maasuqa, balse horumar masii jiri karo ilaa xidida loo siibo musuqa. Maamulka Gobolka waxaan bilownay qorsheyaal aan kula dagaalamayno musuq-maasuq si loo hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay wacyigelin baahsan oo lagula dagaalayo dhaqanka maamul xumada iyo fahamka dowladda, maadaama uu musuqmaasuqu yahay midka dalkan dib u dhigay loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto ciribtirkiisa, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan maamulkooda.