Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Adeegyada Bulshada

Date:

Muqdisho(SNTV): – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixin ka siiyey Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayeen dadaallada horumarinta adeegyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo la isku soo dhaweeyey maamulka iyo bulshada.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan warbixin ka siinay waxyaabaha maamulka Gobolka Banaadir u qabsoomay Lixdii bilood ee ugu danbeeyey, gaar ahaan, ammaanka, arrimaha bulshada, dhismaha Golleyaasha deegaanka, maamul wanaagga, koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda, Arrimaha Barakacayaasha oo mudnaan siinay iyo shaqo abuurka dhalinyarada”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa boggaadiyey waxqabadka muuqda ee maamulka Gobolka Banaadir la yimid mudadii koobneyd ee uu jiray, waxuna tilmaamay muhiimadda ay bulshada u leedahay in maamulka loo dhaweeyo.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb. Qin Jian, waxana ay ka wada hadleen sidii ay door uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...