Machadkii Arrimaha Diplomaasiyadda Soomaaliya oo maanta la dhagax dhigay

Date:

Muqdisho(SNTV):โ€“Mudane Axmed Ciise Cawada wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo danjiraha Dowladda Qadar ee Soomaaliya ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo machadkii arrimaha diblomaasiyadda Wasaaradda ay lahaan jirtay, kaasi oo kamid hay hayโ€™adihii dowliga oo in kabadan 25 sano burbursanaa, iyadoo ay hareer taagnaayeen diblomaasiyiin kale iyo wakiilka hayโ€™adda Qadar ee Soomaaliya Cabdi Nuur Xaaji Cali iyo xubno kale.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahadceliyay dowladda Qadar sida ay uga gacansiisay mashruucan dib u dhiska machadka.

โ€œWaxaan uga mahadcelinaynaa dalka walaalaha nahay ee Qadar in ay nagu gacan siiyaan dib u dhiska macahadkan,sifiirka Qadar ee Soomaaliyaย  wakaalken safiir Xasan Bin Xamza ayaan mahah gaar ah u celinaynaa maadaama uu dowr ka qaatay mashruucan oo ay maalgelinayso dhismihiisa Dowladda Qadar,waxaana ku soo dhaweynaya in aan si wada jir ah uย  dhagax dhignoโ€. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza ayaa isna kahadlay dhagax dhigaasi,wuxuu muujiyay safiirka sida ay uga goโ€™antahay dowladad Qatar in ay ka taageerto mahsariicda horumarineed ,islamarkaana ay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Qadar ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada mashaariicda horumarineed iyo mida gar gaarka baniโ€™aadanimo oo ay ka wadaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...