Degaano hoostaga Balcad oo ay la wareegen Ciidanka Xoogga dalka

Date:

Ciidamada  xoogga dalka ayaa la wareegay deegaanka Daniga ee duleedka
bari ee degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Hawlgal qorshaysan ayaa waxaa fulinaya ciidan si gaar ah u tababaran
oo kaashanaya la hawlagalayaal caalami ah, waxa ay ka saareen
Maleeshiyada Al-shabaab, waxaana deegaanka Daniga oo 15-km dhinaca
bari ka xiga Balcad, haatan ka socda hawlgal looga saaryo Miinooyinka
ay ku aaseen  wadada ku xiriirisa Balcad.

Ciidanka ayaa ku jahaysan  deegaano kale oo hoos yimaada Balcad si ay uga sifeyaan Maleeshiyada  Al shabaab deegaanadda hoostaga gobolka  Shabeelah Dhexe,
halkaas oo dhawr mar Madaafiic looga soo tuuray magaalada Balcad.

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in uu jiro qasaare soo gaaray Maleeshiyada, ayna dib ka faahfaahin doonaan marka
hawlgalkan oo haatan socda uu soo gabangaboobo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...