Home Blog Page 1231

Ciyaaraha degmooyinka Galmudug oo furmay

0

Gaalkacyo (SNTV)-Daahfurka Ciyaaraha Degmooyinka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug waxaana ka qeyb galay Wasiiro iyo xildhibaano ka ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo,kan Gobalka Mudug iyo Guddoomiyaasha Cadaado,Balanbale, Cabudwaaq iyo Hobyo ayaa kamid ahaa Madaxda ka qeyb gashay furitaanka Ciyaaraa degmooyinka Galmudug.

Tartankaan u dhaxeeya Degmooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug oo  si rasmi ah kaga furmay Xaruunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa waxaa daahfuray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Galmudug Abshir shiikhoow isagoona dhinacyadiisa ay joogeen Maayarka magaalada Gaalkacyo mudane Xirsi Yuusuf Bare iyo masuuliyiin kale.

Ciyaarta Galabta ka dhacday Garoonka ku badda Cagta ee loogu magac daray Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamed aya waxaa foodda is  daray Degmooyinka Balanbale iyo Gaalkacyo oo koobka marti galisay.

Kulan Ciyaareedka xiisaha badnaa ee Galabta dhexmaray Ciyaardooyd Balanbale iyo Cabudwaaq ayaa ku soo dhamaaday 2 iyo 2

Tartanka oo ah mid xiiso gooniya leh ayaa Maalinka Berrita  waxaa isku arki doono Degmooyinka Hobyo iyo Cadaado oo ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud.

Shir Arrimaha Socdaalka ku saabsan oo Muqdisho ka furmay

0

Muqdisho(SNTV): – Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo wada shaqeynta hey’addaha ka howlgala albaabada Dalka laga soo galo ama looga baxo sida; Xuduudaha dhulka, Garoomada diyaaradaha iyo Dekadaha.

Shirka oo furitaankiisa goob joog ay ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ugu muhiimsan ee lagu adkeyn karo xiriirka wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeya dhammaan hey’adaha ka howlgala meelaha wadanka laga soo galo.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in u jeedka kulanka ay tahay helitaanka iskaashi buuxa oo dhex mara dhammaan laamaha howshoodu tahay albaabada dalka  laga soo galo ama looga baxo.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya, sareeyo gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga, Mudane Maxamuud Maxamed Boonow iyo mas’uuliyiin kale.

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Adeegyada Bulshada

0

Muqdisho(SNTV): – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixin ka siiyey Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayeen dadaallada horumarinta adeegyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo la isku soo dhaweeyey maamulka iyo bulshada.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan warbixin ka siinay waxyaabaha maamulka Gobolka Banaadir u qabsoomay Lixdii bilood ee ugu danbeeyey, gaar ahaan, ammaanka, arrimaha bulshada, dhismaha Golleyaasha deegaanka, maamul wanaagga, koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda, Arrimaha Barakacayaasha oo mudnaan siinay iyo shaqo abuurka dhalinyarada”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa boggaadiyey waxqabadka muuqda ee maamulka Gobolka Banaadir la yimid mudadii koobneyd ee uu jiray, waxuna tilmaamay muhiimadda ay bulshada u leedahay in maamulka loo dhaweeyo.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb. Qin Jian, waxana ay ka wada hadleen sidii ay door uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horaysay oo loo xiray Darajada Sarreeye Guuto

0

Muqdisho(SNTV): — Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo.

“Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre.

“Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka.

Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka oo kormeer shaqo ku tagay Cisbitaalka Xoogga dalka

0

Muqdisho(SNTV);- Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii la magacaabay wuxuu kormeer ku tagay Cisbitaalka Xoogga Dalka,isagoona u kuur-galayay xaaladda iyo habsami usocodka Howlaha Cisbitaalka.

Taliyaha Ciidanka xoogga ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee cisbitaalka, iyadoo ay ka socdeen shaqo Maalmeedka caadiga ah.

Dr. Mahad Cabdullaahi Nuur, Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee cisbitaalka xoogga ayaa ka warbixiyay baahiyaha ka jira cisbitaalka,wuxuuna carabka ku dhuftay iney jiraan baahiyo kala duwan loona baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa sheegay in la dhisi doono Cisbitaalka weyn ee ciidamada xoogga, islamarkaan dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn doono shaqo abuur, taasi oo qeyb ka mid ah taliska dhiira gelin ugu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay.

Dhinaca kale, Taliye Indha-Qarshe waxa kale uu kormeer ku tagay Villa Baydhabo, Qeybta saadka ee ciidanka xoogga dalka, waxaana Salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka,wuxuuna warbixin ka dhageystay taliyaha Hogaanka Saadka Ciidanka Xooga dalka sareeyo Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen.

Ugu dabeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilimi ayaa ku dhiiri galiyay Hogaanka Saadka in uu sii laba jibaaro shaqada si loo gaaro isku filnaasho.

Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo ka furmay Cadaado

0

Cadaado(SNTV);-Wasaaradda arrimaha dastuuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ka furay tababarka tababarayaasha waxbarahda madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha ee ariimaha dastuurka.

Tababrkaan oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa labada maalin ee ugu horraysa waxaa ka faa’iidaysan doona bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Galmudug halka labada maalin ee ku xigtana la tababari doono qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug.

Ugu horrayn, agaasimaha Guud ee wasaaradda dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubayr oo kulanka ka hadlay ayaa sharraxaad guud ka bixiyay ujeedada laga leeyahay tababrkaan iyo waxa laga doonayo dadka ka faaidayta tababarkaan.

“tababrka tababarayaasha waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha ujeedadiisu waxa ay tahay in dadka la tababro ay sii tababaraan dadka kale ee ku nool deeganda hoos yimaada dowlad goboleedka Galmudug si loo daadejiyo arriamaha dastuurka islamarkaana qof kasta oo Soomaali ah uu wax uga ogaado arrimaha dastuurka iyo halka ay marayso dib-u-eegistiisa”
Ayuu yiri agaasime Zubayr.

“Maadaama dastuurku yahay heshiis bulsho, waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta oo Soomaali ah uu aragti ku yeesho dib-u-eegista dastuurka, si qof kasta oo muwaadin ah uu u dareemo lahaansho” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha.

Agaasimaha ayaa kula dardaarmay ka qayb galayaasha tababrkan in ay si wanaagsan uga qayb qaataan islamarkaana ay soo bandhigaan su’aalaha ka dhex guuxaya ee ku saabsan dastuurka si ay u helaan jawaabo wanaagsan uguna sii gudbiyaan dadka kale ee ku nool deegaanda hoos yimaada Dowladda Gamudug.

Gabagabadii waxaa kulanka si rasmi ah u furay wasiirka dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug mudane Mohamed Olaad waxa uuna sheegay in wasaaraddiisu ay ka go’antahay daadejinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaga si qof kasta oo ku nool deeganda galmudug uu fahmo muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Macalimiin tababar ugu soo xirtay Muqdisho

Muqdisho(SNTV);- Xarunta jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta tababar loogu soo gaba gabeeyay ilaa 100 Macallim oo wax ka dhigi doona dugsiyo ku yaala Gobolka Banaadir.

Tababarkan loo qabtay 100-kan macallim ayaa socday muddo 12 maalmood ah, waxaana mushaarka macalimiintan bixinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona tababarkan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabadda lagu soo gaba gabeynayay tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliin Sare Soomaaliya Xassan Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka.

Macalimiinta tababarkan ka qeyb galay  ayaa ballan qaaday inay si hufan ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed islamarkana ay ka soo bixi doonaan waajibaadka loo igmaday.

Madaxa tababarka macalimiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Cismaan oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmay macalimiinta  inay ka soo dhalaalaan howsha loo xil saaray.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa  sheegay in wasaaradda  ay ku kalsoontahay macalimiintan islamarkana looga fadhiyo inay ka soo baxaan howsha hortaala.

“Sidaad la socotan dhaqatar waxaa soo saara macalin, injineer waxaa soo saara macalin, siyaasi waxaa soo saara macalin, marka hadii tayada macalinka la hagaajin, intaas oo dhan ma soo baxayaan, hadda waxaa idin soo gaba gaboobay tababarkii 12-ka malmood idin socday, waxaa la idin tababaray manhajka cusub, manhajka annaga ayaa qornay faa’ido badan ayuuna u lee yahay bulshada Soomaaliyeed, wasaaradda rajo badan ayay idinka leedahay, taasoo micnaheedu yahay inaad ka dhabeyn doontaan howsha la idin igmaday” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Xassan Maxamed Cali.

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka islamarkana loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Mareykanka oo caawimaadka dhaqaale ka joojiyay Falastiin

0

Muqdisho August 25 (SNTV):– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in in ka badan  $200m (£155m) oo ah caawimaad dhaqaale oo Mareykanka u qoondeeyay Magaalada Gaza iyo Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta loo weeciyo meel kale.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka  ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay markii dib-u-eegis lagu sameeyay dhaqaalahaas in uusan ku bixin hanaan waafaqsan danaha qaranka Mareykanka.

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa jimcihii sheegay in la gaaray go’aanka dhaqaalihii Falastiin la siin jirey lagu weeciyay hase yeeshee afhayeenku ma sheegin halka lacagtaas lagu bixin doono.

Horey Mareykanka waxaa ay hakiyeen  $65m oo la siin jirey hey’adda QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin.

Xiriirka u dhaxeeya Falastiin iyo Mareykanka ay ayaa adkaa tan iyo markii Trump uu qabtay talada wadankaas,

Waxayna arrinta sii xumaatay markii Madaxweyne Trump bishii December sanadkii 2017, uu caasimadda Isreal u aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus, iyadoo Falastiiniyiintu Mareykanka u eedeeyeen in uusan dhex dhexaad ka noqon karin qadiyada Falastiin.

Maamulka Mareykanka ayaa sidoo kale, hakiyay caawimaadii dhaqaale ee la siin jirey Falastiin.

Go’aankaas ayaa waxaa walaac ka muujiyay Falastiiniyiinta iyo laanta QM u qaabilsan qaxootiga Falastiin, waxayna sheegeen in nolasha ay ku adkaaneyso muwaadiniinta Falastiiniyiinta ah.

Si kastaba, saraakiisha Amerikaanku qorshaha kuma darsan dhaleeceynta caalamka ugu imaan karto joojinta kaalmadaas la siin jirey dadka ku nool Gaza oo markii horeba nolashada ku adkeyn.

 

koox ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu khaarajiyey Gobolka Baay

0

Muqdisho August 25 (SNTV):– Howlgalka lagu khaarajiyey Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa ka dambeeyey kadib markii maleeshiyaadkaasi ay weerar kusoo qaadeen deegaanka Daynuunaay oo katirsan gobolka Baay, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka.

Wariyaheena magaalada Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq oo lahadlay  Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif Shire oo ah Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka ee qeybta 60-aad ayaa sheegay in ay ciidanku toogteen afar kamid ah maleeshiyaadkaasi, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay hub  ay wateen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanka Deynuunaay oo 18-km dhinaca Bari kaga beegan magaalada Baydhaba ayaa hadda laga dareemayaa xaalad degenaasho ah, waxaana deegaanka ku sugan ciidanka Xoogga Dalka oo markii horeba gacanta ku hayey magaalada.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa dhowr mar ku hungoobay weeraro ay doonayeen iney la bartilmaameedsadaan ciidanka xoogga dalka, taasi badalkeedana waxey la kulmayeen jab iyo baaba’ xoogan oo ciidanka Qaranku ay u geysanayeen maleeshiyaadkaasi.

 

 

Askar iyo Saraakiil loo xiray Musuq

0

Muqdisho (SNTV)- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 28 Xubnood oo isugu jira Ciidamada dowladda iyo saraakiil ciidan loo xiray falal la xiriira musuqa.

Taliye ku xigeenka Hoggaanka dambi baarista Soomaaliya Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in 28 qof oo isugu jira saraakiil iyo Ciidamada amaanka loo xiray musuqa.

Arrintan ayaa daba socota olole ka dhan ah musuqa oo ay dowladda Federaalka ah billowday bilihii la soo dhaafay.

Ilaa hadda waxaa ay dowladda Federaalka ah musuq u xirtay dad uu ugu horreeyo Maamulihii Canshuuraha Furdada Xamar iyo 9 qof oo kale oo kala shaqeynayay qeybtaas, waxaa kale oo la xiray Saraakiil Ciidan, Wasiirro ka mid ah Xukuumadda oo la eedeeyay, agaasimayaal Wasaaradeed iyo kaaliyayaal Maxkamadeed.