Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo Laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Date:

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saacadahii lasoo dhaafay howl-gallo lagu baacsanaya argagixisada Al-shabaab ka sameeyay degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Taliska Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ujeeddada howl-galkan uu yahay cirib tirka haraadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid ah Dalka iyo in ay soo celiyaan nabadda iyo sharciga.

Hoggaanka Taliska xoogga Dalka, ayaa sidoo kale sheegay inuu haatan aad u sarreeyo iskaashiga ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed la leeyihiin leeyihiin AMISOM iyo saaxiibbadooda kale, taasoo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhexeysan Sh/dhexe iyo Sh/hoose waxay ku soo qabteen 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo Hubkooda, waxanay sidoo kale la wareegeen degaanno badan oo ay Gacanta ku hayeen nabad-diidka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay muujinayay feejignaan dheeri ah, taas oo ay barbar socdaan weerarro lagu baacsanayo Malleeshiyada Kooxda Al-Shabaab, iyagoo isu diyaarinaya in ay dhawaan la wareegaan amniga guud ee Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...