Home Blog Page 1230

UK oo bogaadisay Horumarada dhanka Siyaasadda iyo Amniga ee ka jira Soomaaliya

Muqdisho(SNTV):- Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska Rt.Hon Gavin Williamson,ayaa maalintii talaalada soo gaaray magaalada Muqdisho,isagoona dib u xaqiijiyay balanqaadkii UK ee ahaa iney taageerto Soomaaliya si loo xaqiijiyo isbedel dhab ah oo ku saabsan Xagga Amniga,Siyaasadda iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Xoghayaha Difaaca UK,ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,isagoona ugu hambalyeeyay natiijooyinkii wanaagsanaa ee ka soo baxay Madashii iskaashiga Soomaaliya ee ka qabsoomay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka,wuxuuna si gaar ah farta ugu goday arrimaha Siyaasadda,horumarada loo qaaday dhanka wanaagga,qeybaha Ammaanka iyo waliba isdhexgalka ciidamada Gobolka ee lagama maarmaanka u ah dagaalka kooxda argagixisada ee Al-Shabaab.

Sidoo kale,Xoghayaha Difaaca UK Rt.Hon Gavin Williamson,ayaa la kulmay Hoggaanka AMISOM,waxayna ka wada xaajoodeen sida UK iyo AMISOM Soomaaliya kaga caawin karaan qorshaha KMG ah loona xoojin lahaa sidii ciidamada Xoogga dalka Amniga kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Intaasi kadib ayaa Xoghayaha Difaaca dalka UK wuxuu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod),Waxayna kullankooda xooga ku saareen dhismaha Ciidanka Xoogga dalka iyo iney awood u yeeshaan la wareegida Amniga dalka.

Ugu danbeyntii,Xoghayaha Difaaca Uk,oo booqashadiisii ugu horeysay ee ku yimaada Somaaliya ka hadlayay wuxuu yiri” ” Booqashadeydii ugu horeysay ee Soomaaliya Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmo Madaxweyne Farmaajo oo aan maqlo qorshayaashiisa iyo mudnaanta dowladda, waxaanan ka wada hadalnay sida aan u wada shaqayn karno si loo hagaajiyo amniga una keeno horumarka dhaqaale ee Soomaaliya u baahan tahay si loo hagaajiyo nolosha dadkeeda.

Wasiirka Amniga XFS oo booqday Xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku leedahay Garoowe

0

Garowe(SNTV);- Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abukar Islow  ayaa booqday xarunta laanta 6-aad Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ka howlgasha magaalada Garoowe.

Wasiirka ayaa kormeer ku soo sameeyay dhammaan xafiisyada ay Hay’addu ku shaqeyso, isla markaana warbixin ka dhageystay agaasimaha laanta 6-aad ee Hay’adda Maxamed Faarax Qanbi iyo saraakiisha kale ee ka howlgasha Laanta 6aad.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa ku booriyay saraakiisha Hay’adda ee ka howlgasha laanta 6-aad ee deeganada Puntland shaqada wanaagsan oo ay qaranka u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay in si hufan loogu adeego bulshada Soomaliyeed.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Xafiisyo waxay ku leedahay inta badan Gobolladda dalka,kuwaasi oo Shacabka Soomalaiyeed u fududeynaya helida adeegyada Baasaboorka.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo dhagax dhigay Xabsi cusub

0

Muqdisho(SNTV);– Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”  ayaa waxay maanta dhagax dhigeen Xabsi cusub oo lagu soo kordhiyay Xabsiga dhexe ee Xamar si loogu kala yareeyo culeyska Maxaabiista.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo u wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xabsiga dhexe ee Xamar gaar ahaan Warshadaha soo saaraya qalab xafiisyeedka iyo kuwa guryaha,waxaana xilligaasi ka howlgalayay Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marka hore ay ku faraxsan yihiin in Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed “ Ameeriko ku soo booqdaan Xabsiga dhexe ee Xamar,wuxuna carabka ku dhuftay in Guddoomiyuhu dhagax dhigayo Xabsi cusub oo ku soo biiri doono Xabsiyada dalka,kaasi oo culeyska Maxaabiista ka yareyn doona Xabsiga dhexe ee Xamar.

Wuxuu sheegay Bashiir Maxamed Jaamac in arrintaan ay sahleyso in Maxaabiista Xabsiga dhexe ay ka baxaan ciriirigii ay ku jireenn horayna baahidooda wax badan looga qabtay.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlay dhagax dhiga Xabsiga cusub ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay Xabsiga cusub ay tahay inuu Culeyska ka fududeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar.

“ Ujeedada ugu weyn ee Xabsigan laga leeyahay waxaa weeye in culeyska uu ka fududeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar in dadka Xabsiga ku jira ay helaan qolal baaxad leh oo nadaafadiisana wanaagsan tahay iyo meelo ay wax ku bartaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Maxkamada sare Baashi Yuusuf Axmed ayaa bogaadiyay kuna tilmaamay iney tahay wax lagu farxo in boqolkiiba lixdan dadka waxa dhisaya ay yihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,keliyana la siiyay qalabkii Xabsiga lagu dhisayay.

Ra’iisalwasaare umushay, kadibna shaqadeeda dib ugusoo laabatay.

0

Muqdisho 2da August 2018 (SNTV):-Waa dhif iyo lnaadir in la arko haweeney uur qaaddo oo hadana dhasha iyadoo heysa jagada ugu sareysa wadanka, laakiin arintaas waxay kudhacday haweeneyda madaxda ka ah wadanka wasaaraha New Zealand.

Jacinda Ardern Ra’iisul wasaaraha New Zealand  ayaa dib xafiiska ugusoo laabatay ka dib markii muddo kudhow laba bilood ay kumaqneyd fasixii umusha, waxana ay dhashay gabadheeda ugu horeysa ee curada oo ay ubixisay Neve Gayford,

Waxaana horaantii todobaadkan ay  kasoo muuqatay Facebookeeda kaasoo ay kaga warameyso nolosha hooyanimada.

” shaqada ayaan  si toos ah ugu laabanayaa marka aan fasaxa soo dhameysto” ayay ku tiri muuqaalka ay soo dhigtay facebooka.

21 ayay bishii lixaad ee june ayey  umushay  gabadheeda  Neve Gayford,

Ra’iisulwasaare  Jacinda Ardern  ayaa la sheegay in intii ay fasaxa umusha kujirtay ay la socotay sida ay u socoto shaqada xafiiska iyadoo talooyinna siineysay masuuliyiinta dowlada

“Ma ihi qoftii ugu horeeyey ee shaqooyin  badan isku qabata, mana ihi haweenaydii ugu horaysay ee shaqaysa iyadoo ilmo haysata, wayna jiraan dumar badan oo sideyda oo kale ah” ayey tiri

Haweeneydan oo da’deedu ay tahay 38 jir ayaa la doortay bishii Ocktober ee sanadkii lasoo dhaafay Waana  Ra’iisulwasaarihii ugu da’yarayd dalkaas intii xil kasoo qabatay tan iyo 1956 kii

Dad badan ayaa aaminsan inay adagtahay in haweenku ay  isku wadan karin  shaqada hooyanimada iyo tan xafiiska,  sababtuna waxa  ay tahay  dumarka oo ah  warshad soo saareysa ubad, si aysan udayacminna loobaahanyahay inay lajoogaan carruurta inta ay ka kobcayaan.

.

 

Guddi joogteeyaa habsami u socodka arrimaha Xajka iyo adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed oo la magacaabay

0

Muqdisho(SNTV);- War saxaafadeed ka soo Baxay Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka JFS ayaa lagu Magacaabay Guddi kor-joogteyn doona habsami-u -socodka Arrimaha Xajka iyo adeegyada Xujeyda.

Ka dib kullan,Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay ku magacaabeen Guddi ka shaqeynaya fududeynta adeegyada Xajka ee Xujeyda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin.

Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ku wargelisay dardar gelinta habsame u socodka arrimaha Xajka si looga baaqdsado dib u dhac ku yimaada arrimaha Xujeyda maadama waqtiga ciriiri uu yahay.

Ugu danbeyntii,Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa uga mahad celisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixisay suurta gelinta arrimaha Xajka ee sanadkaan.

        Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

Duqa Muqdisho “Muqdisho waa Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka”

0

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayey muuqaal baahiye Cusub oo kusoo biiray Telefashinada dalka ka jira,  ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed maalgashiga mugga weyn ee ay ku sameynayaan Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xarumaha warbaahinta ee ku soo kordhaya Gobolka Banaadir ay markhaati muuqda u yihiin hannaanka dimquraadiyadda iyo xuriyatul qowlka ee ka jira Gobolka.

“Saxaafaddu waa indhaha bulshada, waxaa waajib ku ah in ay mudnaanta siiyaan soo gudbinta baahiyaha iyo dhibaatooyinka ay qabaan bulshadu, iyadoo maanka lagu hayo ilaalinta midnimada, wada jirka iyo xasilloonida shacabka, maadaama magaalada Muqdisho ay tahay Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka.”

Guddoomiye Yarisow ayaa kula dardaarmay warbaahinta ka hawl gasha Gobolka Banaadir in ay dadaal dheer geliyaan faafreebka iyo turxaan bixinta xogta ay u gudbinayaan bulshada, iyadoona laga fogaanayo baahinta macluumaadka aan xaqiiqada ku saleysnayn.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu si buuxda u damaanad qaadaya ilaalinta xornimada saxaafadda annagoo ka duuleyna xuquuqda dastuuriga ah iyo sharciyada dalka u dagsan, waxaana naga go’an in aan kor u qaadno tayada suxuufiyiinta si Ay u tabiyaan Warar iyo Barnaamijyo la hubiyey xaqiiqda dhabta ah” Ayuu yiri Eng.Yarisow

Ciidanka Booliska Soomaaliya oo qabtay Nin dil ka geeystay Magaaladda Laascaanood

0

Muqdisho (SNTV), Hoggaanka Baarista Dambiyada C.I.D  ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa Magaaladda Muqdisho ku qabtay Gacan ku dhiigle dil ka geeystay Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, kadib markii la helay Xogta gacan ku dhiiglahaan oo ku dhuumanyey qeybo ka mid ah Caasimada dalka.

Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in qofka dilka geeystay lagu Magacaabo Axmed Cabdi Jaamac, uuna dilka u geeystay Marxuum Sharmaarke Maxamed Cabdi Shire, waxaana uu xusay in gacan ku dhiiglaha uu kasoo baxsaday Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

“Waxaan ku guuleysanay in lasoo qabto Gacan ku dhiiglihii isaggoo ku dhuumaaleysanayo Magaaladda Muqdisho, hadda waxuu ku xiran yahay Xarunta C.I.D” ayuu yiri Gen. Bishaar

Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay in laga gudbay Waqtigii Dambiile dambi kasoo galay Gobolada dalka uu ku dhuunto dalka gudahiisa.

“Waa laga gudbay Xilligii Dambiile intuu dambe ka galo Gobolada iyo degmooyinka dalka uu meel kale ku dhuunto, waxaan idin sheegayaa 15 Bishii July inuu dilka geeystay Gacan ku dhiiglahaan, waxaana qabanay 28-ka July” ayuu mar kale yiri Gen. Bishaar Abshir Geeddi.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday laba horjooge oo Daacish ah (Dhageyso)

Dhowr jeer oo fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish kuwooda  dhibka ka wado Soomaaliya.

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin   oo ah eedeysanaha  1-aad ayaa loo heystaa in uu  ku mashquulsanaa aas-aasidda  koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin

Max’ed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa  loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan,  waxaa  si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday  Suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee  Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka,  magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Africa iyo ka  mid ahaanshiyaha Malleeshiyada Al-Shabaab.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA DARAJADA KOOWEED EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.

 

Qarax goordhaweyd kadhacay Magaalada buuhoodle.

0

Hal qof ayaa kudhintay laba kalena  way kudhaawacmeen qarax goordhaweyt kadhacay magaalaa buuhoodle ee gobolka cayn.

Sida dad goobjoogayaal ay warabaahinta qaranka usheegeen, Qaraxa  waxaa geystay qof isasoo miidaamiyey kaasoo beegsaday gaari ay saarneeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland ee degmada buuhoodle.

Dadka kudhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay ispitaalka degmada buuhoodle.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo uwaramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qaraxa ay ka argagaxeen, maadaama aysan ubaran dhawaaqa qaraxyada.

Majirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxa kadhacay magaalada buuhoodle, waana markii ugu marki ugu horeysay uu qaraxa sidaan oo kale  kadhaco magaaladaas.

Xisbiga Zanu PF ee Dalka Zimbabwe oo ku guuleystay doorashadii kadhacday dalkaas

0

Harare Arbaca  August (SNTV):-  Xisbiga talada haya ee dalka Zimbabwe ee  Zanu-Pv,ayaa ku guuleystay doorashooyinkii Baarlamaan ee ka dhacaya dalka Zimbabwe.

Xisbigaasi ayaa helay 109 kursi ,taasoo caddeyneysa in  ay heysataan aqlabiyad sida laga soo xigtay guddigga doorashooyinka dalkaasi.

Xisbiga kale ee  mucaaradka ee dhaqdhaqaaqa Isbadalka Dimoqraadiga (Movement for Democratic Change (MDC),ayaa helay 41-kursi,halka aan weli la shaacin 58-kursi,sida ay wariyeen guddigga doorashooyinka.

Tartanka doorashada dalka Zimbabwe ayaa bilaabatay maaliimadii Isninta ,waana marki ugu horeysay, muddp dheer oo uu xilka dalkaasi hayey  Madaxweyne Robert Mugabe,kadib