Ciidanka Xoogga Dalka oo Al shabaab kala wareegay  magaaladda Marka

Date:

Ciidanka Xoogga  dalka ayaa la wareegay magaalo madaxda Gobolka Shabeellaha hoose ee Marka.

Ciidanka ammaanka ayaa hawlgal qorshaysan kula wareegay magaalada Marka oo dhacda goob Istiraatiiji ah, waxaana haatan ciidamadan oo uu hogaaminayey ammaanduulihii hore ee xoogga dalka Jeneraal Cabdulaahi Cali Canood  ay wadaan baaritaan amniga lagu xoojinayo

Xarunta maamulka gobolka, Saldhigga Booliska iyo laantii Bankiga dhexe ee magaalada Marka ayaa ka mid ah meelaha ay ciidamadu haatan joogaan, waxaana meelaha qaar ay ka saareen miinooyin ay maleeshiyada Al-shabaab ku aasen.

Magaalada Marka waxaa dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey ku sugnaa maleeshiyada Al-shabaab iyo dabley qabaa’ilada deegaanka ah, balse hadda ayaa la doonayaa in nidaamka dawladnimada la xoojiyo marka la nabadeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...