Home Blog Page 1239

Dhismaha Isbitaalka Buur-hakaba oo meel wanaagsan maraya

Buur-Hakaba (SNTV) Guddomiyaha degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, Maxamed Ibraahim Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan isla markaana uu socdo howlgallo lagu xaqiijinayo Xaaladda amni deegaanada hoos yimaada degmada.

Guddoomiyaha  ayaa sidoo kale sheegay in wada shaqayn wanaagsan ay kala dhexeyso Shacabaka degmada  taasna ay keentay in ammaanka uu wanaagsanaado.

Max’ed Ibraahim Nuuur, guddoomiyaha degmadda Buur-hakaba ayaa sidoo kale xusay in horumar dhanka caafimaadka uu ka socda degmada,  isagoo tilmaamay in cisbitaal weyn ay dhawaan dhegax dhigeen, haatana dhismihiisa uu meel fiican marayo taa oo ay ka qeyb-qaadanayaan qeybaha kala duwan ee Shacabka iyo ganacsatada degmada.

Degmada Buur-hakaba, waxaa inta badan laga cawdaa biyo yari ka jirta maadaama aysan laheyn ceelal  ku filan dadka degan degmada, hase ahaatee guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay arrintaas wax weyn ka qabteen oo  ay ceel biyood ka hirgeliyeen halkaas.

Guddoomiye Maxamed  ayaa sidoo kale sheegay in meel gabagabo ah uu marayo dhismaha garoon diyaaradeed oo degmada Buur-hakaba ay yeelato  kaas oo qeybka ah horumarka maamulka ay ka sameeyeen degamada.

Ugu dambeyn  gudoomiyaha degmada Buur-hakaba ayaa ugu baaqay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo  dowlada federaalka si loo cirib tiro maleeshiyaadka Alshabaab isla markaana loo furo waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ee marta Buur hakaba.

Dood-wadaag ku saabsan Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho-(SNTV-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, Sheekh Cali Wajiis iyo Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa si qoto dheer u sharxeen Shareecada Islaamka iyo iyo Dastuurka waxayna ka jawaabayeen su’aallaha ka qeyb galayaasha.

Wasiir Ku-Xigeenka oo ka hadlayay qodobada aas-aasiga u ah
Dastuurka ayaa sharxay sida Datuurka uu u waafaqsan yahay Shareecada.

“Sida aad ogtihiin Dastuurka Soomaaliya waxa uu waafaqsan yahay Shareecada Islaamka, sida Dastuurka ku qoran wax walba oo Shareecada Islaamka ka hor imaanaya waa waxba kama jiraan,  Waxaa la rabaa in dadka Soomaaliyeed ay sidaa ula socdaan oo ay Dastuurkooda ilaashadaan” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

Sidoo kale Sh Cali Wajiis ayaa aad u sharxay taariikhda Dastuurka oo uu sheegay inay soo bilaabatay xilligii Nabi Maxamed (NNKH), waxuuna sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay aad ugu qanacsan-yihiin dib-u-eegista Dastuurka ee xilligan socota isagoona tilmaamay in aysan  jirin qodob Dastuurka ku jira oo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka.

Dhanka kale, Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa isagana ka hadlay aragtida Qareenada ee Dastuurka.

Ugu dambayn, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Wasaaradda ayaa sii wadi doonta qabashada Doodaha ay shacabka fursad ugu helayaan in su’aallahooda ku saabsan Dastuurka looga Jawaabo.

Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay dib u furidda waddooyinkii xirnaa

0

Muqdisho (SNTV) Shacabka Muqdisho ayaa si caadi ah u isticmaalaya wadooyinka magaalada Muqdisho oo xirnaa maalmihii u dambeeyey, kadib markii kulanka Guddiga Amniga Qaranka laamaha amniga lagu faray in ay furaan waddooyinka muhiimka ah si shacabku ay u isticmaalaan.

Isgoysayada furan ee shacabku ay isticmaalayaan waxaa kamid ah kuwa dhexmara waddada Wadnaha tan Makka Al-mukaramah iyo kuwa kale oo badan oo xiligaan ay si caadi ah u isticmaalayaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Arrintaan ayaa durbadiiba waxaa soo dhaweeyay shacabka magaalada Muqdisho oo Dowladda ku ammaanay sida ay ula socoto rabitaanka shacabka oo maalmihii dambe dalbanayey in la furo qaar kamid ah waddooyinka magaalada, iyadoo qaar kamid ah shacabka oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ay ku tilmaameen arrintan mid muujineysa iska warqabka Dowladda iyo Shacabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, taasi oo keentay in Guddiga Amniga Qaranka ay  go’aamiyeen in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinkii xirnaa sida  Soddonka, Makka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Taliyaha Booliska iyo Michel keating oo gaaray Gaalkacyo

Gaalkacyo (SNTV) Waxaa goor dhow magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaaray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ay wehliyaan Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michel keating iyo saraakiil kale.

Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey saraakiil katirsan ciidanka Booliska iyo masuuliyiinta magaalada Gaalkacyo.

Wefdigaan ayaa magaalada u gaaray sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen howlaha amni xaqiijinta ah ee magaaladaasi ay ka wadaan ciidanka isku dhafka ah ee loo xilsaaray xasilinta magaalada Gaalkacyo ee ka kala socda Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Michel Keating ayaa kormeeray Saldhigga Booliska ee Shabeel oo xarun u ah ciidanka isku dhafka ah, iyagoo halkaasi warbixino uga qaatay saraakiisha hogaamineysa ciidanka.

AMISOM oo taba-bar dheeraad ah siisay Ciidamada Amniga Baydhabo.

Baydhabo-(SNTV)-30 xubnood oo ka mid ah Ciidanka Booliska maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tababar soconayay 10 Cisho loogu soo xiray Magaalada baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Kooraskan gaaban oo ay abaabulkiisu lahaayeen Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa lagu baranayay hubinta, xakamaynta, qabashada , maareynta dembiyada Dadweynaha, ka hor tagga rabshadaha iyo mudaaharaadyada.

Tresphord Kasale, oo ah Isuduwaha Booliska AMISOM ee Koonfurta Galbeed  ayaa sheegay in xubnaha tababarka loo soo xiray loo qalabeyn doono si wanaagsan, si’  ay u maareeyaan ammaanka guud, gaar ahaan goobaha ay bulshadu  ku badan tahay.

Soddonkan Xubnood oo laga soo kala xulay Saldhigyada Booliska ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka mahad celiyeen sida hagar la’aanta ah ee loo baray waajibaadka ka saaran la dhaqanka Bulshada, waxa ay ballan qaadeen in ay ku dhaqmi doonaan Casharradii ay qaateen.

Waxaa bilowday Beegsiga Saldhigyada Al-shabaab

Ciidammada Xoogga dalka  ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan raggii Al-shabaab Qaraxyada ugu diyaarinayey gobolka Shabeellada Hoose kaddib weerar ay ku qaadeen kooxdaas.

Ciidammada Xoogga dalka ayaa qaadey weerar qorsheysan oo ka dhacay dhowr saldhig oo ay Al-shabaab ku lahaayeen dhulka Hawdka ah ee gobolka Shabeellada Hoose.

“waxaa la burburiyey saddex Saldhig oo Argagixisada ku diyaarin jireen Qaraxyada, waxaan gacanta lagu dhignay koox malleeshiyo Qaraxyada Qaabilsaneyd oo  hadda ku jira gacanta ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed,  howlgalka waxaa fuliyey ururka 15-aad ee qeybta 12-ka April” waxaa sidaas yiri  G/sare Maxamed Maxamuud Guutaale oo ah taliyaha qeybtaas.

Ciidammada Xoogga dalka  oo ay kaabayaan saaxiibbada Mareykanka ayaa billaabay beegsiga saldhigyada iyo horjoogeyaasha Al-shabaaba ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose.

 

Ciidanka Asluubta oo daryeel u sameynayo caruurta ku dayacan Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa dhalinyaradan waxyaabaha maanka dooriya isticmaalayay oo gaaraya 25 ka aruuriyey Isgoyska Celgaabta iyo Suuqa Xamar wayne, si daryeel iyo xanaano loogu sameeyo bulshadana looga badbaadiyo dhibka ay gaarsiin karaan.

Dhaqan celinta iyo daryeelka Carruurta aan cidna ku tiirsanayn waa mid ka mid ah waajibaadka uu u xilsaaranyahay Taliska Asluubta Soomaaliyeed.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda daryeel iyo waxbarasho siiya ku dhawaad 500 oo Carruur ah oo ku jira xarumo kale duwan oo dalka ah.

Xukuumadda Soomaaliya oo daah-furtay habka Mideynta Canshuurta

Muqdisho (SNTV) Kulankaan wadatashiga ah ayaa ahaa mid looga hadlayey habka Mideynta Canshuuraha Dalka iyo ka doodista Canshuuraha laga qaado shaqaalaha iyo macaashka ganacsiga iyo midka gadista, waxaana ka qeyb galay wasiirada Maaliyadda Dowladda Dhexe iyo kuwa Dowlad-goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo daah furay kulanka ayaa sheegay iney wadaan dadaalo ku aadan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha soo gala dalka.

“Waxaanu maanta Kawada hadalnay arrinta canshuuraha dalka iyo mideyntooda, waxaa kale oo aan diiradda saarnay arrimaha Kharashka iyo sidii meel la iskula dhigi lahaa, maanta iyo Barri ayuu shirku socon doonaa”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku amaanay wasiirada Maaliyadda Dowlad-goboleedyada dalka xiriirka wanaagsan oo ay la leeyihiin wasaaradda.

“Aadbaan runtii ugu faraxsanahay wada shaqeynta iyo xiriirka naga dhaxeeya saaxiibadey wasiirada Maaliyadda, waxaa ii muuqda in khibrad badan ay noo sii kordheyso oo mar waliba aan wax cusub isla qaadaneyno”ayuu mar kale yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka iyada oo kaashaneysa wasaaradaha Maaliyadda ee dowlad-goboleedyada.

Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo soo dhaweysay ka mid noqoshada COMESA

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan Galaambi oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa u mahad-celiyay madaxda Qaranka sida ay isugu howleen in Soomaaliya mar kale kamid noqoto Suuqa Ganacsi ee Bariga iyo Koofurta Afrika ee COMESA.

C/raxmaan C/laahi Aadan Galaambi ayaa sheegay in Suuqa COMESA, uu ahmiyad weyn u leeyahay Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in guul weyn ay tahay in Soomaaliya ay dib ula soo laabatay xubinimadeeda.

Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan la dayacin fursadan isla markaana looga faaiideyso sidii loogu talo galay, waxaana uu Xukuumadda Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu dadaashay in suuq loo helo wax soo saarka dalka, isagoona sheegay in Soomaaliya maadaama ay kamid tahay aas aasayaasha ururkan ay heli karaan ganacsatada Soomaaliyeed mudnaan gaar ah.

Suuqa COMESA ayaa waxaa ku jira 21 dowladood, waxaana horey loo oran jirey PTA hase ahaatee sanadkii 1994 ayaa loo bedeley Suuqa ganacsiga ee bariga iyo Koofurta Afrika ee COMESA.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Shir-gudoomiyay Kulan Looga Hadlay Horumarinta Hawlaha Dekadda Muqdisho

Muqdisho(SNTV):- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan looga hadlayay sidii horumarin loogu samayn lahaa shaqada dekadda Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka dekadaha, wasiir ku-xigeenka maaliyadda, taliyaasha Booliiska iyo asluubta, ku-simaha gudoomiyaha gobalka Banaadir iyo maamulka dekadda Muqdisho, waxaana aad looga dooday sida ugu habboon ee dekadda Muqdisho ay ugu shaqayn karto habeen iyo maalin iyada oo dhammaan masuuliyiinta kulanka ka qayb gashay ay soo jeediyeen talooyin muhiim ah.

Kulanka kadib ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) waxa uu kormeeray dekadda Muqdisho isaga oo u kuur galay qaabka loo wado shaqooyinka ka socda, war-bixinna ka dhagaystay maamulka dekadda.

Shirka maanta laga yeeshay horumarinta shaqada dekadda Muqdisho ayaa daba socday go’aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.