Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee G/Shacabka oo kullan la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Date:

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):-Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka uu maanta la qaatay Mas’uuliyiinta hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacyaasha ayaa ahaa mid Guddiga warbixin ku saabsan waxyaabaha ay hay’adda qabato gaar ahaan warbixin ku saabsan xaalada dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah daafaha caalamka iyo dadka gudaha ku barakacay.

Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacyaasha ka dhageystay baahiyaha ay qabaan wuxuuna uga mahad celiyay howsha adag oo ay hay’adu heyso.

Xildhibaan Maxamed C/lle Faarax Geesey oo ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Gudiga arrimaha gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in muhiimadda kullanka uu ahaa sidii warbixin dhameystiran Guddiga uga heli lahaa arrimaha Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha,islamarkaana uga jawaabi lahaa baahiyaha jira.

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa dardar gelinaya howlaha horyaala Guddiga si Shacabka Soomaaliyeed loogu adeego.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...