Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Billaabay la xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasiirrada | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Billaabay la xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasiirrada

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta bilaabay la xisaabtanka wasiirrada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqsi shaqsi ula fariistay wasiirrada Waxbarashada, Gargaarka, Biyaha iyo korontada, Haweenka iyo Xuquul Insaanka, Caafimaadka, Batroolka iyo Macdanta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana wasiir waliba oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda.

Wasiirrada soo gudbiyay qorshayaashii ay ku guulaysteen ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa ay u gudbinayaan qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsooma. La xisaabtanka wasiirrada ee maanta bilaawday waxa uu socnayaa inta dhammaan wasiirrada xukuummadda uu Ra’iisul wasaaruhu ka hubinayo uuna ka qiimaynayo sida mas’uuliyaddii la saaray ay u guteen iyo in la ogaado caqabadaha jira si loo xalliyo.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay isla xisaabtanka Ra’iisul Wasaaraha ee wasiirrada ayaa yiri, “Waxaa maanta dib noogu billaawday isla xisaabtankii sannadlaha ahaaa, waxa aan dib u eegnay wixii u qabsoomay iyo dadaalkii ay sameeyeen wasiirrada, waxaa kale oo maanta joogay wasiirra cusub oo loogu tala galay in la qabsadaan sifada uu Ra’iisul wasaaruhu ula fal galo si ay u samaystaan qorsha hawleedkooda ku salaysan argatida fog oo ku qotonta wasaaradaha loo dhiibay”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...