Home Blog Page 1240

Kulan looga hadlayay dar-dar gelinta qorshaha kala guurka oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)-Kulan looga hadlayey ka baaraan-degga qaabka loo wajahayo marxaladda kala guurka ee ay AMISOM ammaanka Dalka ugu wareejineysao Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed waqtiga dhaw ayaa lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay Saraakiil sarsare oo kamid ah hoggaanka AMISOM, Lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Aqoon yahano, Hey’adaha dhanka ammaanka ka shaqeeya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Nuxurka laga hadlayey ayaa ahaa sidii Bulshada Soomaaliyeed loo fahimsiin lahaa qaabka ugu wanaagsan oo Ciidanka Qaranka ammaanka ula wareegayaan, iyadoo laga maarmayo Ciidamo kale oo caawiya.

Cabdi Saciid oo ah lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Dowladda Federalka ayaa tilmaamay in hadda Ciidanka Soomaaliya diyaar u yihiin lawareegida ammaanka Guud ee Dalka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan AMISOM kala wareegno ammaanka guud ee Dalka, taas hadda mar kasii horreysay ayaan billownay, Bilihii ugu danbeeyey waxaan ka shaqeyneynay qorshaha kala guurka” ayuu yiri, Taliyaha ammniga Qaranka.

Simon Mulongo, ah ku xigeenka Madaxa AMISOM ayaa tilmaamay in xoogagga midowga Afrika aysan u iman inay Soomaaliya waligood joogaan, balse ay u yimaadeen caawinta Shacbiga Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay AMISOM doorkeeda ka ciyaarayso qaabka SNA loogu wareejin lahaa dhawaan ammaanka Dalka.

“AMISOM halka uma iman inay waligeed lajoogto Dadka Soomaaliyeed, balse waxaa ay AMISOM u timid in ay caawisa Dadka Soomaaliyeed ,taasna waxaa ay ka mid tahay qorshayeesaha ugu waaweyn” ayuu yiri, Simon Mulongo.

Dowladda federaalka Soomaaliya Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibbadeeda Beesha Caalamka ayaa haatan wada qorshayaan ku saabsan sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshaha kala guurka, waxanay Ciidamada xoogga Dalka iyo Saraakiisha hoggaamineysaba isu diyaarinayaan in ay AMISOM kala wareegaan ammaanka guud ee Dalka.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay Maalmihii inna dhaafay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM wadeen Guluf ballaaran oo ka dhan ah nabad diidka, iyagoo kala wareegay degaanno badan oo ay markii hore ku sugnaayeen Malleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo dib u habeyn ballaaran ku sameeyay hay’adaha amniga dalka

Muqdisho, 16ka August, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan;

1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

3. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

4. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

5. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

6. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

7. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

8. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

9. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray dhammaan masuuliyiinta la magacaabay in ay si hufan uga soo dhalaalaan shaqooyinka loo igmaday.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Jamhuuriyada oo kulan la qaatay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka

0

Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay dhaqaaleyahannada Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka, ayaa kala hadlay qorsheyaasha guud ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guddigan ay hortaallo masuuliyad culus, lagana sugayo in aqoontooda iyo khibraddooda ay ugu faa’iideeyaan kor-u-qaadista iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, iyaddoo la diyaarinayo siyaasadda dhaqaalaha qaranka iyo qorsheyaal ku qotoma horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdu ku kalsoon tahay in xubnaha Guddigani ay ka soo dhalaali doonaan shaqooyinka loo igmaday, maadaama lagu soo xulay aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin dhaqaalaha, Dowladduna ay mudnaanta siineyso talooyinka iyo qorsheyaasha ay soo diyaarinayaan ee la xiriira kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo dhiirrigelinta uu u sameeyay.

Dhaqaaleyahannadan ayaa ballanqaaday in ay dadaal dheer ku bixin doonaan sidii ay cilmi-baaris iyo xog ururin uga sameyn lahaayeen dhaqaalaha dalka, una soo gudbin lahaayeen talooyin wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya ganacsiga iyo heerka nolasha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka in ay u kuur galaan ganacsiga iyo fursadaha shaqo ee ka jira dalka, mudnaan gaar ahna ay siiyaan dadka danyarta ah.

 

Wasiirka Waxbarashada dalka oo Kormeeray xarumaha Jaamacadda ummada ee Muqdisho

0

Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):- Wasiirka  Wasaaradda Waxbarashadda  Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay xarumaha jaamacadda Ummadda sida  Gaheyr iyo shabeelle ee magaalada Muqdisho.

Kormeerka wasiirka ayaa waxaa ku wehelinayay wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, iyagoo kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay jaamacadda Gaheyr.

Guddoomiyaha jaamacadda Ummadda Dr Maxamed Maxamuud Jimcaale ayaa wasiirka waxbarashada mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo xubnaha la socday u sheegay in xilligan  si habsami leh ay u socodaan howlaha  waxbarasho ee  jaamacadda.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre, ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimada koowaad ay siinayaan siddii loo horumarin lahaa jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dad badan ay wax ka barteen.

“Waxaan ku farxay howsha la qabtay, waxan rajeynayaa in muddo kooban horumar baaxad leh ku sameyn doonno, dhul badan oo ay laheyd jaamacadda ummadda ayaa dib loo soo celiyay, qaarna wali waa maqan yihiin, waxan rajeynayaa inay gacanta dowladda ku soo noqdaan, ahmiyada koowaad ayay noogu jirta siddii loo horumarin lahaa jaamacadda ummadda” ayuu yiri Wasiir Cabdulahi Goodax Barre.

Wasaaradda Waxbarashadda  Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya  ayaa boggaadiyay howsha uu qabtay guddoomiyaha jaamacadda Umadda Dr Maxamed Maxamuud Jimcaale.

 

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo Daah furay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho

0

Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):-Ra’iisul wasaare xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ( Qadar ) ayaa maanta daah furay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho taasi oo sanadkiiba mar la qabto.

Bandhiga buugaagta oo sanadkii 4-aad lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale Munaasabada lagu furayay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow). Qoraayaal Soomaaliyeed iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan oo soo buux dhaafiyay Hoolka lagu qabanayay Bandhiga Buugagta.

Madasha uu ka dhacayay Bandhigani waxaa la isugu keenay buugaag kala duwan oo ay qoreen Aqoonyahano Soomaaliyeed kuwaas oo ay kusoo bandhigeen Taariikhda Soomaaliya iyo Sheekooyin kala Duwan oo ay ka qoreen Marxaladaha kala duwan ee nolosha la xariira.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Eng Yariisow ayaa kormeeray qeybaha lagu soo bandhigay buugaagta la qoray isagoo iibsaday dhowr buug oo laga qoray Taariikhda Dalka.

Labo fannaaniin oo loo aqoonsadey kuwa ugu fiican Muqdisho

0

Arbaco 15, August, 2018, Muqdisho (SNTV) Kulankan oo ay ka soo qayb galeen madaxda iyo xubno katirsan Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, Qaar kamid ah Fanaaniinta SOomaaliyeed, Miyuusikyahanno, Khuburro katirsan Fanka SOomaaliyeed, Agaasimaha Guud ee WW.Dh. & Dalxiiska Soomaaliya, iyo martisharaf kala gedisan oo lagu casuumay kulanka.

Intii uu kulanka socday kulanka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed waxa ay qiimeeyn kusameeyeen gaar ahaan Fanaaniinta da’da yar kuwaasi oo ay kamid yihiin Khadar Keyow iyo Sacdiya Siman kadib markii ay halkaasi iyaga iyo fanaaniin kale ay kusoo bandhigeen heeso kala duwan oo ay dhageysteen dadkii kazoo qayb galay kulankaasi.

Khadar Keyow iyo Sacdiyo Siman ayaana ku guuleeystay in loo aqoonsado fanaaniinta sanadka 2018-ka.

Agaasimaha guud ee WW.Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Alcadaala oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa isagoo ku hadlayay afka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Max’uud Geele oo safar shaqo ku maqan ku aammaanay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed iyo dadkii kasoo shaqeeyay in ay maskaxdooda geliyaan taabagelinta howshan.

Khadar Keyow iyo sacdiyo Siman ayaa lagu guddoonsiiyey abaal marino katurjumaysa guusha qiimeynta kadib, Khadar Keyow oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qiimeeynta la sameeyay, isagoo u mahadceliyay Guddiga shaqada hagar la’aaneed ay qabteen si lamid ah dadkii gacan kusiiyay inuu noqdo fanan ku heesa afka hooyo.

Xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo suugaanta ayaa ah hay’ad mas’uul ka ah dhowrista iyo kormeerista dhaqanka iyo waxyaabaha muhiim-ka u ah qaranka Soomaaliya.

 

Guddoomyaha Gobolka Banaadir oo shaqada ka joojiyey saraakiill lagu eedeeyey musuq-maasuq

0

Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq.

Guddoomiyaha oo tix-raacaya soo jeedinta Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhulka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Qaranka waraaqda shaqo joojinta saraakiishan, isagoona ka codsaday in baaritaan furan lagu sameeyo eedaymaha loo soo jeediyey saraakiishan oo ay ka mid tahay in ay lacago sharci darro ah ka qaateen qaar ka mid ah bulshada Gobolka Banaadir.

Saraakiisha shaqo joojinta lagu sameeyey ayaa kala ah, Taliyeyaasha Ciidanka Illaalada Deegaanka ee degmooyinka Hodan, Warta-Nabadda iyo Shibis, iyadoona Maamulka Gobolka ay u sii igmadeen shaqada ay hayeen saraakiisha shaqada laga joojiyey Kuxigeennadooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana horrey tallaabooyinka sharciga waafaqsan looga qaaday masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa maamulka Gobolka oo lagu helay masuq-maasuq iyo wax is-daba-marin.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

0

Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay u qaabishan Soomaaliya, Faadumo Dayib oo hordhac u ah wafdi ay hoggaaminayso agaasimaha arrimaha haweenka ee Qaramada Midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo Soomaaliya booqasho ku imaanaysa maalmaha soo socda.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa aan u soo booqday in aan xoojinno wada shaqeynta ka dhaxaysa dawladda federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska haweenka ee Qaramada Midoobay. Aad ayaan ugu faraxsanahay sida uu noo soo dhaweeyay uuna noogu dhiirri geliyay shaqada haweenka ee Qaramada Midoobay”, ayay tiri Faadumo Dayib oo ka war-bixisay kulanka ay la qaadatay Ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale kala hadlay sidii codka dumarka Soomaaliyeed iyo ka qayb galkooda siyaasadda loo xoojin lahaa, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan hawsha lagu horumarinayo dawrka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dawladnimada.

Horjooge Alshabaab ah iyo Maleeshiyadiisa oo la khaarijiyay

Kismaayo(SNTV):-Howlgalloay Ciidamada xoogga dalka ka sameyeen deegaanno hoostaga Gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in lagu khaarijiyay 4 horjooge iyo 7 maleyshiyaad oo ka tirsan Al-shabaab.

Deegaanada laga fuliyay howlgalka ayaa la sheegay in ay ahayeen Muuse xaaji iyo deegaanka Araare oo Al-shabaab ay ku lahayeen saldhigyo kooban.

Abaandullaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Buule oo la hadlay Idaacada ciidamada ayaa sheegay in howlgaladan ay ciidamadu xoogga dalka ka fuliyeen degaanada Araare iyo Muuse Xaaji lagu dilay Afar Horjooge iyo 7 maleyshiyaad ah.

G/sare Maxamed Buule ayaa intaa Ku daray in gacanta lagu dhigay labo ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay isticmaalayeen Nabadiidka Al-shabaab , iyagoo burburiyay Saldhigyadii halkaas ay kulahaayeen Argagixisada.

Dowladda hoose oo marti qaad u sameysay wefdigii Eritrea

0

Muqdisho, August 15, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Mudane Cismaan Maxamed Saalax.

Marti sharafkan oo ay goob jog ka ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed, ayaa qaar ka mid ah kooxo fanneedka qaranku waxa ay u soo bandhigeen wafdiga dalka Eritrea suugaan ka tarjumeysa hiddaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey taariikhda magaalada Muqdisho ay u leedahay soo dhaweynta iyo marti gelinta Madaxda caalamiga ah ee booqashada ku yimaada Soomaaliya, isagoona sheegay in munaasabaddan ay ka tarjumeyso dib-u-kabashada dalka iyo sida uu u soo kobcayo amniga Caasimadda.

“Magaalada Muqdisho waxa ay astaan u tahay dawladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaiyeed. Dhammaanteen waxaan xasuusannahay sida ay ugu soo hiran jireen Madaxda Afrika iyo guud ahaan caalamka, maantana waxaa muuqata ifafaallo ku saabsan in maqaamkaasi uu u soo laabanayo caasimadda.”

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Mudane Cismaan Maxamed Saalax ayaa uga mahad celiyey Duqa Caasimadda soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay Soomaaliya uga soo kabaneyso bur burkii ku dhacay.

Sidoo kale, Wasiirka dalka Eritrea ayaa tilmaamay xiriirka ka dhaxeeya labada shacab iyo sida ay dhaqan wadaagta u yihiin, isagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo barwaqo.