Machadkii Arrimaha Diplomaasiyadda Soomaaliya oo maanta la dhagax dhigay

Date:

Muqdisho(SNTV):–Mudane Axmed Ciise Cawada wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo danjiraha Dowladda Qadar ee Soomaaliya ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo machadkii arrimaha diblomaasiyadda Wasaaradda ay lahaan jirtay, kaasi oo kamid hay hay’adihii dowliga oo in kabadan 25 sano burbursanaa, iyadoo ay hareer taagnaayeen diblomaasiyiin kale iyo wakiilka hay’adda Qadar ee Soomaaliya Cabdi Nuur Xaaji Cali iyo xubno kale.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahadceliyay dowladda Qadar sida ay uga gacansiisay mashruucan dib u dhiska machadka.

“Waxaan uga mahadcelinaynaa dalka walaalaha nahay ee Qadar in ay nagu gacan siiyaan dib u dhiska macahadkan,sifiirka Qadar ee Soomaaliya  wakaalken safiir Xasan Bin Xamza ayaan mahah gaar ah u celinaynaa maadaama uu dowr ka qaatay mashruucan oo ay maalgelinayso dhismihiisa Dowladda Qadar,waxaana ku soo dhaweynaya in aan si wada jir ah u  dhagax dhigno”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza ayaa isna kahadlay dhagax dhigaasi,wuxuu muujiyay safiirka sida ay uga go’antahay dowladad Qatar in ay ka taageerto mahsariicda horumarineed ,islamarkaana ay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Qadar ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada mashaariicda horumarineed iyo mida gar gaarka bani’aadanimo oo ay ka wadaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...