Home Blog Page 1248

Shir looga hadlay arrimaha amniga iyo sareynta sharciga oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV);- Shirkaan oo looga hadlayay dardar gelinta amniga iyo sareynta sharciga dalka ayaa maanta waxaa lagu qabtay xarunta Taliska Ciidanka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Waxaa shirka si wadajir ah u Guddoominayey Guddomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya,waxaana  goobjoog ka ahaa Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asuubta iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka,iyadoo shirka warbixin ku aadan arrimaha amiga looga dhageystay sareeyeyaasha Hoggaanada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Markii uu shirka soo dhammaaday ka dib waxaa warbaahinta Qaranka u sharxay Qodobadii shirka looga hadlay Taliyaha hoggaanka ilaalada Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciianka Booliiska Sareeye Guuto Janaraal C/llaahi Xasan Bariise.

“ Shirka waxaa looga hadlay dardar gelinta howlaha Amniga oo Ciidanka Soomaaliyeed bud-dhige u yahay iyo ka sareynta sharciga cid kasta oo Soomaali ah ama ku nool dhulka Soomaaliyeed,arrinta ugu weyn ee laga wada hadlay waxay tahay in cid kasta uu ka sareeyo sharcigu iyo dhowrista anshaxa dhan walba,Amniga iyo kala danbeynta dalka,” ayuu yiri Sareeye Guuto Janaraal C/llaahi Xasan Bariise.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saareysa sugida amniga iyo dhowrista sharciga iyo kala danbeynta dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo masuuliyiin kale oo booqday Xabsiga MBCC

0

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa maanta waxay kormeer shaqo ku tageen Xabsiga MBCC oo ah Xabsi si casri ah loo dhisay,kaasi oo ku yaalo Ex-Kontarool Afgooye.

Mas’uuliyiinta iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa ku wareegay dhammaan qeybaha kala duwan uu ka kooban yahay Xabsiga MBCC,kaasi oo wax badan ka tari doona baahiyaha Maxabiista,islamarkaana daryeel joogta ah ay ka heli doonaan.

Intaasi ka dib,Guddoomiyaha Maxkamada sare  ee dalka Baashe Yuusuf Axmed,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxay halkaasi kula kulmeen cutuby ko ka tirsan Ciidanka Asluubta iyo Saraakiil Ciidan,kuwaasi oo loogu talagalay sugida amniga xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay booqashada ay ugu yimaadeen Mas’uuliyiintan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ammaanay howlaha wanaagsan ay Ciidanka Asluubta Qaranka u hayaan.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay iney Dowladda dadaal ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,isagoona tilmaamay in Ciidanka Asluubta ay haayaan howlo muhiim u ah Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiiradii uu magacaabay Ra’iisulwasaare Kheyre oo xilkooda loo dhaariyay

Muqdisho(SNTV);- Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada Soomaaliya.

Kulanka dhaarinta oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xubnaha guddiga joogtada.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah golaha Wasiirada.

ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in xubnahaan cusub ay qeyb ka yihiin barnaamijka dardar gelinta xukuumada.

“ Mudane Guddoomiye waxa sharaf weyn inoo ah inan idiin soo gudbino lix mas’uul oo golaha wasiirada ku soo biiray oo afar ka mid ah ay halkaan joogaan, mudane guddoomiye mas”uuliyiintan maanta la dhaariyay waxa ay qeyb ka tahay dargelinta barnaamijka weyn ee xukuumada iyo in dhiig cusub lagu shubo si loo gaaro hadafka xukuumadda” ayuu yiri Ra’isal Wasaare ku-xigeenka xukuumadda.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si sax ah shaqadooda u gutaan.

“ Golaha shacabaka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Wasiirada maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-

  1. Mudane C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.
  2. Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
  3. Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.
  4. Mudane Saqar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Dhanka kale Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Puntland oo dayactir ku sameysay mid kamid ah xarumaha maamulkaasi

0

Garowe(SNTV);- Madaxweynaha Maamulka Gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 6 August 2018 waxaa uu xariga ka jaray xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Maamulka Puntland, xaruntaas oo dayactir lagu sameeyey.

Madxaweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey xaRig jarka, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Hay’ada UNDP Soomaaliya Mr.George Conwey Madxa UNDP Puntland Mr. Sayid iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Maamulka Puntland oo ahayd xarun horey ay wasaarddu ugu shaqeyn jirtay ayaa waxaa dayactir balaadhan ku sameeyay Hay’ada UNDP oo maashaariico horumarineed oo badan ka fulisay deegaanada Puntland, wada shaqayn dhowna la leh Dowladda Puntland.

Xarig jarka kadib Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyay xafiisyada iyo qaybaha ay ka koobantahay dhismaha wasaaradda, islamar’ahaantaana mid mid ugalay xafiisayada wasaaradda oo xiligaasi ahaa kuwa mashquulsan oo shaqado maalmeedkii ka socotay, sidoo kalena  madaxweynaha ayaa indhaindheeyey qaabka ay u shaqadu socoto.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad koobn ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”

“Waan ku faraxsanahay inaan maanta imaado Wasaarada Qorsheynta oo waji cusub yeelatay, waan ku faraxsanahay inay wasaardu saas isku bedeshay, waxaan ka hadlayaana maaha muuqaalka guriga,  ee waxaan ku faraxsanahay waxa weeye markaan tegay xafiisyada iyo shaqada kasocota, iyo inaan arkay dad dhalinyaro ah oo ku faraxsan shaqada ay hayaan, wasaardani waa wejigii laga soo gelayey Dalka,  markaa inay fiican tahay, wanaagsan tahay, qurux badan tahay waa wax aad loogu baahan yahay,  idinkana ka wasaarad ahaan waxaan idinkula dardaarmayaa in shaqada aad wadaan aad meesha kasii wadaan, sidoo kalena hay’ada UNDP way ku mahadsan yihii shaqada wanaagsan ee ay qabteen, waxaana maanta mahadagaara unaqayaa madaxda hay’da oo uu ugu horeeyo George,  iyo Seyid oo isaguna ah madaxa Hay’ada ujooga caasimada Puntland oo aan sigaara ugu mahadcelinayo, runtii isbedal balaadhan bay Wasaaradu gaadhay intii uu Wasiir Shire wasaarada yimaadey, wayna kamuuqataa hogaamintiisa wasiirku  Wasaarada” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Taliye  Saldhig  oo Musuq loo xiray.

0

Muqdisho (SNTV)- Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha    saldhiga Boliska degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq  Baaraha Dambiyada Saldhiga  iyo Kormeera Labaada Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga  degmada  ayaa lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacag laauush ah.

Kowda bishan aynu ku jirno ayaa Ciidamada Amniga soo xireen Eedeysanayaal    Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen taliyaha saldhiga degmada Warta-nabadda , baaraha dambiyada saldhiga   Alifle Cabdi Cumar Isaaq  iyo Cabdifitaax Maxamuud Cabdi  oo ka tirsanaa ciidamada saldhiga ayaa  lala xiriirinayaa qaadasho lacag laaluush ah, waxaana markii ay soo xireen Ciidamada Amniga eedeysanayaasha  kadib ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida .

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay   maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan  cadeymaha eedda loo heysto  Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha  Boliska saldhiga  degmada Wartanabadda  iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsiga dhigtay taliyihii Boliska Saldhiga  Warta-nabadda iyo laba askari oo kala tirsanaa saldhiga, waxa ayna fareen xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo afjari lahaa Musuqa, Maxkamadaha rayidka iyo tan ciidamada qalabka sida ayaa la horgeeyay eeddo lala xiriirinayo Musuq-maasuq waxa ayna Maxkamadaha xabsiyada dhigeen  eedeysanayaal loo heysto Laaluush iyo ku tagrifal awoodeed.

Quruxda iyo dhaqanka qaaradda Afrika

0

Dhaqanka Afrika waa mid aad uu kala duwan oo ka kooban isku dhafka  dalalka leh qabiillo kala duwan oo mid waliba uu leeyahay astaamo gaar ah oo ka soo jeeda qaarada Afrika.

Waa wax soo saarka dadyowga  maanta ku nool qaaradda Afrika iyo qurba joogtaa  Afrika. Dhaqanka Afrika waxaa lagu muujiyay farshaxankiisa,dhaqanka iyo diinta, dharka, cuntada, heesaha iyo luuqadaha,Hadalka dhaqanka.

tiro badan oo kala duwan oo dhaqamadda qaraada ayaa laga heley dhaqan aan ku wangsanayn diinteen suuban ee alibaxnimada  iyo hormaarka  laga soo garay.

Inkasta oo dhaqamada Afrikaanka ay aad u kala duwan yihiin, sidoo kale, marka, si hoose loo darso, waxa loo arka  in uu leeyahay isbarbardhig badan.

Tusaale ahaan, anshaxa waxa ilaaliyaan, jacaylkooda iyo ixtiraamkooda dhaqankooda ay u hayan iyo sidoo kale ixtiraam xoogan ay haystaan ​​dadka da’da ah iyo muhiimadda Boqortooyayinka  iyo Taliyeyaasha go’aanka laga garayo habka ilaalinta dhaqanka dadku ay isku faahmayan waxanna markasi u soo gogol fadhisnaya dadka lagu da’ada oo inta badan loga danbeyo dhaqanka xiligaasi nool.

Afrika waxay saameyn ku yeelatay  qaar ka mid ah waddaamada kale  ee caalamka  iyagoo  tan ku muujiyay  rabitaanka iyo karamadda ayaa leyihiin in ay la qabsaddan aduunyada casriga.

waxa  isbedelaya halkii ay ka sii joogi lahaayeen dhaqankooda caadiga ah. Qaar ka mid ah dadka reer galbeedka ah, waxay ku qanciyeen dhaqanka Yurub.

dhaqanka qaaradda ayaa ahaa mid ay aad ugu adagyihiin dadka  kunooll man diiqadda geeska afrika  qaranimada Afrika iyo dib u soo kabashada dhaqanka ayaa waxa taba galiyaha in taa badan  oo dhawara dadka ehelka u ah

Dawladaha ugu badan Afrika ayaa dhiiri galiya qoob-ka-cayaarka iyo muusikada ,farshaxan,qoraalka iyo dadka qoryaasha ah si ay u laa jan qadan dhaqanka iyo barrashada bulshada mustaqbalka dheer oo ay dadkoodu ka leyihiin dhaqanka qaaradda Afrika.

 

Dowladda Mareykanka oo cunaqabateyn cusub oo ku soo rogtay dowladda Iran

0

Maamulka dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in maalinimada Talaadada ee berri ah  ay bilaabaan dhaqangalinta  cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo dalka Iran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii May ee la soo dhaafay ka baxay heshiiskii dhinaca hubka niyuklerka ee lala galay Iran,inkastoo   aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in maamulka Tehran  ay ku xadgudbeen heshiiskii ay la gashay lixda dal.

Madaxwaynaha dowladda Mareykanka ayaa  caddeyay in ay sareen dalka Iran cunaqabateyn ay ugaa goleyini  sidi xalwara logu heli laha hubka Nukleyrka  dowladda Tehran.

Waxyaabaha ugu horeeya ee Mareykanku doonayo in cunaqabateyntu ka bilaabato waa qeybaha warshadaha Baabuurta iyo ganacsiga xagga dahabka iyo macdanta kale.

Wareegga labaad ee cunaqabateynta ayaa la shaaciyay in la bilaabi doono 4-ta bisha Nofembar ee soo socota  sida ay sheegtay Washington.

 

Galmudug oo ku baqday Xoojinta Nabad Gobolka Mudug

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa kormeer ku tagay Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobalka Mudug,waxayna ugu kuurgalayeen Amniga iyo Xaaladaha Bini-aadanimo ee ka jira Deegaanadaasi.

“Socdaalkaan Mas”uuliyiintaan ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ay ku mareen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug ayaa ahaa xoojinta Nabad galyada iyo u kuurgelida Xaaladaha Bini-aadanimo ee ay ku nool yihiin bulshada ku dhaqan deegaanada Maamulka Galmudug.

Mas”uuliyiinta ka socotay Galmudug ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar, iyagoona xog-wereysanayay Bulshada ay kula kulmayeen Deegaanada  ay socdaalka ku marayeen.

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha deegaanada ay kormeerka ku tageen Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in xaaladda deegaanadooda u ay tahay mid degan,islamarkaana Bulshada si wanaagsan ula shaqeeyaan Maamulka.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar ayaa sheegay inay Baahiyo weyn ka jiraan deegaanada ay booqdeen, wuxuuna ugu baaqay Hay”adaha Samafalka ka shaqeeya inay Caawimaad lasoo gaaraan Dadka ku dhaqan deegaanada ay socdaalka ku tageen ayna la xisaabtami doonaan Hay”adaha.

Soomaaliya oo goob joog u noqotay heshiiska Suudaanta Koonfureed

Khartuum(SNTV): –Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qayb galay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed.

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsanyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay dhinacyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed.

“Xaaladda murugeysan ee dalkiinna da’da yar ma qeexayso mustaqbalkiinna, waxa aan idiin xaqiininayaa in laga guuleysanayo dhibaatada jirta. Waxyaabaha wanaagsan ee labaddenna dal ay wadaagaan ayaa ah in aan leennahay khayraad dabiici ah oo dahan iyo bulsho ku wanaagsan hal abuurka ganacsi”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

“Sida ku cad war-bixintii dawladaha daciifka ah ee soo baxday 2017, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya ayaa ahaa laba dawladood ee ugu daciifsan dunida, casharro adag ayaan ka barannay iyo in ay muhiim tahay in aan u tanaasulno dadkeenna, tanaasulku ma aha astaan muujineya in aan liidanno ee waxa ay muujineyssa awoodenna iyo fahamka mustaqbalka” ayuu Ra’iisul wasaaruhu raaciyay hadalkiisa.

“In aan garannay xalka mushaakilaadkeenna kaliya ma saameyneyso horumarkeenna ee waxa ay saameyn ku leedahay deriskeenna iyo gobalka oo dhan, waana arintaas sababta aan idinkugu dhiirri gelinayno in aadan gadaal fiirina ee aad sawirataan mustaqbalka adinka oo u danaynaya dadkiinna. Sida dib u soo kabashada Soomaaliya oo kale, badbaadinta Suudaanta Koonfureed waxa ay farxad gelineysaa dadaalka qaaradda Afrika. Waxa aan idiin xaqiijinayaa in Soomaaliya ay ka go’antahay in Suudaanta Koonfureed ay hesho nabad, ammaan iyo xasilooni waarta”, ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ku sheegay khudbadda uu ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska xalka looga gaaray colaadii Suudaanta Koonfureed.

Heshiiska oo dhaqan-gelintiisa ay dusha kala soconeyso IGAD ayaa ogolaanaya in Riek Machar oo ahaa hogaamiyaha mucaaradka uu noqdo madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dawladda midnimada qaran.

Mudda sedax bilood ah ayaa loo qorsheeyay in dhinacyada saxiixay heshiiska ay kusoo dhistaan dawladda wadaagga ah oo talada dalka hayn doonta muddada sedaxda sano ah ee soo socota.

Soomaaliya iyo Turkiga oo is dhaafsanaya Dhaqanka

0

Muqdisho(SNTV):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiga Soomaaliya Olgan Bekar.

Wasiir Maareeye ayaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya kala hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xoojinta Xiriirka Ganacsi ee Labada dal, sidii suuqyada Turkey loogu furi lahaa wax-soo-saarka Soomaaliya sida Kalluunka, Mooska, Liin dhannaanta, Sisimta,  oo hore heshiis looga gaaray hadana la doonayo sidii loo bilaabi lahaa shaqada arinta PGM iyo arimo kale.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horay magaalada Ankara ugu gaaray Heshiis Ganacsi iyo Dhaqan,kaasi oo xoogga saaraya sidii Turkiga wax kaga iibsan lahaa Soomaaliya sida Mooska,Liinta la qalajiyey,sisimta iyo Kalluunka.

Waxaa kaloo heshiiskaasi dhiniciisa dhaqan ka faa’ideysanaya Fannaaniinta,Ardayda Jaamacadaha iyo Wariyeyaasha,iyadoo xarumo qaabilsan dhaqanka laga kala furi doono Soomaaliya iyo Turkiga.