Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Date:

Muqdisho(SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Jabuuti,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarka madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka walaaltinimo ee  soojireenka ah ee ka dhexeeye labada dal,  horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti wuxuu kullamo la yeelan doonaa madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Iscmaaciil Cumar Geelle oo ay iska xog wareysan doonaan xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay qeyb ka tahay howlgalka Nabad-sugidda Midowga Afrika ee AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...