kusimaha madaxwaynaha dalka oo la kulmay madax ka socotay midowga yurub

Date:

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):- Kulanka oo uu shir Guddoominayay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa warbixin kooban looga dhageystay Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Waxaa kulanka oo uu sidoo kale ka qeybgalay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu gudiga madaxa bannaana ee doorashooyinka Qaranka waxyaabaha uu gudiga joogtada ah usoo gudbiyay ka mid ahaa halka ay mareyso howsha gudiga ,diiwaangelinta codbixiyaha ,qalabka doorashada loo adeegsan doono ee  u haboon xaalada dalka ,asteynta goobaha codbixinta iyo sidoo kale inta meelood oo ay ka dhici doonto.

Guddoomiyaha Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim ‘’Xaliima Yarey’’  ayaa si kooban guddiga joogtada ah ugu sharaxday waxyaabaha guddiga hadda u qabsoomay iyo caqabadaha jira.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka  Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Golaha Shacabka mar walba uu diyaar u yahay la shaqeynta guddiga madaxa bannana ee Doorashooyinka Qaranka.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in golaha shacabka wax walba oo uu gudiga madax banaan ee doorashooyina u baahanyahay uu kala xisaabtami doono hay’adaha ay quseyso si loo xaqiijiyo gaarsiinta dalka ee doorasho qof iyo cod ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen sidii Ururka Midowga Yurub uu usii xoojin lahaa taageerida Golaha shacabka gaar ahaan tayo dhisida gudiyada Golaha ,kala shaqeynta xagga kala talinta dejinta sharciyada gaar ahaan guddiyada sharciyada gacanta ku haaya iyo sidoo kale dar dar gelinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Ururka Midowga Yurub.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay ururka Midowga Yurub talaabooyinka uu Dowladda Soomaaliyeed ku taageeraayo gaar ahaan kabida Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka iyo guud ahaan mushaariicda horumarineed ee uu ku taageeraayo labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka maadaamaa midowga Yurub  uu soomaaliya dhinacyo badan ka taageero.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...