Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka

Date:

Muqdisho (SNTV), Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah la qaatay Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka XFS, ayaa  waxaa kulankaasi looga hadlay shantii cutub ee dastuurka ee dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga madaxa banaan iyo la socodka dastuurka, iyaddoo guddiga ay wasaarada kala hadleen waxa ka quseeya shantaasi cutub sida Maqaamka caasimada, Jinsiyada, Federaalka ,qaabka ay u dhismeen Dowlad goboleedyadda, doorashooyinka iyo awood qeybsiga.

Kulanka oo saacado qaatay ka dib waxaa warbaahinta la hadlay ugu horayn Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu sheegay in howlaha wasaaradda ay waxbixn ka siiyeen guddiga iyo waxyaabaha ka quseeya Shanta cutub ee dastuurka, kaasi oo dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga dib u eegista dastuurka.

Sanatar Cabdi xasan cawaale qaybdiid guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in labada dhinac ay ka wada shaqaynayeen hal shaqo, balse loo baahan yahay in guddiga ay hay’adaha dowlada ee ay quseyso dastuurka la shaqeeyaan.

“Waxaan u mahadcelinayaa wasiirka , wasiiru dowlaha , wasiir ku xigeenka iyo howl wadeenada la socday, labada dhinac ee guddiga iyo wasaarada hal shaqo ayaan wada heynay hay’adaha kale ee dowladana waxaan ka codsanaynaa in ay nala shaqeeyaan” ayuu yiri Sanatar Cabdi Qeybdiid.

Muddooyinkii ugu danbeeyay guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay kulamo la qaadanayeen hay,adaha dowlada iyo qaybaha kala gedisan ee bulshadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...