Ra’iisul Wasaare Khayre oo suudan kaga mahad celiyay taageeradooda wax barasho

Date:

Khartuum, August 6, 2018 –– Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo booqday xarunta jaamacadda Caalamiga Ee Afrika ee magaalada Khartuum oo ay wax ka bartaan ardaya Soomaaliyeed ee ugu badan ee dalkaas waxbarashada u jooga, ayaa kula kulmay madaxda jaamacadda iyo xubna kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ee jaamacadda wax ka barta.

Guddoomiyaha jaamacadda caalamiga ee Afrika Kamal Obeid iyo xubna kamid ah maamulka la shaqeeya ayaa Ra’iisuul wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay xarunta jaamacadda, waxa ayna uga mahad celiyeen booqashada uu ugu tegay iyaga oo uga war-bixiyay xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa jaamacadda caalamiga ee Afrika, jaamacadaha kale ee dalkaas iyo dawladda Suudaan uga mahadceliyay taageerada waxbarasho ee joogtada ah, waxa uuna si gaar ah u xusay in Suudaan ay kamid tahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageera waxbarashada kadib burburkii dawladdii dhexe.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda uga xog-waramay xaaladda dalka, rejada soo kabashada, horumarrada muuqda iyo qorshaha la doonayo in lagu laba jibbaaro dadaalada lagu soo celinayo sharafka iyo Karaamada ummadda Soomaaaliyeed, isaga oo ku dhirri geliyay in ay dawrkooda ka qaataan dib u soo kabashada dalka, ayna ixtiraam iyo hab-dhaqan wanaagsan u muujiyaan shacabka iyo dawladda Suudaan.

“Waxa aad tihiin safiirradii dalkeenna, shacabka iyo dawladda Suudaan u muujiya ixtiraam, walaaltinimo, dhaqan wanaagsan, waxaa aad sidoo kale la idinka doonayaa in aad ka qayb qaadtaan dhismaha iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Aqoontiina waa in aad dadka iyo dalka Soomaaliyeed uga faa’iidaysaan” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Khayre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta madaxtooyada Suudaan kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada ee dalka Suudaan Bakri Xasan Saalax oo ay ka wada hadleen xariirka walaatinnimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sii adkeynta xariirkaasi.

 

–DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...