Home Blog Page 1246

Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ka hadlay arrimaha xuduudaha Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)- Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha ku  aaddan is-waafajinta Dastuurka iyo sharciyada la xariira  arrimaha xadka ee aynu la wadaagno Waddamada deriska ah iyo xal ka gaarista caqabadaha xudduuddaha maamul Goboleedyada Dalka.

Guddoomiyaha guddiga xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya, Khalliif C/kariin Maxamed, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen guddiyada howlahan u xil-saaran ee Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyagoo ka munaaqishooday sidii arrintan xal buuxa looga gaari lahaa.

Guddoomiye Khalliif ayaa sheegay in xudduuddii rasmiga ahayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya ay tahay Silig uu gumeystihii Ingiriiska ku kala xadeeyay Labada Dal, balse ay Dowladda Kenya isku dayday inay Gidaar ka dhisto, taasoo ay Dowladda Soomaalya ka Biya diidday, keentayna in Labada Madaxweyna ay ka wada hadlaan sidii loo joojin lahaa dhismaha Derbigaas.

Wuxuu sheegay Khalliif inay Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeyaan dano badan oo ay ka mid tahay, isu socodka Dadka iyo Ganacsiga, maaddaama ay Ciidamada Kenya qayb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xudduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu sheegay inay dhowr mar Ciidanka Liyuu Boolis ka geysteen shaqaaqo ay ku dhinteen Dad Shacab ah, taasoo ah mid u baahan in Labada Dowladood ay ka wada xaajoodaan si dhibaatada Xadka ka jirta loo yareeyo.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Khalliif, in ay Madaxda Dalka ugu sarreysa ay u gudbiyeen caqabadaha ka jira xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto Dalalka deriska ah, qorshaha arrimahaa kaga degsanna uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiye Khalliif ayaa waxa kale uu sheegay inay ku howlan yihiin dhammaystirka nidaamka sharci ee xudduudaha Dalka, si loo yareeyo Khilaafaadka mararka qaar ka dhex dhaca maaul Goboleedyada Dalka ee ka dhasha soohdimaha ay wadaagaan.

Rag dhac isku baheystay oo ay Maxkamadda Ciidamadu xukuntay

Muqdisho (SNTV)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku xukuntay Min Shan-sano oo xabsi Ciidan ah kaddib markii ay dhac u geysteen Shirkadda Hormuud xarumaheeda ku kala yaal kaawo godey  degmada Wadajir  iyo Tree-Disha oo ah halka loo yaqaan  (KM13).

Goor hore oo maanta ah ayaa xukunka Maxkamadda waxaa ku dhawaaqay guddoomiyah Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Halkan Hoose  ka dhageyso Codka Guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Mashaariic lagu horumarinayo Warshiikh oo Degmadaas laga bilaabay.

0

Warsheekh, Arbaca, August 8 (SNTV):-Gobolka shabeelaha Dhexe  ee Maamulka  Hirshabeele waxaa  ka soconaya  Horumar aad u Balaaran  oo lagu Hergalinayo  Deegaanada Hoostaga  Degmada Warshiikh  oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe  waxaana kamid ah  Mashaariic Lagu Dhisayo Goobo Caafimaad,  Iskuulo  ay wax ku Bartaan Dadka  Degan Degmada Warshiikh Tuulooyinka Hoos taga iyo Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo warshiikh waxaana mahaariicdaas wadda  hay’adda Critical  Hope  Foundation oo fadhigoodu yahay wadanka koonfur afrika.

Dhawaan Wafdiga  ka socda Wadanka Koofur Africa  oo wado mashaariic kala duwan ee  lagu hormarinayo gobolka shabeelaha dhexe gaar ahaan degmada warshiikh,   iyo maamulka gobolka shabeelaha  dhexe kan degmada warshiiq wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleed hir shabeele ayaa waxay  kormeer ku tageen, deegaano uu ka midyahay  deegaanka qeyla weyne oo ka tirsan degmada warshiikh  kaasi  oo horay looga her galiyay  iskuul hoose dhexe  iyo M C H oo  ay ka dhistay hey’adda givt of  givers ee laga leeyahay wadanka koofur africa   waxaana munaasabad  lagu soo dhaweynayay mashaariicdaasi  lagu hormarinayo degmada warshiikh gaar ahaan  gobolka shabeelaha dhexe lagu qabtay xarunta degmada warshiikh.

Gudoomiyaha Degmada Warshiiq  Axmed Xuseen Axmed [Axmed shiidka ] oo munaasada ka hadlay  ayaa ugu  mahadceliyay  masuuliyiinta ka socday  wadanka koofur afrika ee deegaanka  hir galinayo  howlaha hormarineed ,

‘Reer warshiikhow waxaad kudadaashaan waxbarashada iyo horumarka degmada, hadaad waxbarataan waxaa lagaarayaa horumar, waa in loo diraa carruurta iskuulada oo la iskuwadaa waxbarashada maadiga ah iyo tan diiniga ah’ ayuu yuru gudoomiyaha degmada warsheekh.

Mrs Nxumalo louisa oo ka socotay  Hay’adda critical hope foundation  ee wadanka koofur afrika  ayaa sheegtay in ay ka hirgalinayaa  mashaariic lagu hormarinayo Degmada Warshiiq  iyo Guud ahaan Gobolka shabeelaha dhexe.

‘waxaan soo arkay barwaaqo aad u ballaar oo kajirta Wadankaan soomaaliya, taasoo aan laga helin wadanka koonfurka afrika, laakiin idinku ma dareemeysaann, warsheekhna waa meel aad u qurxoon, waxaana isku afgaranay aniga iyo maamulka inaan iska kaashano dhanka horumarka ee degmada iyo guud ahaan gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in loo baahanyahay shacabka ku nool gobolka shabeelaha dhexe ay ka qeyb qaataan howlaha  horumarineed ee ka soconaya  gobolka  .

‘waxaan ugu baaqayaa bulshada kudhaqan gobolka shabeelaha dhexe inay ka shaqeeyaan horumarka gobolka gobolkooda oo ay horumariyaan adeegyada aasaasiga ee gobolkooda.

Wasiirka Wasaaradda  Kaluumeysiga iyo kheyraadka  Badda  ee Dowlad Goboleedka  Hirshabeele  C/llaahi Macalin  Mustaf  ayaa  ka hadlay muhiimada howlaha mashaariicda ee lagu hormarinayo  degmada warshiiq  iyo guud ahaan gobolka

’ Reer warshiikhow waxaad kudadaashaan waxbarashada iyo horumarka degmada, hadaad waxbarataan waxaa lagaarayaa horumar,m waa in loo diraa carruurta iskuulaad,m waana inm la iskuwadaa waxbarashada maadiga ah iyo tan diiniga ah. ‘ ayuu  yiri wasiirka.

Muuse Cusmaan Abtow.

Warbaahinta Qaranka.

Wasaaradda Boostada oo cambaareysay dilkii maamule ku xigeenkii Golis

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tegnoolajiyada Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii dilka ahaa ee lagula kacay maamule ku xigeenkii shirkadda Isgaarsiinta Golis.

War ka soo baxay wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tegnoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri “wasiirka, wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda waxa ay si wadajir ah u cambaareynayaan dilkii  magaalada Boosaaso loogu geystay ALLAHA  u naxariistee  maamule ku xigeenkii shirkadda Golis Puntland Marxuum Cabdullaahi Cali Cumar oo si xaq darro ah loogu dilay Boosaaso, waxa ayna tacsi u dirayaan Qosykii iyo maamulka shirkadda Golis ee uu ka baxay”.

Wasiirrada ayaa ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo dhagar-qabeyaashii falkaasi  dilka ah ka dambeeyey, isla markaana caddaaladda la horkeenno.

 

 

 

Ra’iisalwasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo Laabtay

0

Muqdisho, Arbaca August 8 (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib Booqasho ay ku tageen Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa dalka Suudaan wuxuu uu goob joog ka noqday saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsanyihiin, iyadoo Ra’iiul wasaaraha uu ku amaanay ammaanay dhinacyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulan uu la qaatay Madaxweynaha Suudaan kaga mahad celiyay taageerada dhanka waxbarashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilli aduunyada inteeda kale ay u arkaysay Soomaaliya rajo aysan lahayn, Suudaan ay garaawsatay in la caawiyo si loo siiyo fursad ay kusoo kabato, waxa uuna sheegay in ardaydii Suudaan wax ku baratay ay ka qayb qaateen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre oo sidoo kale booqday xarunta jaamacadda Caalamiga Ee Afrika ee magaalada Khartuum oo ay wax ka bartaan ardaya Soomaaliyeed ee ugu badan ee dalkaas waxbarashada u jooga, ayaa kula kulmay madaxda jaamacadda iyo xubna kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ee jaamacadda wax ka barta, wuxuuna mahadceliyay taageerada waxbarasho ee joogtada ah, waxa uuna si gaar ah u xusay in Suudaan ay kamid tahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageera waxbarashada kadib burburkii dawladdii dhexe.

 

 

Kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo laga daadgureeyay dalka Yeman

0

Geneva Arbaca August 8 (SNTV);- U qeybsanaha Qaraamada Midoobay ee Arrimaha Qaxootiiyada Aduunka ayaa Talaadadii shalay aheyd  shaaca ka qaaday in lagu guulaystay in 2000 qof Soomaali ah laga daadgureeyo dalka Yeman iyadoo laga dejiyay Dekedda magaalada Berbera.

Warku wuxuu intaa ku daray, in daadgureynta dadkaasi oo aheyd mid mutadawacnimo ah ay iska kaashadeen Hay’adda Socdaalka Aduunka , Maamulayaasha dalka Yeman iyo kuwa Soomaalida.

Afhayeen ku hadlayay Magaca Hay’adda Qaxootiga Aduunka,  ayaa shir jaraa’id oo lagu qabtay Dekedda Cadan oo lagu ambabixinayay qeybtii ugu dambeysay ee qaxootigaasi Soomaaliyeed ka sheegay in Dekedda Berbera uu ku xirtay markab siday 116 Qaxooti Soomaali ah wuxuuna intaa raaciyay in howshaasi daadgureynta ah uu qeyb  ka yahay Barnaamijka Hay’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR)  ay ku saacidayso sidii dadka dalkooda dib uga laaban lahaayeen dhaamaanba Somaalida ku sugan Yeman siiba meelaha ay dagaaladu ka socodaa.

Wuxuuna intaa raciyay in  dalka Yeman ay ku harsan yihiin 270.000 Qaxooiiti ah oo 256 ka mid ah ay ahaayeen Soomaali kuwaasoo dhamantood saamey weyn ku yeeshay dagaalada ka socoda dalkaasi Yeman oo colaadu la degtay.

Wuxuu kaloo sheegay in Qaxootiyada  weli ku harsan Yeman cidii dalkeeda dib ugu laabanaysa kana mid ah qaxootiyada weli ku sugan Yeman ay hay’addu diyaar ula tahay kaalmo bini’aadanimo loona fidinayo tashiilaadka ay u baahan yihiin.

Ra’iisalwasaare kuxigeenka Dalka oo maanta ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Waxbarashada

0

Muqdisho Arbaco  August 8 (SNTV):-Ra’iisalWasaare ku xigeenka dalka, Madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyay C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada isagoona yiri:

“Waxaan leenahay soo dhawow mudane Wasiir, waxaan kuu balan qaadeynaa inan si wanaagsan oo qalbi furnaan ah aan kuula shaqeyno”ayuu yiri wasiiru dowlaha waxbarashada.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda uu ku hagi doono siyaasad hufan isaga oo kaashanaya madaxda kale iyo howlwadeenada wasaaradda.

“Waan ku faraxsanahay in la igu aaminay siyaasadda waxbarashada dalka, waxaan rajeynayaa inaan sameeyo isbedel wanaagsan oo aan hormarino waxbarashada dalka, waana u mahad celinayaa cidii masuuliyadaan igu aamintay”ayuu yiri C/laahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo gaba gabadii hadlay ayaa muujiyay in wasaaradda waxbarashadu ay tahay meel laga jiheyn karo bulshada.

“Wasaaradda Waxbarashadu waa meesha kaliya ee laga jiheeyo Bulshada dal bu buray oo jahli kasoo kasoo kabanaya, waxaana rajeynayaa in wasiirka cusub oo shaqo wanaagsan qaban doono”ayuu yiri ra”iisul was are ku xigeenka dalka.

Ra’isalwasaaraha xukuumada jamhuuriyada soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan soo dhameystiray  wasiiro ka dhinnaa x gukuumadiisa . kuwaasoo isugu jira wasiir iyo wasiiro kuxigeeno kamid noqonayo xukuumadiisa.

 

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay Mowqifkeeda Sacuudiga iyo Canada

0

War saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu taageeray mowqifka Sacuudiga ee diidmada faragelinta Canada.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Canada ayaa todobaadyo ka hor ugu baaqday dowladda Sacuudiga inay sii deyso dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo xuquuqda haweenka oo ay dhowaan xabsiga u taxaabtay, waxaana ka mid ah haweeney caan ah oo lagu magacaabo Samar Badawi.

Dowladda Sacuudiga ayaa aad uga carootay hadalka Canada, waxaana ay joojisay dhammaan iskaashigii ganacsi iyo maalgashi ee labada dal u dhaxeeya, iyadoo u yeeratay Safiirkeeda, isla markaana ku amartay in muddo 24 saac dalka uga baxo safiirka Canada u fadhiya Riyadh.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Al-Bashiir oo wada kulmay

0

Khartuum(SNTV):Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa magaalada Khartuum ku yeeshay kulan muhiim ah oo ay uga wada hadleen adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dal, amniga, kobaca dhaqaalaha, horumarka, maal-gashiga iyo iskaashiga horumarka gobalka guud ahaan.

“Kulan mira dhal ah ayaan la yeeshay madaxweynaha Suudaan. Waxa aan aad uga mahad celinayaa soo dhawaynta wanaagsan. Waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xariirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, amniga, horumarka, kobaca dhaqaalaha, maal-gashiga, sida aan isaga kaashan karno arrimaha gobalka iyo sida Soomaaliya ay uga qaadan karto dawr dhaxal gal ah oo ku salaysan khibradeenna iyo Khayraadkeenna”, ayuu sheegay Ra’iisul wasaaraha xukuummada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Suudaan uga mahad celiyay taageerada dhanka waxbarashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilli aduunyada inteeda kale ay u arkaysay Soomaaliya rajo aysan lahayn, Suudaan ay garaawsatay in la caawiyo si loo siiyo fursad ay kusoo kabato, waxa uuna sheegay in ardaydii Suudaan wax ku baratay ay ka qayb qaateen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

“Qiyaastii todoba kun oo arday Soomaaliyeed ah ayaa wax ku barta dalkaan, kummannaan kalana horay ayey uga qalin jebiyeen, waxa ayna gacan ka gaysteen dib u dhiska dalka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa dhanka kale ka hadlay heshiiskii nabadadeed ee dhawaan ay kala saxiixdeen dhinacyadii isku hayay gacan ku haynta hoggaanka Suudaanta Koonfureed, isaga oo madaxweyne Al-bashiir ku ammaanay dawrka wanaagsan ee uu ku lahaa, sheegayna in heshiiskaasi uu muujinayay in Afrika ay xallisan karto mashaakilaadka dhexdeeda ah.

“Aniga iyo wafdigeyga waxa aan aad ugu faraxsannahay in aan kasoo qayb galnay heshiinkii nabadeed ee lagu soo afjaray colaadii Suudaanta Koonfureed. Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu qaatay dawr hogaamineed, waxa uu si gaar ah u qabtay hawl wanaagsan, isaga iyo shacabka Suudaan waxa aan uga mahad celinaynaa dawrka dhiirri gelinta leh ee ay ka qaateen nabadaynta Suudaanta Koonfudeed. Heshiiska ay saxiixeen dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed ee ay goob joogga ka ahaayeen madaxda gobalka oo dhan waxa uu muujinayaa in xallinta mashaakilaadka Afrika uu u yaallo Afrika”, ayuu yiri Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qey galay xafladda xiritaanka taba-bar ciidan

0

Muqdisho (SNTV), Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Ayaa maanta Magaalada Muqdisho Kaga qeyb galay munaasabad Ay Ku qalin jabinayeen Cutubyo Ka Tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Isugu Jiray Leyli sargaal iyo Leyli Saraakiil Xiggeen, kuwaasi oo Isugu Jiray Kuwa Cirka, Dhulka, Iyo Badda .

Ciidamaddan Maanta Tababarka Loo soo Xiray Waxaa Ay muddo 12 bilood ah Tababar Ku qaadanayeen Dugisga tababarka ee Turksom ee Ku yaalla Deegaanka Jaziira.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya  Ayaa Bogaadiyay sida Wanaagsan ee ay Dawladda Turkigu Ugarab Istaagantahay Ciidamadda Soomaaliyeed Iyo Guud ahaan dawladda Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kalena umahad-Celiyay Dhamaan Dadkii Ka shaqeeyay In Dhalinyaradda Maanta Qalin Jabisay Xeradan Ciidanka Ee Turksom.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Ayaa Kula Dardaarmay Saraakiishii Iyo Saraakiil Xigeenadda Dhameystay Tababarka in ay u istaagaan Difaaca iyo Ilaalinta Garab istaagga Qaranimadda Soomaaliyeed.