Home Blog Page 1245

Maamulka Gobolka Banaadir oo olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda

0

Muqdisho-(SNTV)-Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Shacabka Caasimadda ayaa olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda, iyadoo ololahan uu qeyb ka yahay Barnaamijka Is-xilqaan ee horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ololahan ayaa ah mid joogta ah oo isbuuc walba ay ka qayb qaadanayaan dhammaan Maamulka heer Gobol iyo heer Degmada, ganacsatada iyo shacabka. Waxana lagu nadiifiyey jidad muhiim ah oo ku yaalla halbowlaha magaalada.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa boggaadiyey barnaamijka Is-Xilqaam ee dalka lagu dhisayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in nadaafaddu ay ka bilaabato guriga iyo deegaanka uu qof walba ku nool yahay, maamulkiisuna uu mudnaanta siinayo ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Caasimadda. Isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in ay u istaagaan horumarinta dalkooda.

“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ugu baaqayaa in wadajir looga qeyb qaato madaafadda, si Caasimaddu dib ugu soo ceshato bilicdii ay caanka ku ahayd barisamaadkii”.Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yariisoow.

Maamulka Gobolka Banaadir oo olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Amin Ambalaas u ballan qaaday garab istaag

0

Muqdisho (SNTV)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa kala hadlay sidii loo joogteyn lahaa adeegyada caafimaad ee hay’addan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in gargaarka deg-degga ah ee hay’addan uu kaalin muhiim ah kasoo qaatay badbaadinta muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhaawacmay falalkii arxan darrada ah ee kooxda argagixisada Alshabaab ay ka geysatay Gobolka Banaadir.

“Shaqadii iyo dadaalkii aad soo waddeen muddada 12-ka sano ahayd ee la soo dhaafay, waxa ay ahayd mid muhiim ah oo ay idiin ogsoonyihiin shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed. Waxaan rajeynaynaa in aad dadaalkiinna sii waddaan una dhabar adeygtaan duruufaha idin soo food saari kara.”

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta Aamin Ambalaas, isagoo ku baaqay in taageero badan la siiyo Aamin oo ah adeegga Ambalaas kaliya oo bilaashka ah ee ka jira Caasimadda shaqeeyana afar iyo labaatanka saacadood maalin kasta.

Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir sida deg degga ah ee ay uga jawaabeen baaqii ay dhaween soo saartay hay’addu.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo midka Hay’adda Aamin Ambalaas ayaa isla qaatay in la sii wado shaqada ay hayaan gaadiidka deg-degga ah ee Aamin, iyadoo qorshe laga yeelanayo xal u helista caqabadaha ka haysta dhanka dayactirka iyo xereynta gaadiidka, xafiisyada shaqada iyo tayeynta shaqaalaha.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka

Muqdisho (SNTV), Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah la qaatay Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka XFS, ayaa  waxaa kulankaasi looga hadlay shantii cutub ee dastuurka ee dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga madaxa banaan iyo la socodka dastuurka, iyaddoo guddiga ay wasaarada kala hadleen waxa ka quseeya shantaasi cutub sida Maqaamka caasimada, Jinsiyada, Federaalka ,qaabka ay u dhismeen Dowlad goboleedyadda, doorashooyinka iyo awood qeybsiga.

Kulanka oo saacado qaatay ka dib waxaa warbaahinta la hadlay ugu horayn Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu sheegay in howlaha wasaaradda ay waxbixn ka siiyeen guddiga iyo waxyaabaha ka quseeya Shanta cutub ee dastuurka, kaasi oo dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga dib u eegista dastuurka.

Sanatar Cabdi xasan cawaale qaybdiid guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in labada dhinac ay ka wada shaqaynayeen hal shaqo, balse loo baahan yahay in guddiga ay hay’adaha dowlada ee ay quseyso dastuurka la shaqeeyaan.

“Waxaan u mahadcelinayaa wasiirka , wasiiru dowlaha , wasiir ku xigeenka iyo howl wadeenada la socday, labada dhinac ee guddiga iyo wasaarada hal shaqo ayaan wada heynay hay’adaha kale ee dowladana waxaan ka codsanaynaa in ay nala shaqeeyaan” ayuu yiri Sanatar Cabdi Qeybdiid.

Muddooyinkii ugu danbeeyay guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay kulamo la qaadanayeen hay,adaha dowlada iyo qaybaha kala gedisan ee bulshadda.

Kulan looga hadlay Wada shaqeynta Booliska iyo Bulshadda oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV), Kulan looga hadlay wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu qabtay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana kasoo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, Saraakiil ka socday AMISOM, Taliyeyaasha Saldhigyada iyo Saraakiisha kala ee duwan C.B.S.

Kulankaasi, ayaa aad waxaa looga hadlay sida ay wada shaqeyn karaan Bulshadda iyo Booliska, waxaana Saraakiil ka hadashay kulanka ay soo jeediyeen Talooyin iyo aragtiyo kala duwan, waxaana ay sheegeyn in Booliska uusan shaqeyn Karin kaligiis, haddii uusan helin la shaqeyn iyo garab istaag ka imaanayo Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa kulankaasi ka sheegay Muhiimadda ay leedahahay in Bulshadda inay la shaqeeyaan Booliska, isaggoo tilmaamay in xoogga ay saari doonaan siddii Shacabka ay u kasban lahaayeen.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” , oo gabogabada kulanka hadlay, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed hadda laga darreemayo inay sameynayaan Horumar si xowli ah ku socda, waxaana isna dhankiisa uu soo bandhigay sida u wanaagsan ee ay uwada shaqeyn karaan Booliska iyo Bulshadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka

0

Muqdisho (SNTV), Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacbaka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sidoo kalena uu goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey,waxa uu guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uu la qaatay guddiga madaxa banaan ee dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Guddiga ayaa guddiga joogtada ah ee golaha shacabka u soo bandhigayay warbixin ku saabsan waxqabadka guddiga iyo intii la aas aasay qaabka ay u shaqeynayeen iyo kulamadii shaqo oo ay yeesheen, sidoo kale guddiga faah faahin ka bixiyay wada shaqeynta ay la leeyihiin guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka Dalka sida uu sheegay guddooomiyaha gudiga madaxa banaan ee dib u eegisa iyo hirgelinta dastuurka Dr Maxamed Daahir Afrax.

Xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulanka ka dhiibtay aragtiyadooda, waxyaabaha ay aadka uga hadleena waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira cutubyada dastuurka ee guddiga ilaa hadDa uu kasoo shaqeeyay iyo arrimaha miisaaniyada.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sheegay in kan guddoon ahaan ay la socon doonaan arrimaha dib u eegisa iyo hir gelinta dastuurka siddii loo dar dar geliyo.

Guddoomiyaha golaha shacbaka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hir gelinta dastuurka warbixinta kooban oo ay guddiga siiyeen, isaggoo sheegay in golaha shacabka ay sii joogteyn doonaan kulamada ay la qaadanayaan guddiyada madaxa banaan si loola socdo howlaha ay haayaan.

Madaxweynaha oo Garsooreyaal cusub u magacaabay Maxkamadda sare

Muqdisho, Ogoosto 9, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka,  keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

–      Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

–      Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

–      Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

–      Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

–      Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo  ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:

–      Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

–      Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.

–      Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

–      Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

–      Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.

–      Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Midowga Yurub ay ka wada hadleen taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya,isagoona dhanka kale tilmaamay iney ka go’an tahay iney ka wada shaqeeyaan horumarka dalka.

‘Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo aan ka wada hadalnay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana naga go,an inaan ka wada shaqeyno horumar ka Dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo dardar gelinta howlaha Maamulka iyo Maaliyadda dalka oo ay Hay’adaha dhaqaalaha aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.

gudoomiyaha gobolka banaadir oo bogaadiyey Doorka aqoonyahannada Soomaaliyeed ay ka qaateen horumarinta waxbarashada dalka.

0

Muqdisho Khamiis August 9 (SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayey sanad-guurada 20-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Jaamacadda Muqdisho ayaa ku boogaadiyey dadaallada ay ku bixiyeen aqoonyahannada Soomaaliyeed badbaadinta mustaqbalka da’yarta iyo hirgelinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay dhabar adayggii iyo hal abuurkii bahda waxbarashadu ay ku samata bixiyeen waxbarashada dalka wakhtiyadii burburka, isagoona sheegay in dhammaan hawlwadeennadii wakhtigooda iyo maalkoodaba u horay barbaarinta iyo kobcinta aqoonta jiilasha maanta ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

“Iyadoo dalka ay ka jirto xaalad adag, qofkastana ay nolashu ku culustahay ayaa waxaa horumarinta waxbarashada dhexda u guntaday aqoonyahanno Soomaaliyeed oo aan helin taageero dowladeed, maantana waxa ay ina gaarsiiyeen in aan ku faani karno heerka waxbarasho ee ka jirta dalka.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in dib u kabashada dalka, dowladnimada iyo kobaca wacyiga bulshada ay xoojinayaan nidaamka waxbarashada dalka, culayskana ay ka fududeysay, gaar ahaan mideynta manhajka,isku xirka bahda waxbarashada, taakuleynta iyo tayeynta macalimiinta, dalladaha iyo xarumaha waxbarashada.

“Aqoonyahannada Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay udub dhexaad u noqdaan qorshayaasha lagu wajahayo caqabadaha dib u dhigay himilooyinka shacabkeenna oo ay ugu horreyso qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, sababtoo ah aqoontu ayaa lagu daaweeyaa dhibaatooyinka soo food saara ummadaha.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu hambalyeeyay maamulka,macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda Muqdisho sannad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay asaaska Jaamacaddan,waxa uuna kula dardaarmay in qoondo waxbarasho loo sameeyo dadka barakacayaasha ah, maadaama aysan dhaqaale ahaan inta badan awoodi karin ku biirista Jaamacadaha

.

 

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Somalia oo dhagax dhigtay dhismaha Xarunta dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee degmada Cabadi Casiis

0

Muqdisho, Khamiis August 9 (SNTV);- Xaruntii hore ee Dabaasha iyo Teeniska Miiska ee degmada Cabdi Casiis ayaa waxaa maanta Mashruurca dhismaha Wajiga Koowaad ee xarunta dhalinyarada iyo Ciyaaraha dhagax dhigtay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhagax dhiga ayaa waxaa Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir,madaxda Xiriirada Ciyaaraha Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Cabdi Casiis ee Maamulka Gobolka Banaadir Sharmarke Maxamed Ladane ayaa sheegay in Maamulka degmada aad ugu farxsan yihiin dib u dhiska xarumaha degmada lagu sameynayo,isagoona soo dhoweeyay tallaabadan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti ayaa Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya ku ammaantay dowrka ay ka qaadaneyso fursadaha lagu dhiira gelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Mashruucaan lagu dhisayo xarunta dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee degmada Cabdi Casiis ay tahay balan qaad horay ay u sameeyeen,islamarkaana fulintiisa hadda suurta gashay.

Waxay sheegtay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye muhiimada ay ka leeyihiin dhismaha xaruntaan iney tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada Cabdi Casiis ay helaan goob ay ku ciyaaraan si jirkooda u dhistaan una soo saaraan feker ka shaqeynaya horumarka dalka,waxayna Bulshada reer Cabdi Casiis ay ka dalbaday iney ka shaqeeyaan sidii xaruntaan u ilaashan lahaayeen.

Wasiir ku xigeenkii Arrimaha Dibedda oo shaqadii laga joojiyey

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wareegtadaan ayaa waxaa warbaahinta Qaranka ka akhriyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Alcadaalla.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,markuu arkay qodobka 100,xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS,markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka,xeer hoosaadka Golaha Wasiirada,shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan,isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka

Markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda,markuu garowsaday in la gun gaaro dulucda Murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin,laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Augost sanadka 2018-ka,waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud Waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”