gudoomiyaha gobolka banaadir oo bogaadiyey Doorka aqoonyahannada Soomaaliyeed ay ka qaateen horumarinta waxbarashada dalka.

Date:

Muqdisho Khamiis August 9 (SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayey sanad-guurada 20-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Jaamacadda Muqdisho ayaa ku boogaadiyey dadaallada ay ku bixiyeen aqoonyahannada Soomaaliyeed badbaadinta mustaqbalka da’yarta iyo hirgelinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay dhabar adayggii iyo hal abuurkii bahda waxbarashadu ay ku samata bixiyeen waxbarashada dalka wakhtiyadii burburka, isagoona sheegay in dhammaan hawlwadeennadii wakhtigooda iyo maalkoodaba u horay barbaarinta iyo kobcinta aqoonta jiilasha maanta ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

“Iyadoo dalka ay ka jirto xaalad adag, qofkastana ay nolashu ku culustahay ayaa waxaa horumarinta waxbarashada dhexda u guntaday aqoonyahanno Soomaaliyeed oo aan helin taageero dowladeed, maantana waxa ay ina gaarsiiyeen in aan ku faani karno heerka waxbarasho ee ka jirta dalka.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in dib u kabashada dalka, dowladnimada iyo kobaca wacyiga bulshada ay xoojinayaan nidaamka waxbarashada dalka, culayskana ay ka fududeysay, gaar ahaan mideynta manhajka,isku xirka bahda waxbarashada, taakuleynta iyo tayeynta macalimiinta, dalladaha iyo xarumaha waxbarashada.

“Aqoonyahannada Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay udub dhexaad u noqdaan qorshayaasha lagu wajahayo caqabadaha dib u dhigay himilooyinka shacabkeenna oo ay ugu horreyso qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, sababtoo ah aqoontu ayaa lagu daaweeyaa dhibaatooyinka soo food saara ummadaha.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu hambalyeeyay maamulka,macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda Muqdisho sannad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay asaaska Jaamacaddan,waxa uuna kula dardaarmay in qoondo waxbarasho loo sameeyo dadka barakacayaasha ah, maadaama aysan dhaqaale ahaan inta badan awoodi karin ku biirista Jaamacadaha

.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...