Home Blog Page 1232

Fanaaniinta kooxaha Ciidanka Qalabka sida oo la mideynayo

Muqdisho (SNTV)- Munasabad lagu dhiiraglinaya Ciidamada Asluubta iyo booliska islamarkaan  lagu walaleenayay Fanaaninta onkood  heegan iyo fanaanita kooxaha kale ee ciidmada ayaa lagu qabtay xaruunta gadiiidka ciidanka booliska ee magalada Muqdisho, waxaa ka qeyab galay xaflada Taliyaha Ciidanka Asluubtaa Soomaaliyeed sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” sarakiil ka kala socotay  booliska  iyo asluubta,

Intii ay socotay munasabadda waxaa halkaasi  heeso iskugu jira gubaabo iyo dhiragalin ku soo Bandhigay Fanaaninta onkod iyo heegan.

 Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed jamac keynan oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in hada wixii ka dambeya ay si wada jira uwada shaqeyn doonnaan fanaaiinta iyo bambeyda ciidamada Qalabka sida

“Waxaan mideyn doonnaa fannaaniinta sadexda ciidan, si marka xafladaha ay jiraan ay ugusoo bandhigaan suugaanta gubaabada ahtaasi ayaan dhawaan ka shaqeyn doonaa,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Taliyaasha Ciidamda Asluubta iyo Booliska  ayaa dhawaan kormeer iyo u kuurgalid sida ay u socdaan Howlaha amniga lagu sugayo. Ku tagay  kontaroolada laga soo galo magaalada iyagoo Ciidankii goobahaasi ku sugnaa ay ku booriyeen inay adkeeyaan shaqadda Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan.

Mareykanka: amniga Soomaaliya cuddud ciidan Kaliyah xal uma ahan

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in xalka Amniga ee Soomaaliya uusan noqon Karin oo Kaliyah Cuddud ciidan.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan Safiirka  Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya u magacaabay Donald Yamamoto, kaas oo hortagay Guddiga golaha senate-ka u qaabilsan Arrimaha  Dibedda waxa uu ka hadlay siyaasadda, Amniga iyo Horumarinta Soomaaliya.

“Aragtida Mareykanka ma ahan Kaliyah in Xalka amniga Soomaaliya aan ka wada raadinno Cuddud ciidan, laakiin waa in kala qeybsanaanta qabaa’illada Soomaaliyeed xal u helnaa, nabadda iyo wada shaqeyn dowladda Federaalka iyo dowlad gobolleedyada wax weyn bey ka tari doontaa dib u dhiska dalka oo dhan” ayuu yiri Danjire Donald Yamamoto

Waxa uu sheegay in Mareykanka cabadaha yaryar ee ka heysa sidii ay toos ugu shaqeyn lahayd safaaraddiisa Muqdisho in ay u raadin doonaan xal deg-deg ah.

Safiirka cusub ee  Mareykanka ayaa ka hadlay Jarista Dhirta iyo Nabaadka guurka deegaanka waxa uu sheegay in arrintaas dowladda Federaalka iyo Mareykanka ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo xaqiijin lahaa joojinteeda, Qaramada Midoobeyna ay taageero u heysto barnaamijyada looga hortagayo xaalufinta deegaanka, horeyna guulo looga gaaray sidii loo yareyn lahaa.

 

 

Daawo Barnaamijka Kulanka Todobaadka.

Muqdisho (SNTV)- Barnaamijka Kulanka Todobaadka, waa todobaadle kamid ah barnaamiyada ka baxa warbaahinta dowladda, waxaa si gaar ah loogu lafa guraa arrimaha todobaadkaas ugu muhiimsan dadka iyo dalka.

Todobaadkan waxaa marti ku ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Tabiye, Faysal Muuse Maxamed.

Halkan Hoose ayaad ka wadan Kartaan.

Daawo Barnaamijka Sama Wade.

Muqdisho (SNTV)- Sama Wade, waxa uu kamid yahay barnaamijyada ka baxa Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaraa iftiiminta dhagaraha kooxaha arga-gixisada ee Alshabaab iyo Daacish.

Tabiye Cali, Cabdiraxmaan Aadan

Halkaan Hoose ayaad ka daawan Kartaan.

Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Imaaraadka ugu baaqey inay ka qeyb qaataan horumarka Caasimadda

0

Muqdisho(SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Dubai kula kulmey jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Imaaraadka oo halkaas ku qabtey xaflad ay ku soo dhoweynayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaaney Soomaalida ku dhaqan Imaaraadka, sida ay uga dhex muuqdaan bulshada kale ee waddanka ku dhaqan, isagoo ugu baaqay inay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Mudane Eng.Yarisow ayaa jaaliyadda Soomaalida uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Caasimadda ee dib uga soo kabanaysa dhibaatooyinkii ay reebeen dagaalladii sokeeyo, waxuna tilmaamay guulaha wax ku oolka ah ee la gaaray in ay dhiirigeliyeen horumarka lagu tallaabsaday.

“Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Imaaraadka Carabta waxay kaalin wanaagsan ka soo qaateen horumarka dalkooda, hadana waxaan idinku sii dhiiragelinayaa dadaalkiina inaad sii labo jibaartaan, gaar ahaan magaalada Caasimadda ee Muqdisho oo xiligan dib ayay u soo kabanaysaa waa in aad doorkiina ka qaadataan”.

Xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee Isutagga Imaaraadka ayaa iyaguna halkaas Guddoomiyaha ku siiyey warbixinno la xiriirta xaaladahooda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Ciidanka Ururka 60aad oo kulan sagootin ah u sameeyey Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka

Muqdisho (SNTV), Ciidanka Taliska Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa kulan sagootin ah maanta u sameeyey Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo intaan xilka Abaanduulka loo magacaabin ahaa Taliyaha Ururkaasi.

Kulanka intii uu socday ayaa Gen. Odowaa waxa uu dhageystay Talooyin iyo aragtiyo ay usoo gudbiyeen Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dableyda Ururka 60aad ee ilaaladda Madaxtooyadda Qaranka, waxaana dhammaan ay ugu hambalyeeyeen Xilka cusub ee loo dhiibay, iyaggo ALLE uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo dhiibay.

Siihayaha Taliyaha Ururka 60aad ee Ilaaladda, ahna Abaanduulaha Ururkaasi, Dhamme Dayax Cabdi Cabdulle oo kulanka ka hadlay, ayaa ugu horeyn u hambalyeey S/guuto Odowaa Yuusuf raage, waxaana uu xusay in Shaqada Ururka lasii dar dar gelin doono.

Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Ciidanka Ururka 60aad, ayaa uga mahad celiyey qaabka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intuu uu hayey Xilka Taliyaha Ururka, isaggoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqada, si wanaagsanna ay ula shaqeeyaan Madaxda.

Tartanka kubadda cagta degmooyinka oo furmay

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa   si rasmi ah garoonka Banaadir uga furmay tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018, waxaana xaflada furitaanka oo si heersare loo soo agaasimayay kasoo qayb galay masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo marti sharaf kale.


Ka hor bilowga ciyaarta waxaana garoonka Socod kusoo maray ciyaartoyda 17 degmo ee gobolka Banaadir oo ay horkacayeen Bambayda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana tartanka daah fray Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye.


Kulanka furitaanka oo ay ku loolameen degmada Waaberi oo difaacaneysa koobka degmooyinka  iyo Degmada Dharkeenleey waxaana waqtigii loogu talo galay ay guusha 2-0 ku raacday Waaberi oo 10 laacib ku ciyaaraysa kadib markii  laba kaar   casaanka   u taagay garsoore Siyaad oo ciyaarta dhex dhexaadinayay, waxayna sidaasi 3 dhibcood hogaanka ugu qabatay Group A.


Maanta  oo sabti ah waxaa la ciyaari doonaa laba kulan oo ka kala dhici doona garoomada Banaadir iyo Jamaacadaha.


Yaaqshiid iyo shangaani oo Group kujira ayaa garoonka Jaamacadaha ku ballansan , halka Hodon iyo Warta Nabadda ay isaga hor imaan doonaan garoonka Banaadir
Saacadda: 3:30 Pm.

Alshabaab oo sixirooleyaashooda soo ban bixiyay

0

Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ayaa dadka ku nool deegaannada ay haystaan u soo bandhigay wax ay ugu yeereen dabbaal degyo ciidda lagu soo beegay.

Degmada Saakow oo ka mid ah gobolka Jubbada dhexe, ayay maleeshiyadu meel fagaare ah isugu soo bixisay carruurta iyo haweenka halkaas ku dhaqan ee ay xoogga ku haystaan, waxayna u soo bandhigeen,maleeshiyadooda oo raashin cunaya isla markaana jir dhis sameynaya.

Waxyaabihii kooxdu soo bandhigtay waxaa ka mid ahaa niman sixirooleyaal ah, oo kooxdu adegsato, kuwaas oo soo bandhigay waxyaabo indho sarcaad ah.

Sixirooleyaasha oo u labisnaa si aad fool xun, ayaa la qariyay wajiyadooda, si aan loo garan.

Sixirka ayaa ka mid ah tabaha ay adeegsato kooxdan Islaamka ka been sheegta, si ay maanka uga xaddo da’ yarta iyo dadka aan garaadkooda iyo aqoontoodu ku filnayn.

Sixirku waxa uu ka mid yahay arrimaha ay Shareecada Islaamku xaaraantinimeysay, hase yeeshee maleeshiyada Alshabaab ee xag-jirka ah, ayaa ku dhaqanta wax kasta oo Shareecada Islaamku reebtay sida daadinta dhiigga muslimiinta, dhaca xoolahooda iyo ku xad-gudubka karaamadooda iyo diintooda.

Alshabaab, ayaa adeegsata  hal ku dhagga ah: “Si aad ujeeddadaada u gaarto, samee wax kasta una adeegso wax kasta”.

Sidaas ayuuna sixirka, dilka muslimiinta, xitaa haddii ay masaajid ku jiraan, dhaca xoolahooda iyo ku xad-gudubka karaamadoodu uga mid yihiin hababka ama wasiilooyinka ay u maraan gaarista hadafkooda oo ah in ay awood iyo dhaqaale helaan.

 

Qurba joogta Soomaaliyeed oo loogu baaqey in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka iyo taageerada ciidamada

0

Muqdisho (SNTV)- Qaar kamid ah salaadiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kunool qurbaha ayaa wada dadaallo qurba joogta Soomaaliyeed loogu wacyigelinayo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkoodi Hooyo,iyadoo la fulinayo baaqyada madaxda dowladda Soomaaliya ee ah in qurba joogtu ay muujiyaan dowrkoodi horumarineed ee Dalka.

Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee Qurbaha kunool ayaa sheegay in qaar kamid ah magaalooyinka wadamada Yurub oo ay Soomaalidu kunool yihiin ay kulamo kala duwan kula qaateen Soomaalida, isagOoo ujeedka ku tilmaamay mid looga wacyigelinayo kaalintoodi ku aadan dib u dhiska dalka iyo taakulaynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

“Aad baan ugu mahadcelinaynaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kunool qaarada Yurub sida wadanka Swedan oo ay kunool yihiin Soomaalida ugu badan,sidoo kale Ingiriiska Norway iyo meelo kale,waxay ay naga balanqaadeen in dalkoodi ay ku soo laabanayaan oo ay dhismihiisa ka qeyb qaadanayaan,sidoo kale waxaan ku boorinay in ciidamada Qaranka la taageero dhaqaale ay iska soo ururiyaan,runtii aad ayaay u soo dhaweeyeen dhamaantooda,hadad waxaan joognaa Dalka Austria”.Ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu Suldaanka uu intaasi ku daray in ay si gaar ah ula hadleen aqoonyahanada iyo siyaasiinta Soomaaliyeed oo xilalka kala duwan ka haaya wadamada Yurub, isagoo xusay in ay soo dhaweeyeen qorshahaasi wacyigelinta ah.

Qurba joogta Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeyeey waxaa ay dadaal xoogan ugu jireen sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen dalkoodi hooyo,  walow ay kal hore hirgeliyeen  barnaamijyo ganacsi oo shaqo abuur ah, taasi oo kutimid markii hay’adaha amaaanka dowladda Soomaaliya ay xoojiyeen  xasiloonida dalka.

Ciidanka Amniga oo Gacanta ku soo dhigay Labo dhagarqabe oo ka tirsan Alshabaab.

0

Muqdisho(SNTV):– Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay labo dhagar-qabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab. sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay habeen hore Kaas oo ahaa mid lagu sugayay Nabad-galyada Shacabka, Islamarkaana ay Ciidanka amniga gacanta ku soo dhigeen labadaasi dhagarqabe.

“Habeynimada 23ka Agoosto, ciidanka Nabadgelyada Dowlada Federaalka ah ayaa Degmada Wadajir waxay howlgal kusoo qabteen labo shakhsi oo argagaxisada Alshabab ah. Howlgalkaan oo lagu sugayay nabadgelyada dadwaynaha soomaaliyeed,  cidna wax kuma noqon.”ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay NISA

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleestay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.