Wasiirka Maaliyadda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub

Date:

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Midowga Yurub ay ka wada hadleen taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya,isagoona dhanka kale tilmaamay iney ka go’an tahay iney ka wada shaqeeyaan horumarka dalka.

‘Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo aan ka wada hadalnay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxaana naga go,an inaan ka wada shaqeyno horumar ka Dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo dardar gelinta howlaha Maamulka iyo Maaliyadda dalka oo ay Hay’adaha dhaqaalaha aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...