Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee G/Shacabka oo kullan la qaatay Masโ€™uuliyiinta Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Date:

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):-Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka uu maanta la qaatay Masโ€™uuliyiinta hayโ€™adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacyaasha ayaa ahaa mid Guddiga warbixin ku saabsan waxyaabaha ay hayโ€™adda qabato gaar ahaan warbixin ku saabsan xaalada dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah daafaha caalamka iyo dadka gudaha ku barakacay.

Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Hayโ€™adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacyaasha ka dhageystay baahiyaha ay qabaan wuxuuna uga mahad celiyay howsha adag oo ay hayโ€™adu heyso.

Xildhibaan Maxamed C/lle Faarax Geesey oo ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Gudiga arrimaha gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in muhiimadda kullanka uu ahaa sidii warbixin dhameystiran Guddiga uga heli lahaa arrimaha Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha,islamarkaana uga jawaabi lahaa baahiyaha jira.

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa dardar gelinaya howlaha horyaala Guddiga si Shacabka Soomaaliyeed loogu adeego.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...