Hantidhoraha Guud ee Qaranka “ Wax Badan Ayaan Ka Qabtay Arrimaha Musuq Maasuqa”

Date:

Muqdisho, 06 08 2018,…. Kulanka Sanadlaha ee Xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka oo maanta lagu qabtay magaalada muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mus’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Senitor Cabdi Dhuxuloow Dhag-dheer oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare, Xidhibaanad Sahra Cabdulqaadir oo Xubin katirsan Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Guuleed Ceyduruus Cige oo hore uga soo shaqeeyay Xafiiska Hantidhowrka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cumar Faarax, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, Xoghayeyaasha Joogtada, Maxamed Cadceed Cali oo ah agaasimaha Daladda Bulshada Reyidka ee SOSCENSA iyo martishar kale oo lagu casuumay munaasibadda.

Handtidhowraha Guud ee qaranka oo horreyn ka hadlay kulanka ayaa sharaxay Qorshaha ay ku shaqeyndoonaan  3-dasano ee soo socota iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadii sanadka ahedy ee uu xafiiska joogay.

Mudane Afgooye ayaa xusay in xafiisku uu hirgaliyay System cusub, kaas oo fudeeyay in lala xisaabtamo hay’ado waa weyn oo ka tirsan dowladda, sida talisyada NISA iyo Xoogga dalka Soomaliyeed.

“Masuuliyadda Xafiiskaan Saaran waxa ay tahay dhowrista hantida qaranka ee umadda Sooaaliyeed iyo isla xisaabtanka, howshaas aan qabaneynano waxaan u mareynaa 3 waddo oo kala ah, 1- Habka maamulka maaliyadda iyo sida loo isticmaalay, 2-Dib u eegista hayadaha qaran wajibaadka loo idmaday sida ay u gutaan shaqooyinkii loo qorsheeyay iyo tan Sadaxaad oo ah Baaris gaar ah oo aan ku dabagalno qaladaadka ay noosoo gudbiyaan qeybaha bulshada, taasoo aan u saxno sidii loogu talagalay” ayuu yiri Mudane Afgooye.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo hadalkiisa sii watay ayaa xusay in ay sanadkaan ku guuleysteen qorshaha isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga, ayna baaris iyo dabagal buuxa ku sameeyeen hay’adaha rayedka iyo kuwa ciidanka, taas oo suuragalisay in lasaxo nidaamka maaliyadda iyo dakhli uruurinta, islamarkaana Xafiiska hantidhowrka qaranku uu qeyb weyn ka qaatay qorshaha qaran ee la dagaalanka Musuq Maasuqa .

“Islaxisaabtanka Xafiiska hantidhowrka ayaan ka bilaawnay, markii aan kala saarnay Shaqaalaha xafiiska ka howlgalayay kadib waxaa nooga soo baxay dad Khibrad iyo aqoon u leh shaqada, anagoo badalnay 4 agaasime, Waxaa baaris iyo dabagal lagu sameeyay dhammaan hayadaha dowladda rayadka iyo ciidankaba, sida kuwa Amniga oo aan baaris ku sameyn, talooyin ama qaladaadkii nooga soo baxayna waxaan la wadaagnay xafiisyadii ay quseysay” ayuu yiri Hantidhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali Afgooye.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay kulanka ayaa boggaadiyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.
Guddoomiyaha ayaa ka hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dawladda.

“Soomaaliya waxay horumar weyn ka gaartay sannadihii dhawaa la dagaallanka musuq-maasuqa, balse horumar masii jiri karo ilaa xidida loo siibo musuqa. Maamulka Gobolka waxaan bilownay qorsheyaal aan kula dagaalamayno musuq-maasuq si loo hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Xafiiska hantidhowrka Qaranka Soomaaliya oo la aas aasay sanadku markuu ahaa 1960-kii, waxaana la dhihi karaa sanadkaan wuxuu xafiisku qabtay howlo muhiim ah oo ay mahadiyeen bulshada Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya ka dalbanayay in la xisaabiyo hay’adaha dowladda si meesha looga saaro eedeeymaha la xiriira In si qaldan loo maamulo daqliyada kaladuwan ee soogala dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...